IMTIXAANKA AQBALAADA JAAMACADDA(ENTRANCE EXAM)

 

Waddamo badan Imtixaanka oggolaanshaha Jaamacaddu waa Mid kaalin weyn ugu Jira heybada iyo hannaanka waxbarasho ee dalkaasi,Waa imtixaano lagu hadho ardey badana ka baajiya fursado iyo riyooyin ay lahayeen,kuwaasi oo marka dambe xirfaddo kale ama wax kale oo nolosha ah u leexda haddii oggolaanshaha jaamacaddu u soo bixi weydo.Qof aan soo Marin imtixaankaasi, oo jaamacaddaha soo gallay wuu innagu yar yahay inteeni wakhtiyadii ama waayaddii horre wax baratey.Ardey badan somaliland caqabaddo iyo baqdin ayaa imtixaankaasi ka qabsada inta lagu jiro ama loo diyargaroobaayo,taasi oo u baahan in ay ka hellaan talo bixin si mug leh uga toosisa hurdada gaar ahaan imtixaanadda kulliyadaha sayniska u badan-Diyaar-garow horre,Talo bixin sax ah iyo u diyaar-garowga isbeddelka ayaana ugu weyn waxyaabaha ardeyda culeyska lagaga yareeyo.

Waa Maxayย  Imtixaanka aqbalaada Jaamacaddu.

Imtixaanka Oggolaansha jaamacaddu waa imtixaan loo isticmaalo laguna qimeeyo si loo oggaaddo in ardeyda codsiyadda keensadey jaamacaddu ay u qalmaan isla markaasina laga dheehan karo in ay leeyihiin tayadii waxbarashadda tacliinta sarre.Imtixaanadda oggolaanshaha inta badan waxa qaada oo ardeyda mariya jaamacaddaha iyo Dugsiyadda ciidamadda ama shaqooyinka Dawladdaha loo qaadanayo,kuwaasi oo leh Sifooyin iyo Sharciyo xulasho ardeyga ama qofka la qaadanayo la soo mariyo inta aanu qeyb ka noqon Xarumahooda,Marka laga tago Codsiyaddii iyo Araajidii ku lifaaqna ama shahaadooyinkii imtixaanka oggolaanshaha jaamacadda waxa loogu tallo galay in ardeyga la oggaado luqadaha sida uu ku yahay,xisaabta,sayniska,aqoonta guud ee dalka,xaaladdaha lagu jiro,iyo xirfaddaha socda intaba.Waa Imtixaan ardeyda tusaya meelaha uu ku liito iyo meelaha waxbarashaddiisu u badan tahay,Waa imtixaan loo diyaariyo hadba ujeeddada ardeyda la qaaddanayo laga rabo ama nooca waxbarasho ee ardeygu u socdo,wuxuuna ku kala duwan yahay derajadda iyo dhibcaha ardeygu kaga gudbaayo.kalsoonida ardeyda,aqoonta iyo hab fikirkoodana waa mid laga dheehdo ardeyguna marka uu ka soo baxo awood u siisa in uu jaamacadda si kalsooni leh wax uga barto.

Sidda loo qaato Ardeyda Jaamacaddaha Dalka Galaysa Sannad -Dugsiyeedkii Marka somaliland la Joogo:-

Gudaha somaliland marka laga hadlaayo gelida imtixaanka oggolaanshaha jaamacaddu wuxu noqdey mid liin baxey oo heerkii iyo derajadii uu lahaa la hoos-mariyey,Wuxuu noqdey imtixaan maggac ahaan uun ardeyda loo siii mariyo,naftii ku jirteyna laga saarey,imtixaanka oggolaanshiyaha ardeyda jaamacaddu sannadba sannadkii ka horreeyey ayuu ka macno iyo qiimo badnaa marka la bar-bardhigo kuwa sannadkan,waayadii horre waxa la maqli Jirey jaamacad tiro badan oo ardey ah iska soo celisa una diida oggolaanshaha waxbarasho,haddase xitaa kuwo aan la oggeyn in ay buuxiyeen shuruudaha codsiyada jaamacadda ayaaba fasalka iska iman kara oo la qaadanayaa.

“in Jaamacaddi ay 200 ardey u diido oggolaanshiyaheeda waxa ay aheyd Fariin ay jaamacaddadu tayadeeda waxbarasho inagu tuseyo,haddase Ardey aan Dugsi sarre sooba marin ayaa meelaha qaarkood fursad waxbarasho jaamacaddeed laga siinayaa”.

Markii ardeydii yaraatey,Jaamacaddiina ay bateen,Shaqooyinkii ugu badnaa ee dalkuna ay noqdeen kuwo ku tiirsan waxbarashadda wax ka dhashey in ardeygu noqdo loo adeegaha lagu tartamaayo,la iskuna heysto ,loona shaqeynaayo,taasi oo hoos u dhigtey tayadii iyo xeerarkii adkaa ee waxbarashadda.Helida Lacag ganacsi oo laga sameeyo ardeyga,Bixinta kharashaadka badan ee waxbarashadda iyo kirooyinka dhismayaasha badan ee la diyaariyey ayaa dhanka kale ka dhigtey in la raadsado ardey kasta iyada oo hoos loo dhiggaayo calanka tayada iyo ilaalinta sumcada wanaagsan ee waxbarashadda ama tacliinta sarre.

Mushkiladaha jira waa iyagana ka mid ah in imtixaanka oggolaanshuhu aanu aheyn mid si gaar ah ardey walba kulliyadiisa ugu diyaarsan balse uu yahay mid si guud dhammaantooda ay uga siman yihiin waxyaabaha laga rabo ama la weydiinaayo.Dhicida imtixaanada noocaasi ahna ardey badan waxa ay ku keenaan werwer nafsaani iyo isku buuq ku sabbaba in qaarkood ay nafta is dhaafiyaan marka ay ku fashilmaan u soo bixda ardeyda la rabo.Kulliyadaha caafimaadka ayaa Qeybo ka mid ah jaamacaddaha somaliland iyo imtixaanada deeqda waxbarasho ayaana ugu adag wax ardeydeenu marto.

Ugu Danbeyntii Meelo badan ayaa Nolosha Imtixaan oggolaansho loo gallaa iyo Weydiimo billow u ah derajadda cussub ama nolosha cusub ee qofku maraayo,Shaqooyinka,Guurka iyo Dhimmashaduba waa ka mid meelaha qofku uu la kulmo su,aalaha bilawga ah si loo hubiyo jawaabaha uu bixinaayo inta aanu ka gudbin ama ku dhicin.Sannadkeygii iigu danbeeyey ee marida Imtixaanka oggolaansho waxbarasho jaamacaddeed wuxuu ahaa xaggeyga 2006,wixii intaa ka danbeeyey awoodda shahaadooyinkeyga ayaa i sahli jirey in aan ku dhaafo markasta oo meel cussub la iga baahdo,imtixaan-4 ama 3 sanno oo waxbarashadaasi tacliinta sarre ahna ka dib aqoon-yahan kasta waxa u billaabma weydiimaha iyo imtixaanada yaalla goobaha shaqada,nolosha,guurka,dhaqaalaha,Hogganka,Mushaharka iwm.

Abdifataah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com