๐™๐™๐™ˆ๐™€๐™”๐™‰๐™๐˜ผ ๐™ƒ๐™„๐™ˆ๐™„๐™‡๐™Š๐™Š๐™”๐™„๐™‰๐™†๐˜ผ ๐™„๐™Ž๐™†๐™ ๐™“๐™„๐˜ฟ๐™ƒ๐˜ผ๐™‰ ๐™€๐™€ ๐™Ž๐™Š๐™ˆ๐˜ผ๐™‡๐™„๐™‡๐˜ผ๐™‰๐˜ฟ ๐™„๐™”๐™Š ๐™€๐™๐™ƒ๐™„๐™Š๐™‹๐™„๐˜ผ ๐™ˆ๐˜ผ ๐™”๐™„๐™ƒ๐™„๐™„๐™‰ ๐™Œ๐˜ผ๐˜ผ๐™ ๐™‡๐˜ผ ๐™ƒ๐™Š๐™ ๐™„๐™Ž๐™๐˜ผ๐˜ผ๐™‚๐™„ ๐™†๐˜ผ๐™๐™Š ?W/Q:(Mohamed Abdi Jama Dhimbiil)

Sida aynu lawada socono waxa 01-01-2024 Gobolka Geeska Africa ka hirgalay is-faham ay wada galeen dawlada Somaliland iyo dawlada Ethiopia oo nuxurkiisu ku soo ururay;

1- In Jamhuuriyada Somaliland dawlada Ethiopia ka kireyso saldhig ciidan badeed ( Navy base) mudo 50 sanadood ah.

2- In Jamhuuriyada federaalka Ethiopia Somaliland u aqoonsato dal madax banaan..

Heshiiskani is-faham oo afka qalaad lagu yidhaahdo ( memorandum of understanding) ama MOU waxa uu guud ahaan gobolka Geeska Africa ka abuurey sawaxan siyaasadeed oo xaraaradiisu sareyso ( tensions ) muujiyey in dawladaha gobolka qaarkood arinkaasi ka xumaadeen.

Marwalba danaha dalalku maaha qaar is ogol sababta oo ah dalwaliba danihiisa iyo rumeynta damiciisa ayuu wadaa arinkaasi ayaa keenaya waxa loo yaqaano is hirdiga danaha ( conflict of interest ) oo sababaya in xidhiidhada diblomaasiyadeed ee dalalka ka dhexeeyaa xumaadaan.

Shirkii mac-hadka daraasaadka Heritage waxaa ajendihiisuba ahaa in lagaga hadlo MOU gii oo laga dhigo in uu gobolka Geeska Africa halis ku yahay heshiiska is-faham ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Ethiopia, hase ahaatee waxaa la sharixi kari waayey sidee uu halis ugu yahay gobolka ?

Waxaa muuqatay in maamulka Muqdisho iyo Djibouti aragti mideysan oo midwaliba ka eegayso xaga danaheega in ay leeyihiin waxaana doodaha lagu soo geba-gabeeyey in aan danaha is barkan ee Somaliland iyo Ethiopia aanay suuragalin, waxyaabaha layaabka lahaa ayaa ahaa caadifad aan caqli ku dhisnayn iyo jibo soomaalinimo in la doonayo in lagaga hortago laakiin Djibouti iyo maamulka muqdisho ayaa erey bixinta ku kala duwanaa iyaga oo reer Djibouti dalkooga u baqaya.

Waxaa kale oo muuqday in isku day la rabo in Jamhuuriyada Somaliland gudaheega dagaalo siyaasadeed iyo kuwa qabaail laga abaabulaa in aanay aheyn wax la qarsaday mudadii uu socday hadal haynta heshiiskani , mar qudha loogama fekerin si niyadsami iyo wanaag ah in lagu waajaho , waa arin kale oo dadka jamhuuriyada Somaliland tustay cadawgooga dhabta ah.

DJIBOUTI IYO MAAMULKA MUQDISHO MA AWOODAAN IN AY IYAGU AQOONSI SIIYAAN SOMALILAND ?

Dadkii ka hadlayey shirkii lagu sheegay aragti wadaaga waxaa la cadeeyey in maamulka Muqdisho yahay fashil iyo dawlad la’aan , sababta oo ah baahida keentay in ay heshiisyo amni wadamo kale la galaan ayaa cadeyn u ah in aanay maamul ahaan , diblomaasi ahaan iyo aragti ahaan ku difaaci karin doonistooda , xataa qoladii dawlada Djibouti ayaa arinkaasi la yaabanayd.

Bal se waxay isku raacsanaayeen dadkii meeshaasi isugu yimi waa in laga hortago is-faham ka dhex maray Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federaalka Ethiopia in uu noqdo mid aan hirgalin , dabadeedna dad baa soo jeediyey in qiiradii iyo xiligii dagaaladii Ethiopia iyo Jamhuuriyadii Somalia 1964 iyo 1977 la abaabulo oo suugaantiina guubaabo laga dhigto.

Aan soo ururiyo e dadka meesha joogey waxay u badnaayeen da’yar aqoonyahan ah oo u arka waxa laga hadlayaa in uu yahay fashil ku yimid maamulka Muqdisho, sidoo kale fahamsan sida maanta aduunku u shaqeeyo iyo danaha dalalku kala riixanayaan, way la yaabanaayeen qaar ka mid ahna su’aalihii ay weydiiyeen dadkii dooda fadhiyey waabay ka cadhoodeen.

Hadii Djibouti iyo Maamulka Muqdisho xataa Somaliland iyagu aqoonsi u balan-qaadaan lagama yaabo in Jamhuuriyada Somaliland danaheega u daba fadhiisato iyaga sababta oo ah sida ay u ilaashanayaan danaha dalalkooga ayey Jamhuuriyada Somaliland u dooneysaa in danta dalkeega u ilaashato.

Gunaanadka iyo gebo-gebada qoraalkani waxa weeye laba qodob ;

1- Heshiiska is-faham ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Ethiopia waxa uu u yaallaa dadka Somaliland iyo dawladooda .

2- Dadka Jamhuuriyada Somaliland diyaar bay u yihiin in ay meel uga soo wada jeestaan cidii duulimaad ku ah nabadgalyada, xasiloonida iyo horumarkooga oo lagu siri kari maayo qiiro iyo khiyaamo.