Waddanka Somaliland Waa Iftiinka Dimuqraadiyadda Bariga Afrika” Allen Lou

Hargeysa (Dawan)- Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Ambasador Allen Lou, ayaa sheegay in xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland uu yahay mid qoto-dheer oo ku salaysan mustaqbal-ka fog, kuna dhisan ixtiraam iyo qiyam wadaag laba geesood ah.

Ambassador Allen Lou waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawlada Taiwan ay ka dhexeeyaan halgan midaysan oo ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah, waana xidhiidh ay udub-dhexaad u yihiin bulshadu, kaas oo diiradda lagu saarayo daryeelka, caafimaadka, beeraha, waxbarashada, tiknoolajiyada iyo ganacsiga.

Ambassador Allen waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Globalvoices, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Iskaashi ay Taiwan la leedahay Somaliland maaha oo kaliya gargaar , balse waa in la dhiso iskaashi mustaqbalka fog ah oo ku dhisan ixtiraam iyo qiyam la wadaago. Somaliland iyo Taiwan waxa ka dhexeeya halgan midaysan oo ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah, halkaas ayuu ka bilaabmayaa xidhidhkeenu.”

Ambassador Allen waxa kale oo uu sheegay in xidhidhka Somaliland iyo Taiwan uu yahay mid udub-dhexaad u ah bulshada, waxaanu yidhi “ Habka iyo xidhiidhkayagu waa mid dadka udub dhexaad u ah, kaas oo diiradda saaraya daryeelka caafimaadka, beeraha, waxbarashada, iyo tignoolajiyada, si ka duwan ganacsiyada dhaqaale ee gacanta culus ee Shiinaha oo inta badan horseeda ku tiirsanaanta dhaqaale”

Ambassador Allen sidoo kale waxa uu sheegay in xidhiidhka labada dal ayuu yahay mid xoogga lagu saarayo kobcinta isku-kalsoonaanta waxaanu yidhi “Xidhiidhkan waxaa loogu talagalay in lagu kobciyo isku-kalsoonaanta. Halkan uma joogno inaan abuurno ku-tiirsanaan; waxaannu halkaan u joognaa inaan dadka barno sida kalluunka loo qabsado, ee maaha in la siiyo kalluunka,”

Warbixinta Globalvoices ayaa lagu sheegay in Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland uu astaan u yahay xafiiltanka juquraafiyadeed, waxaana lagu yidhi “Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland waxa uu astaan u yahay xafiiltanka juquraafiyadeed ee u dhexeeya Taiwan iyo Shiinaha, gaar ahaan Afrika. Sida laga soo xigtay Lou, halka Shiinuhu isu dhigay inuu noqdo ciyaaryahan dhaqaale oo awood leh iyada oo loo marayo mashaariicda kaabayaasha waaweyn iyo deymaha Caalamiga ah.

Taiwan waxay iyadu diiradda saartay dhisidda iskaashiyo ku salaysan ixtiraam labada dhinac ah, dimuqraadiyada iyo qiyamka ah . Kala duwanaanshiyahan ayaa si weyn loogu muujiyey xeeladaha kala duwan ee mid kastaa deegsado. Habka Beijing ayaa inta badan ku lug leh maal-gashi iyo daymaha oo culays ku noqda waddammada. Halka Taiwan ay xoogga saarayso mashaariicda kobcinta awoodda.

Aragtida Lou ee saamaynta Shiinaha ee Afrika waa caddahay:

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu yidhi “Hindisaha Taiwan ee Somaliland waxay yihiin miisaan lid ku ah awoodda Shiinaha oo sii kordheysa. Somaliland waa iftiinka dimoqraadiyada bariga Afrika, si la mid ah Taiwan waa iftiinka Aasiya. Joogitaankayagu ma aha oo kaliya iskaashiga horumarinta; waxa ay ku saabsan tahay ilaalinta dimoqraadiyada gobolka uu Shiinuhu isku dayayo in uu balaadhiyo qaabkiisa ismaamulka.”

“Joogitaanka Taiwan ee Somaliland maaha oo kaliya astaan; waxaa taageeray hindiseyaal la taaban karo oo loogu talagalay in lagu dhiso horumar waara , isla markaana kor loogu qaado awoodaha maxalliga ah. Taiwan waxa ay bilawday mashaariic ku saabsan daryeelka caafimaadka, beeraha, ICT, iyo tababaro xirfadeed , waxaanay ardayda Somaliland u fidisaa deeqo waxbarasho oo ay wax ku bartaan Taiwan. Sidoo kale, waxa lagu martiqaadayaa saraakiil ciidan oo ka socda Somaliland inay tababar ku soo qaataan dalka Taiwan, taas oo sii xoojinaysa xidhiidhka iskaashi ee labada dal.

Marka loo eego aragtida safiirka, dadaalladani waxay si weyn uga duwan yihiin maal-gashadayaasha dhaqaale ee Shiinaha ee Afrika, kuwaas oo inta badan horseeda ku tiirsanaanta maaliyadeed. Taas beddelkeeda, habka Taiwan waxa uu ka tarjumayaa sida ay uga go’an tahay in ay Somaliland awood u yeelato sidii ay u noqon lahayd saaxiib xasilloon oo dimuqraadi ah oo gobolka ah,” ayaa lagu yidhi Warbixinta iyo waraysiga ay daabacday warbaahinta Globalvoices.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in istaraatiijiyadda Somaliland ee aqoonsigu ay diiradda saarayso in ay Somaliland muujiso xasilloonideeda, dawladnimadeeda dimuqraadiga ah, iyo awooddeeda dhaqaale, gaar ahaan iyada oo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah. Iskaashiyada noocaas ah oo ay warbixintu sheegtay in uu ka mid yahay Heshiiskii Is-afgaradka ee January 2024 (MOU) lala galay Itoobiya. Waxaanay tidhi “In kasta oo ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana si rasmi ah waddanna uma aqoonsana, inkasta oo ay xidhiidh diblomaasiyadeed la leedahay dalal badan oo ay Taiwan ka mid tahay. Istaraatiijiyadda Somaliland ee aqoonsiga waxay diiradda saaraysaa inay muujiso xasilloonideeda, dawladnimadeeda dimuqraadiga ah, iyo awooddeeda dhaqaale, gaar ahaan iyada oo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah.

Mid ka mid ah iskaashiga noocaas ah waxa ka mid ah Heshiiskii Is-afgaradka ee January 2024 (MOU) lala galay Itoobiya, ujeeddadiisuna tahay sidii loo sugi lahaa aqoonsiga Somaliland, korna loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo iskaashiga labada dal ee jaarka ah. Sidoo kale, dekedda magaalada Berbera ee Somaliland ayaa soo jiidatay xiisaha loo qabo in laga sameeyo saldhigyo ciidan, iyadoo laga dooday suurtogalnimada saldhigyada ciidamada badda ee Maraykanka iyo Taiwan oo qayb ka ah muhiimadda juqraafiyeed ee gobolka.

Talaabooyinkan oo ay weheliyaan dadaallada ay Somaliland ku doonayso in ay ku sii waddo xidhiidh adag oo ay la yeelato saxiibo saamayn leh, ayaa ka tarjumaysa sida ay uga go’an tahay in ay aakhirka hesho aqoonsi caalami ah iyo in ay isu sii aas aasato sidii ay u noqon lahayd dal xasilloon oo madaxbannaan.”

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com