Dalka waxan ku Xukumidoonaa Kitaabka Alle iyo Shareecada Islamka” Eng Faysal Cali Waraabe.
Qore: Ca/wahaab Daahir Xasan
Burco (Dawan) Gudoomiyaha Xisbiga cadaalada iyo daryeelka ah na murashaxa kursiga Madaxweynaha Faysal Cali Waraabe ayaa taageerayaasha xisbiga Ucid ee magalada Burco kala qaybgalay maalintoodii Sadexaad ee ololaha loogu jiro doorashada maalinta Arbacada ee fooda inagu soo haysa ka qabsoomi doonta dhaamba dalka Somaliland.
Gudoomiye faysal Cali Waraabe ayaa taageerashii ku sugnaa fagaaraha khayriyada Burco iyo dhamaan reer Somaliland ka codsaday in ay codkooda siyaan xisbiga Ucid sidoo kalena isagana saaraan kursiga Madaxwaynaha, isogoo balan qaaday in hadii uu ku guulaysto jagada madaxwaynaha uu dalka ku xukumi doono Kitaabka Alle iyo shareecada islaamka .
Geesta kale murashax Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dalka Somaliland yahay dal hodan ah khayraadkiisuna dihin yahay Caalamkuna indhaha ku hayo, waxa uu carabka ku adkeeyey in maanta Somaliland isagu ka saarikaro xaaladaha taagan oo ay ka mid yihiin amaanka, dhaqaalaha ,Caafimaadka, wax soo saarka dhinaca beeraha iyo hirgalinta iskuulo dhinaca Farsamada gacanta ah.
Gudoomiye faysal mar uu ka hadlayey arimaha ciidanka iyo waxbarashada ayaa waxa uu yidhi.” Askari dambe oo gaajoonaya arkimaysan, waxad arkidoontaan ayagoo xaragoonaya oo lagu faanayo aabahay waa Booliis iyo aabahay waa Milatari, wax barashada bilaash ayaan ka dhigayaa.”
Gabagabadii Eng Eng Faysal Cali Waraabe oo markii Afaraad u tartamaya kuriga Madaxweynaha ayaa xusay in markani lasoo gaadhay wakhtigii isaga bulshada reer Somaliland u dooran lahayd in uu madaxwayne noqdo isla markaana xaaladaha dalka uu wax wayn ka qabandoono, isagoo ku eedeeyey in haayadaha caalamiga ah ee dalka ku sugani aanay waxba kaqaban baahiyaha bulshada isla markaana hadii uu kursiga madaxwayanaha ku guulaysto la xisaabtami doono kana shayqaysiin doono.
Xigasho:wargeyska dawan
bandhige@gmail.com