Qoyska Muxamed Cali Clay waxay ku dhawaaqeen in Marxuunka Jimcaha lagu aasi doono Louisville

Qoyska Muxamed Cali ayaa waxau ku dhawaaqeen in aaska Marxuunku dhici doono maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa oo ku beegan maalmaha ugu horeeya bisha Ramadaaan.

Marxuunka waxa lagu aasi doonaa magaaladii uu ku Louisville ee gobolka Kentucky.

Afhayeen u hadlay qoyska reer Muxamed Cali waxa uu sheegay in uu ahaa marxuunku  muwaadinka caalamka, uuna jeclaan lahaa in dhammaan dadku ka soo qayb galaan aaskiisa.

Aaska Muxamed Cali Clay ayaa waxa loo aasayaa  sida diinta Islaamku dhigtay in qofka Muslimka ah loo aaso, balse waxa la filayaa in ay ka soo qayb galaan dadyow diimo kala duwan haysta.

War-baahiyayaasha caalamka ayaa waxa hadheeyey geerid Muxamed Cali Clay, iyadoo dadweyne aad tiro badan u soo tacsiyadeeyeen qoyskii uu ka baxay Muxamed Cali.

Sidoo kale waxa ka mid ah dadka tacsiyadeeyey murashaxa cadaystay nacaybka Muslimiinta Donald Trump, oo ay u badan tahay inuu noqdo musharraxa xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in Maxamed Cali uu ahaa nin ku weyn horyaalka feerka, uuna ka dhintay dadka oo dhan.

Inkasta oo Donald Trump tacsiyadeeyey geerida Muxamed Cali Clay, laakiinse Marxuunku waxa uu cambaareeyey sannadkii 2015-kii hadalada Muslim nacaybka ee Donald Trump gaar ahaan tii oo doonayey in uu Muslimiinta ka mamnuuco in ay soo galaan Maraykanka waa haddii uu Madaxweyne noqdee.

bandhige@gmail.com