𝙁𝘼𝙎𝙃𝙄𝙇𝙄𝙉𝙏𝘼 𝙐𝙍𝙐𝙍𝘼𝘿𝘼 𝙎𝙄𝙔𝘼𝘼𝙎𝘼𝘿𝘼 𝙄𝙔𝙊 𝙓𝙐𝙌𝙐𝙐𝙌𝘿𝙄𝙄 𝙈𝙐𝙒𝘼𝘼𝘿𝙄𝙉𝙄𝙄𝙉𝙏𝘼 𝙔𝘼𝘼 𝙆𝘼 𝘿𝘼𝙈𝘽𝙀𝙀𝙔𝙀𝙔?W/Q:(Mohamed Abdi Jama Dhimbiil)

Ururada siyaasadu waxay ahaayeen xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland Qodobadiisa 22,naad iyo 23naad , sidoo kale Xeerka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka xeer lr.14.

Haddaba waxa isweydiin leh yaa fashiliyey xuquuqdii siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland 10 kii sanadood ba mar in ay isku abaabulaan ururo siyaasadeed ahayd si ay talada dalkooga uga qayb qaataan

Dhawaqii ugu horeeyey ee bar-madaw u yeelay ururada siyaasada waxa uu ka soo baxay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi mar uu qudbad u jeedinayey goleyaasha qaranka sanadkii 2020/21 oo uu si jees jees ah u yidhi mar hadii aynu heshiin waynay ( axsaabta siyaasada ahaan ) waa in ururadii siyaasada la furaa.

Madaxweynuhu waxa uu u adeegsanayey dube uu la dhaco mucaaridka si ay isugu qasbanaadaan , xisbiyada mucaaridkuna waxay ka dagaalameen goleyaas.