โMaxamed Mooge marka si walba loo eego shakhsi ahaan waxa uu ahaa nin ka hufan turxaanta iyo cilladaha dhaliisha ku noqda baniโaadmiga, wuxuu ahaa nin naftiisa u han-weyn oo aan dhac-dhaca aqoon.โ
Naxariistii Janno Alle haka waraabiyee waxa habeen hore oo ay taariikhdu ahayd 4 bisha Juun sannadka 2016 ku beegannayd sannad guuradii 32โaad ee kasoo wareegatay markii uu geeriyooday Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan โBabanโ.
Waxaana habeen hore oo kale taariikhdu marka ay ahayd 4-tii Juune 1984-kii lagu dilay Mujaahid Maxamed Mooge deegaan ka tirsan magaalada Dhagax-buur ee dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxa uu ahaa macallin, heesaa, laxamayste, halgamaa, waxaanaย uu ku dhashay magalaada Hargeysa kuna barbaaray yaraantiisii, halkaas oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay, ka hor intii aanu hantiyin dhagaha dadweynaha Soomaaliyeed waxa uu ahaa macallin ka tirsan wasaarada waxbarashada jamhuuriyadii Soomaaliya, wuxuu hoobal soo shaac baxay noqday sannadihii todobaataneeyadii, waxa taliskii Soomaaliya ka dhisnaan jiray shaqadii ka fadhiisiyeen sannadkii 1971kii kadib markii talisku ku eedeeyay in aanu u jajabnayn hawlaha kacaan ku sheega boobay taladii dalka, intii uu dalka gudihiisa joogay waxa uu ku heesi jiray heeso si dadban uga soo hor-jeeday taliskii Maxamed Siyaad Barre.
Todobaataneeyadii ayuu si qarsoodi ah dalka kaga baxay waxaana uu in muddo ah ku noolaa dalka kiiniya iyo dalka Ingiriiska, ka dib markii uu naftiisa uga maaro waayay in ay ka indho qarsato durbaanadii beenta ahaa ee loo tumayay Siyaad Barre.
Dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee Siyaad diidka ahaa (SSDF) ayuu ku biiray, waxaana uu ahaa hoobalkii ugu horeeyay ee qaaday hees cod ah oo si badheedh ah uga soo hor jeedda taliskii Siyaad Barre. Sida heestii ahayd:
โlix iyo labaatankii Juun ku lednay, kowdii Luulyo liibaanay iyo labaatankii October leeleelay.โ
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo wakhti hore wax laga waydiiyay noloshii iyo shakhsiyaddii Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan ayaa waxa uu yidhi:
โMaxamed Mooge wuxuu ahaa nin naftiisa u hanweyn, xarrago badan. Xarragadiisa iyo hanweynidiisa maansooyin iyo gabayo badan oo jira oo rag ay leeyihiin ayay ku soo arooreen. Nin naftiisa u hanweyn oo aan dhacdhaca aqoon, oo aan hunguriga u shaqaynin. Wuxuu ahaa nin hayalsan, oo dabeecad wanaagsan, oo marka si walba loo eego ka hufan turxaanta iyo cilladaha binaโaadanka ku noqda dhaliilaha waaweyn ee marka danbe saameeya noloshiisa. Wejigiisa had iyo goor waxa ka muuqan jirtay wejifurraan, farxan, heelanaan.โ
Xigasho: Hubaal.