- Haddii aad cadhooto waxaad la mid tahay qof cabay sun isagoo doonaya inuu cadawgiisu ku dhinto. Kaasi oo moog inuu yahay kan dhimanayaa isaga keliya. Sidaasi ayay cadhadu adiga kuu dilaysaa.
- Maalin ayay cadceedu soo bixi doontaa adigoo aan joogin dunida, maalintaasi u diyaar ahaw.
- Haddii aad wakhti kasta rumaysnaato inaad saxan tahay ,weli nolosha waxba kamaad baran. Khaladkuna waa cashar uu ku siinayo macalin khabiir ahi.
- Arinta ugu wanaagsan ee ku difaaci kartaa markaad maqan tahay waa akhlaaqda iyo dhaqankaaga wanaagsan.
- Caqliga wanaagsani waa ubax qurux badan oo aan ka bixin beertaada. Ma jiro qof qalbigaaga dhaawaci kara haddii aanad siraha iyo meelaha aad u liidato u sheegin. Dadka oo dhan ha kula dhaqmin dabeecad isku mid ah waayo cudurada dawo isku mid ah ma kaxayso.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com