Maskaxda Iyo Wakhtiga Firfircoonida!

Koox cilmi baadhayaal ah oo ka tirsan dalka Maraykanka ayaa soo saaray in hoormoonka herlin oo ah midka qaabilsan gaajada marka uu soo baxo ay maskaxdu kordhiso xusuusta. Hormoonka ayaa sababay inay wakhtigaasi maskaxdu ay soo celiso macluumad badan oo ku kaydsan.

Daraasadda ayaa intaasi ku dartay in calooshu marka ay madhan tahay ay hormoonadaasi maskaxda u kordhiyaan inay si firfircooni xusuusta u badiso, iyadoo ku xidhn baahida jidhku u qabo inuu helo raashin uu qaato awgeed.

Darasadda aya intaasi ku dartay inay tani qofka u sahalayso inuu dhakhso u xusuuto arimo badan oo ka maqnaa ama halkii uu raashin uu cuno ka heli lahaa. Waxase weli aanay fahmin xidhiidhka ka dhexeeya gaajada iyo xusuusta. Laakiin waxa ay isla qirayaan in baahidu ay tahay tan keenta horumarka iyo xal u helidda mushkuladda oo xidhiidh la leh maskaxda.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com