Hargeysa (Dawan) Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddida anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo kormeerka doorashooyinka, ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddida Aadam Xuseen Muxumed.
Kulanka dhex maray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida anshaxa iyo xallinta khilaafaadka doorashada ayaa salka ku hayay wada-tashi guud iyo sidii la isula waddaagi lahaa wixii xog ah ee u baahan in la iska kaashado.
Ugu horayn xubnaha Guddida Anshaxa iyo Xalinta Khilaafaadka Doorashada ayaa uga mahad-celiyay guddoomiyaha kulanka ay la yeesheen, waxaanay niyad wanaag ka muujiyeen in Maxkamadda Sare ee dalku diyaar ula tahay hawlaha shaqo ee u baahan in laga taageero.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa dhankiisa guddida ku bogaadiyay shaqada fiican ee ay hayaan, waxaanu ku dhiiriyay in ay dhex-dhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada si kalsoonida shacabku u xooganaato, sidoo kale waxa uu ku booriyay in ay halkaa kasii wadaan dedaalka ay ku jiraan iyo wacyigalinta bulshada ee ku aadan in bulshadu si nabad ah u codeeyaan isla markaana la shaqeeyaan Hayโaddaha amniga iyo Guddida Goorashooyinka Qaranka.
Gaba-gabadii Guddoomiyaha iyo guddida waxa ay isla qaateen in sare loo qaado wada-shaqaynta inta arrimaha doorashadu taagan yihiin.
Xigasho:wargeyska dawan
bandhige@gmail.com