Eeraan waxay ku eedeysay in isbahaysiga Maraykanka iyo Sucuudigu hoggaamiyaan taageeraan argagixisada

Eeran ayaa ku gacansaydhay warbixin dhawaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka taas oo dalka Eeraan ku tilmaantay in uu yahay mid ka mida dalalka taageera argagixisada.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Debedda ee Eeraan ayaa ku eedeeyey Isbahaysiga Maraykanka iyo Sucuudigu in ay maalgeliyaan hawlaha argagixisada, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu iska indho tiro taageerada siyaasadeed iyo tan maaliyadeed ee Sucuudigu meelo badan oo dunida ah ka fuliyo.

Afhayeenka wasiirka arrimaha Dibedda Eeraan Xuseen Jaabir Ansari  oo la ka hadlay telefishaka Eeraan waxa uu sheegay dhaleecayntan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Marka qaybo badan oo ka mida isbahaysiga Maraykanka ee gobolku ay taageero kala duwan u fidiyaan urur ISIS iyo ururkada kale ee argagixisada, dalka Iran isagu wuxuu safka hore kaga jiraa la dagaalanka argagixisada ku sugan Ciraaq iyo Syria.”

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa soo saartay warbixin sannadeedkeedii, iyada sheegtay in dalka Iran uu kordhiyey taageerada uu u fidiyo ururka reer Falastiin ee ka taliya Gaza iyo kooxda Xisbullah.

bandhige@gmail.com