Xukuumadda JSL oo Joojisay Caleema Saarka Cuqaasha

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Madane Maxamed Kaahin Axmed ayaa joojiyay Caleemo saarka Cuqaasha iyo Jiif Caaqilada dalka, tan iyo inta ay ka dhamaanayaan Doorashooyinka Somaliland ee dalka ka qabsoomaysa 13-ka November.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo soo saaray wareegto uu ku joojinayo Caleemo saarka Cuqaasha iyo Jiif Caaqilada xiliga Doorashooyinka oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay xafiiska war qabadka Wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay la tixgalinayo u diyaar garawga Doorashooyinka, wareegtadaasi ayaa waxay u dhignayd sida tan:-

“Ku: Dhamaan Gudoomiyayaasha gobolada iyo Dagmooyinka dalka Somaliland

Xarumahooda

Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska JSL

Hargaysa

OG:- Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada Madax Dhaqmeedka iyo Siyaasada Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Xarunta

OG: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Xarunta

OG: Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Xarunta

OG:- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga

Xarunta

OG: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland

UJEEDDO:- JOOJIN CALEEMO SAAR

Iyada oo aan Tixgelinayno u diyaargarowga Hawlaha Doorashooyinka ee ka socda Dalka, waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu joojisay Caleemo Saarka Suldaanada, Chief-Caaqilada & Cuqaasha ilaa inta Doorashooyinku dhamaanayaan.

Sidaas darteed, Dhamaan Gudoomiyayaasha Gobollada & Degmooyinka Dalka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL waxaa aan farayaa in la Joojiyay Caleema-Saarka Suldaanada, Chief-Caaqilada iyo Cuqaasha, cidii ku dhaqmi weydana waa in Talaabo Sharciga waafaqsan laga qaado, laga bilaabo Taariikhda warqaddan.”

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com