Murano siyaasadeed oo ka dhashay geerida Muxamed Cali

Geerida feeryahankii caanka ahaa ee Muxamed Cali, ayaa dalka Maraykanka ka dhalisay muran siyaasadeed oo u dhexeeya qaar ka mid ah musharraxiinta xisbiyadda dalkaasi.

Donald Trump oo la filayo in uu musharrax madaxweyne u noqdo xisbiga Jamhuuriga Maraykanka, oo ka tacsiyeeyay geeridii Muxamed Cali, ayaa sheegay in uu ahaa horyaal weyn oo ay dadka oo dhan tebi doonaan.

Balse musharraxa u tartamaya xisbiga Dimoqraadiga, Senatar Bernie Sanders, ayaa  waxa uu Trump ku dhaliilay in uu yahay laba-wajiile, waxaanu  yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Waxaan u sheegayaa dhammaan taageerayaasha Donald Trump ee moodaya in ay sax tahay in ay noo sheegaan jaceylka ay u qabaan Muxamed Cali, balse neceb Muslimiinta, in ay fahmaan in Muxamed Cali uu ahaa Muslim khaalis ah oo Diintiisa si dhab ah u haystay.”

Muxamed Cali Clay ayaa`cambaareeyey sannadkii 2015-kii hadal uu Donald Trump ku sheegay in uu Muslimiinta ka mamnuuci doono haddii uu xukunka Maraykanka ku guulaysto.

Aaska marxuumka ayaa Jimcaha ka dhici doona magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, oo ah meeshii uu ku koray xilli uu Maraykanka ka jiray midab takoor ba’an.

bandhige@gmail.com