Maxamed Abiib Wuu Badheedhay, Isna waa loo Badheedhayaa. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Aabahaa iyo Adeeradaa haddii ay Faqashnimada ku faani jireen, annaguna SNM-nimada ayaanu ku faanaynaa. Maadaama oo ay SNM xoog dalka kaga qabsatay Faqashstii aad taageersanayd, waad ku khasban tahay in aad taariikhda SNM xusto. 18 May, 20 Febarawari iyo 17 Oktoobar dhammaan waa taariikh SNM.
= Reer Awdal Maxamed Siyaad xil wasiir A ah weligii muu siin. Sidaasi darteed haddii aanay SNM dalka ka xorrayn MSBarre, 8 sannadood madaxweyne kamay noqdeen iyo 23 sanno oo madaxweyne ku xigeen may yeesheen.
= Dhulbahante Sayidkii ilaa Siyaad basaasiin iyo askar may dhaafin. Haddii aanay SNM dalka xorrayn may yeesheen guddoomiye Baarlamaan 31 sannadood.
= Soomaaliya madaxweyneyaal kamay noqdeen, Cali Mahdi, Cabdi Qaasim, C/laahi Yuusuf, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Farmaajo iyo ma kale Xasan Sheekh.