Siyaasi Miisaan Culus Oo Xil Looga Magacaabay Urur Siyaasadeedka KAAH… W/Q:(Cabdixakiim Cali Xuseen)

 

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa 28kii Oct 2024, Aqoonyahan Khadar Ciise Cabdi Furre u magacaabay Guddoomiyaha Abaabulka Gobollada Galbeedka JSL ee Urur Siyaasadeedka KAAH.

Khadar Ciise oo ah shaqsi hawlkar ah oo waayo-aragnimo siyaasadeed iyo mid maamul oo baaxadle leh, muddo dheerna kusoojiray saaxada siyaasada Somaliland, islamarkaasina aan aaminsanahay in uu wax-badan kusoo kordhin-doono guusha iyo hoggaaminta Urur Siyaasadeedka KAAH.

 

WAA KUMA SIYAASI KHADAR CIISE CABDI?

Aqoonyahan Khadar Ciise Cabdi waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa, waxaanu waxbarashadii dugsiga hoose, dhexe iyo sarre-ba ku qaatay magaalada Hargeysa. Kadib waxa uu u dhoofay dalka Gadar (Qadar) oo uu markiiba usii dhaafay dalka Cannada. Halkaasi oo uu waxbarashadii Jaamacada ku qaatay Jaamacad ku taala dalka Cannada oo uu ka bartay Cilmiga Mechanical Engineering-ka.

Khadar muddo dheer ayuu ku noolaa dalka Cannada oo uu shaqooyin kale duwan kaga soo shaqeeyey, isaga oo markii dambe ganacsi gaar ah ka samaystay dalkaasi uu muddada dheer ku noolaa ee Cannada.

Muddadii uu qurbaha ku noolaa Khadar Ciise waxa uu ka mid ahaa xubnaha qurbajooga deegaanka barriga Hargeysa ee ugu abaabulka iyo waxqabadka badan deegaankaas uu kasoojeedo, waxaanu Khadar Ciise sigaara ugu suntanaa oo lagu xasuusan-doonaa, doorkii uu ka qaatay dib udhiskii dugsiga sarre ee Cadaadley ee hoyga ah, oo uu Khadar ahaa Xoghayihii Guddidii Qurbajooga ahayd ee dib u dhistay dugsigan, oo ay dib u dhiskiisa gashay lacag ka badan 350-kun oo dolar oo intiisa badan ahaa qaadhaan lagaga soo uruuriyey xubnaha qurbajooga deegaankaas.

Sidoo kale waxa uu Khadar Ciise ahaa Xoghayihii Guddidii qabanqaabada shir-weynihii deegaanka Barriga Hargeysa (Sabawanaag iyo Cadaadley) ay ku yeesheen magaalada Cadaadley sannadkii 2019kii. Shirkaasi oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee dadka deegaankaasi iskugu yimaadaan.

Shirkan oo lagu doortay Guddi horrumarineed oo deegaankani yeeshay. Guddidaasi oo Khadar Ciise loo doortay in uu noqdo Xoghayaha Guud ee Guddidan, ayaa muddo xileedkii ay shaqaynaayeen waxa uu Khadar kasoo qaatay kaalin lama ilaawaan ah oo aan la’aantii Guddidani waxbadani u qabsoomeen.

Guddidan oo muddadii ay xilka haysay ay kusoo beegmeen abaaro iyo biyo dhaamis aad u baaxadle ayaa Khadar waxa uu laf-dhabar u noqday sidii dadweynaha jilicsan ee abaartu hayso loogu gargaari lahaa, ee loo gaadhsiin lahaa biyo iyo raashin-ba.

Guddidan oo muddadii ay xilka haysay ku guulaysatay mashaariic badan oo horrumarineed oo laga fuliyey deegaanka Sabawanaag iyo Cadaadlay. Mashaariicdaasi oo iskujiray 6-Dhaam biyood oo laga qoday deegaankan iyo in ka badan 700-qoys oo ka mida dadkii xooluhu ka baxeen oo loo qoray Raashinka joogtada ah ee hay’adda WFP ku caawiso dadka abaaruhu saameeyeen.

Siyaasi Khadar Ciise ayaa sidoo kale waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta iyo haldoorka beesha Barriga Hargeysa (Isaxaaq Carre) ugu saamaynta badan, waxaanu Urur Siyaasadeedka KAAH kusoo kordhin karaa cod iyo taageero balaadhan oo ururkaasi ka helo deegaannada Barriga Hargeysa, iyo degmooyinka Cadaadley iyo Sabawanaag iyo guud ahaan Gobollada Galbeedka JSL oo dhan.

 

Cabdixakiim Cali Xuseen

Hargeysa/Somaliland