Hargeysa: Kulan Dib Loogu Eegayo Waxqabadka Marshuuca Damal Caafimaad

Barnaamijka caafimaad ee Wargeyska Dawan todobaadkan xubinta koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka oo soo xidhay kulanka dib-u-eegista waxqabadka marshuuca Damal caafimaad, kaasi oo ka shaqeeyay xarumo badan oo caafimaad oo dalka oo dhan ah.

Kulankan ayaa waxa aad loogu falan qaynayay waxyaabaha qabsoomay intii mashrucani socday, waxa ka qaldamay, waxa hirgalay iyo waxa loo baahan yahay in la daboolo baahidiisa.

Sidoo kale waxa kulankan lagu gorfaynayay wax yaabaha loo baahan yahay in la qabto sadexda bilood ee soo socda ee uu dib u bilaabmi doono mashruucan iyo baylada caafimaad ee jirta ee loo baahan yahay inuu mashruucani gufeeyo.

Haddaba Wasiirku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. Mudane Liiban Yuusuf Cismaan Gaaxnuug ayaa maanta soo gabogabeeyey, kulanka dib u eegista waxqabadka mashruuca Damal caafimaad ee gobolka Maroodijeex, oo loogu talo-galay in dib loogu eego waxyaabihii ka qabsoomay mashruuca mudadii saddexdii bilood ee lasoo dhaafay sidoo kalana lagu qorsheynayay, talaabada la qaadi doono, saddexda bilood ee soo socota.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa kasoo qayb-galay, Agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda, Madaxda Hay,adda hay,adda fulinaysa mashruucan ee Alight, Isuduwayasha Gobolada, Maroodi-jeex, Hawd iyo Gabilay, madaxda xarumaha caafimaadka ee uu mashruucani ka socdo iyo khuburo ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Madaxa mashruuca Damal Caafimaad ee Wasaaradda, maamulaha mashruuca Damal Caafimaad ee hay,adda mashruucan fulinaysa ee Alight oo hadalka iska daba qaatay, ayaa si qoto dheer uga waramay marxaladihii uu soo maray mashruucani iyo halka uu maanta taaganyahay, iyagoo xusay in habsami u socodka mashruucan iyo hawlihiisu u socdaan sidii loogu talo-galay, wax weyna uu ka badali doono adeeg bixinta caafimaad ee xarumaha uu ka socdo, mudadii labada maalmood ahayd ee uu kulankani socdayna si wada jir ah loo gorfeeyey sidii uu mashruucani u noqon lahaa mid guulaysta.

Wasiirku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Liiban Yuusuf Cismaan oo si rasmi ah usoo xidhay kulankan ayaa xusay in kulamada noocan ah ee dib loogu eegayo qorshayaasha mashruucan Damal Caafimaad yahay mid muhiim ah oo bogaadin mudan, marwalbana ay waajib tahay in dib u eegis lagu sameeyo habsami u socodka iyo qorshayaasha loogu talo galay in lagu socodsiiyo hawlaha shaqo ee mashruucan, si uu u noqdo mid guulaysa wax weyna ka badala xarumaheena caafimaadka ee uu hadda ka shaqeeyo

Mashruucan Damal Caafimaad ayaa waxaa iska leh wasaaradda horumarinta caafimaadka, kaas oo uu maalgalinayo Baanka Aduunka ( World Bank), Waxaana fulinaysa hay’adda Alight, isagoo taageera 49 xarumo caafimaad oo ku kala yaala guud ahaan gobolka Marood-jeex.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com