Da’du waxay saamayn wan ku leedahay laba shaqo oo muhiim ah oo maskaxdu qabato: go’aan qaadasahda (decision making) iyo hal abuurka (Innovation). Go’aan qaadashada iyo hal-abuurku waa shaqooyinka maskaxda kuwa ugu kakan uguna farsamada badan. Qofka waxa uu adeegsadaa qayb tiro badan oo maskaxdiisa ah waxaanu isku geeyaa oo iskaaba shaqooyin badan sida xusuusta (memory), gorfaynta (analysing), kala miisaamidda aragtiyaha, sababaynta (reasoning), hubinta maangalnimada go’aanka (rationalising) iyo qaar kale oo badan. Shaqo kasta qayb maskaxda ka mid ah ayaa qabata, dhamaantoodana da’du way daciifisaa.
Da’du way yaraysaa isku xidhnaanta unugyada maskaxda (neuronal connectivity), waxaanay joojisaa in layman cusub oo unugyada isku xidhaa samaysmaan taasina waxay keentaa in go’aan qaadashadu habsan ahaato (delayed decision making) iyo in hal abuurku gudho.
Inkastoo da’du qaadhiso, xajmigeedana yarayso maskaxda, guud ahaan, haddana waxay si gaar ah usii qaadhisaa qaybta fooda maskaxda ee la yidhaa Frontal Lobe. Sida daraasado tilmaamayaan, waxa la aaminsan yahay in Frontal Lobe ay inoo qaabilsan tahay go’aan qaadashada iyo Hal-abuurka.
Dadku marka ay waynaadaan waxay yeeshaan dabeecado cusub oo la xidhiidha go’aan qaadashada, gaar ahaan, haddii go’aankaasi yahay mid saamayn culus ku leh dad badan. Qof kale oo ay ku halsoon yihiin ayay u xilsaaraan (delegation); dib ayay u dhigaan oo kuma dhiiradaan (defereing); ama way dhinac marmaraan iyagoo rajaynaya in hawshaas iskeed isu xaliso (avoiding). Dadka da’da ah ma jecla xogta badan ee kala doorashooyin badan abuuri karta. Waxay jecelyihiin in laba ama saddex xal oo lasoo kariyay, lasoo haadiyay la horkeeno oo ay midkood qaataan- waa sababta hogaamiyaha da’da ah looga faa’iidaysan karo, si guracana loogu adeegan karo.
Saamaynta da’du ku leedahay go’aan qaadashadu ma wada tabana. Waxay leedahay dhinacyo togan oo ay kala fiicnaan karto da’da dhexe. Waxa lasoo qaataa yaraynta halisaha (risk minimizing) iyo mudnaan siinta fayo qabka guud (wellbeing-oriented decision making).
Isku soo wada xooriyoo, marka loo yimaado hogaamin umadeed, wadamo badan waxa u caado ah in qofka da’diisu heer la iska yaqaan dhaafto lagu sameeyo baadhitaan maskaxeed oo xaqiijiya fayaqabka iyo dheelitirnaanta garaadkiisa. Qaar kale ayaa u tartanka mansabyada muhiimka ah u dhigay da’ tartamuhu ka waynaan karin. Qaar kalena waxay door bidaan da’iba da’da ay kasii wayn tahay. Dhaqanka, diinta, dhaqaalaha, iyo koboca aqooneed ee bulshada ayaa saamayn ku leh cidda iyo habka ay u dooranayaan hogaamiyeyaashooda.