Madaxweynaha JSL oo Qaabiley Goob-joogayaal Caalami ah oo ka Socda Dalalka Caalamka

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay goobj-oogayaal caalami ah oo ka socda dalal kala duwan oo adduunka ah, kuwaas oo dalka u yimi inay kormeeraan doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada/xisbiyada ee qorshaysan toddobaadkan aynu ku jirno.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horrayn xubnaha goob-joogayaasha ah uga mahadnaqay in ay ku soo dhiirradaan kormeerka doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxaana uu uga war bixiyey hannaanka Dimuqraaddiyadda iyo is doorashada daaha furan ee ay Somaliland ku soo caano maashay muddadii ay jirtay, taas oo aan ka hirgeli Karin meelo badan oo qaaradda Afrika iyo caalamka kaleba kamid ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo.

Madaxweynuhu waxa uu goobjoogayaasha ku bogaadiyey inay u soo ban baxeen sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, isaga oo ka codsaday inay adduunka intiisa kalena gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa dal madax bannaan.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee dhinac kasta ah ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen inay qabsadaan doorashooyin daah-furan, xilalkana la isugu wareejiyo si Dimuqraaddi ah.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalalka Maraykanka iyo Canada Amb Bashiir Sheekh Cumar Good.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com