Dadku Sida Ay Faqriga Uga Baqdaan!

Imaam Axmad Ibnu Xambal ayaa waydiiyay Xaatim Al’asam, sidee dhibaatada dadka looga bad’baadi karaa?. Xaatimna waxa uu kamid ahaa dadka xikmada iyo caqliga lagu tiring jiray waxaana uu yidhi:,

“ Maalkaaga wax ka sii dadka, maalkoodana Faraha uga qaad!.. way ku dhibayaan adiguna marna ha dhibin.

Marka ay waxa kaaga baahdaan u qabo, iyagna marna haku dhibin waxaad u baahan tahay in ay kuu qabtaan ama ku siiyaan!.

Imaamkii ayaa ku yidhi Xaatimow arintaas way adag tahay.

Xaatimna waxa uu ku yidhi “ Arinkaasi wanaagsan ayaad ku dhibka dadka kaga badbaadaysaa”.

Sheekhii Yaxya binu mucaad isaguna waxa uu yidhi: “ Aadmigu waa maskiin sida uu fakhriga iyo saboolnimada uga baqayo hadduu uga cabsan lahaa Naarta wuu badbaadi lahaa, Sida uu Hantida u jecel yahay hadduu u jeclaan lahaa Jannada wuu gaadhi lahaa.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com