Ganacsade Ina Aw Siciid Yaanu ku Dhicin Dabinkii Ganacsade Cabdilaahi Oomaar ku dhacay 1967-kii W/ Q: Cali Cabdi Coomay

= Taariikhda waxa loo bartaa loona baadhaa waa in aan lagu dhicin balaayooyinkii hore ugu dhacay dadkii inaga horreeyey. Lagana baydhaa wixii hore khalad u dhacay, casharrana laga bartaa. Cabdilaahi Oomaar laba jeer ayey isku dhaceen Cigaal. Mid waxa ay ahayd 1961, ta kalena 1967. Cigaal marna wasiir ayuu ahaa, marna Raysal wasaare.
Markii uu Cigaal ku jiray ololihii doorashadii 1967, ayuu ganacsade Cabdilaahi Oomaar la saftay mucaaradkii Cigaal. Cigaal odayaal Habar Awal ah ayuu u diray, si ay ila soo hadlaan. Hasayeeshee fara madhan ayey kala yimaadeen. Cigaal wuxuu yidhi iska daaya ama anaa soo bixi ama waa la iga adkaane. Waa kii soo baxay ee Raysal wasaare noqday. Ganacsade Cabdilaahi Oomaar wuxuu ka joojiyey deyntii uu baanke dhexe ka qaadan jiray iyo wax kasta oo dawladda kaga xidhma.
Waxa kale oo lagu amray inuu soo bixiyo denyntii lagu lahaa. Labadaa arrimood waxa ay keeneen in ganacsigii Cabdilaahi Omaar xidhmo.
Markii dambe Fooqisii ugu dheeraa ee ku yaallay Km4 ayaa xaraash loo dhigay, in kasta oo xaraashkaasi aanu dhicin. Ina Aw Siciid halkaasi cashar weyn ayaa ugu jira. Ganacsiga waxa u fiican in aan si cad dhinac loo raacin, maadaama oo aan la ogeyn guushu dhinaca ay raaci doonto.