Khilaafka Qoyska Maxa Sababa?!

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa gabadh ninkeeda kaga cabatay inuu saaxiibadiisa si joogto ah ugu casho keeno guriga, amar ku siisay ninka inuu furo. Gabadhan ayaa ninkeeda dacwad ah inuu casuumado casho ah oo joogto ah u sameeyo saaxiibadii ku oogtay.

Wargeyska Hรผrriyet Daily News ayaa daabacay in maxkamadda Saynub ee dalka Turkiga ay xukunka furiinka ku riday qoyskaasi. Ninka ayaa isaguna qirtay in arintaasi ay jirto.

Xaakinka maxkamadda ayaa markii uu dhawaaqayay goโ€™aanka yidhi โ€œย  Oday, Maaha Gurigaagu makhaayad laga cunteeyo, gabadhaaduna dabaakh inay kuu tahay guriga kuuguma joogtoโ€.

Ninkan ayaan ku qancin goโ€™aanka maxkamada waxaan uu ka qaatay rafcaan. Maxkamadda rafcaanka ayaa iyana goโ€™aankaasi hore ku raacday maxkamadda koowaad. Maxkamadda Rafcaanka ayaa cadaysay in ninkani uu si joogto ah saaxiibadii ugu yeero gurigiisa iyadoo aaney xaaskiisu ogoleyn, iyadoo maxkamaddu sheegtay inuu ninku rag guriga ku casuumo iyadoo aanay xaaskiisu raalli ka ahayn inay keenayso furriin isla markaana laga fasaqayo ninka arinkaasi caado ka dhigta

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com