๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐๐๐ ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐๐๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐ฒ ๐๐ง๐ ๐๐ญ๐๐๐ข๐ฅ๐ข๐ญ๐ฒ)
_____________________________
Muuqaalka juquraafi-siyaasadeed ee Geeska Afriki waa mid qalafsan oo ay hadheeyeen dano istiraatijiyadeed oo ka imanaya quwado kala duwan oo caalami ah. Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland Waxaa Saamayn ku yeelankara saaxiibada Itoobiya sida Shiinaha iyo Iiran oo saameyn weyn ku leh amniga iyo xasilloonida gobolka. Iskaashiyadani waxa laga yaabaa inay kiciyaan korodhka millatariga iyo iska-hor-imaadyada wakiilnimada gobolka, (militarization and proxy conflicts) taasoo saamayn weyn ku yeelan karta xasilloonida debecsan ee Somaliland
๐. ๐๐จ๐ซ๐จ๐๐ก๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ (๐๐ง๐๐ซ๐๐๐ฌ๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐ข๐ญ๐๐ซ๐ข๐ณ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง)
Joogitaanka Saligyada Millatari ee Shisheeye: Geeska Afrika oo ah goob istaraatiiji ah, gaar ahaan u dhowaanshaha marinnada muhiimka ah ee badda sida marinka Bab-el-Mandeb, ayaa ka dhigtay meel udub dhexaad u ah danaha milatari ee caalamka. Isbahaysiga Itoobiya ee Shiinaha iyo Iran ayaa keeni kara in ay kordhaan joogitaanka ciidamada shisheeye ee gobolka. Marka ay quwadahani doonayaan inay balaadhiyaan saamayntooda, Somaliland waxa laga yaabaa inay ku soo baxdo meel istiraatiji ah oo dani ugu jirto. Samaynta xarumaha ciidamada shisheeye ee Somaliland waxa ay gobolka u bedeli kartaa aag ciidan, taas oo sii kordhin karta xiisadaha gobolka. Joogitaanka saldhigyada militari ee Shiinaha ama Iiran ee Somaliland waxay wax weyn ka bedeli kartaa dhaqdhaqaaqa amni ee gobolka. Waxaa dhici karta in arrimahan oo kale ay jawaabo ka bixiyaan quwadaha kale ee caalamku, sida Maraykanka iyo wadamada Yurub, kuwaas oo dano gaar ah ka leh ilaalinta dheelitirka awoodeed ee Geeska Afrika.
Khatarta Amni:( Security Risks) Kororka milatariga iyo ciidamadu waxay khalkhal gelin kartaa Somaliland, taasoo ku naaloonaysa xasillooni ay abuuratay marka loo eego qaybaha kale ee Soomaaliya. Joogitaanka ciidamada shisheeye waxay soo jiidi kartaa isku dhacyo waxayna sare u qaadi kartaa khataraha amniga. Saldhigyada ciidanku waxa laga yaabaa inay bartilmaameed u noqdaan kooxaha argagixisada ah ama kuwa kale ee aan dawliga ahayn, taasoo horseedi karta caqabado amni oo soo wajaha Somaliland. Kooxahan ayaa laga yaabaa inay ka faa’iidaystaan joogitaanka xarumaha ciidamada shisheeye si ay u horumariyaan ajandayaashooda, taasoo sababaysa inay sii kordhaan rabshaduhu iyo xasillooni darradu. Intaa waxaa dheer, kordhinta militarigu waxay yeelan kartaa saameyn bulsho iyo mid dhaqaale. Joogitaanka ciidamada shisheeye iyo kaabayaasha militariga ayaa laga yaabaa inay carqaladeeyaan bulshooyinka deegaanka, waxay horseedi karaan barakac, iyo inay xiisad ka dhex abuuraan dadka deegaanka. Khatarahan amni ee la xidhiidha militariga ayaa sidoo kale laga yaabaa inay joojiyaan maalgashiga shisheeye iyo dalxiiska, kuwaasoo saameyn xun ku yeelanaya horumarka dhaqaale ee Somaliland. Awooda uu wadanku u leeyahay ilaalinta nabadda iyo nabadgelyada, oo bud-dhig u ahayd raadinta aqoonsi caalami ah, ayaa si weyn u wiiqmi karta.
๐ฎ. ๐๐ต๐ถ๐น๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ธ๐ถ๐ถ๐น๐ป๐ถ๐บ๐ผ:( ๐ฃ๐ฟ๐ผ๐ ๐ ๐๐ผ๐ป๐ณ๐น๐ถ๐ฐ๐๐)
Xiisadaha Gobolka:( Regional Tensions) Ku lug lahaanshaha Iiran ee xiisadda gobolku, waxay soo waaridi kartaa colaadaha juqraafi-siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyadoo u soo wareejin karta Somaliland. Dawladaha iska soo horjeeda, sida Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo ka soo horjeeda saamaynta Iiran ee gobolka, ayaa laga yaabaa inay isku dayaan inay ka hortagaan joogitaanka Iiran iyagoo taageeraya kooxaha ka soo horjeeda ee indhaha ku haya Somaliland. Tani waxay Somaliland u rogi kartaa goob dagaal oo ay ku dagaalamaan iska-hor-imaadyada dalalkaas wakiillada ahi, iyadoo ay jiraan quwado shisheeye oo kala duwan oo dhinacyo kala duwanna ka taageeraya Somaliland si ay danahooda istiraatijiyeed u gaadhaan. Isku soo wada duuboo tartankan dalalka bariga dhexe eek u wajahan Somaliland ayaa sii kordhin kara xiisadaha gobolka oo keeni kara in nabadgelyadu ay xumaato. Iska-hor-imaadyada wakiilladan ayaa iyaguna u muuqan kara noocyo kala duwan, oo ay sababi karaan xasillooni darro siyaasadeed, iska-hor-imaadyo hubaysan, iyo dhaqdhaqaaqyo argagixiso oo kordha. Xiisadaha gobolka ee ka dhalanaya colaadahaasi waxay khalkhal gelin karaan nabadda nugul ee Somaliland, waxayna horseedi karaan xasillooni darro baahsan. Ku lug lahaanshaha jileyaal badan oo ajnabi ah ay ku lugyeelan karaan iska-hor-imaadyadan maxalliga ahi waxay adkeyn kartaa dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka iyo ilaalinta nabadda, taas oo ku sii abuuri doonta gobolka wareegto rabshado ah.
๐๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข-๐๐๐ซ๐ซ๐จ:( ๐๐๐ฌ๐ญ๐๐๐ข๐ฅ๐ข๐ณ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง) Colaadaha dibadda ee Somaliland ku soo fool lehi waxay wiiqi karaan nabadda iyo xasilloonida yar ee uu dalku ku guulaystay. Xiisadaha sii kordhaya iyo iska-hor-imaadyada suurtagalka ah ayaa carqaladayn kara nolol-maalmeedka iyo dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha, kuwaasoo horseedi kara hoos u dhaca xasilloonida gobolka. Deganaansho la’aanta ay sababayaan iska-hor-imaadyada wakiilladani waxaa kale oo ay sababi karaan barakac dadweyne, burburka kaabayaasha dhaqaale, iyo hoos u dhac maciishadeed. Lama soo koobi karo saamaynta xasilooni darada noocan ahi ku yeelanayso ictiraaf raadinta Somaliland. Awooda uu wadanku isu muujinayo inuu yahay dawlad xasiloon oo shaqayn karta oo hanan kartana amniga iyo dawladnimadiisa ayaa muhiim u ah helitaanka taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, khilaafyada jira ee wakiilladan iyo xasillooni-darrada ka dhalanaysaa waxay wax u dhimi kartaa sumcadda Somaliland, waxayna wiiqi kartaa dadaalka ay ugu jirto aqoonsi raadiska. Degenaansho la’aanta xaaladeed ayaa sidoo kale laga yaabaa inay saamayso xaaladaha bini’aadantinimo, taasoo horseedi karta saboolnimo baahda, cunto yari, iyo barokac, kuwaas oo sii kordhinaya caqabadaha gobolka.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ (๐๐จ๐ญ๐๐ง๐ญ๐ข๐๐ฅ ๐๐ฆ๐ฉ๐ฅ๐ข๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง๐ฌ ๐๐จ๐ซ ๐๐๐ฆ๐๐ง ๐๐จ๐ง๐๐ฅ๐ข๐๐ญ)
______________________
Joogitaanka Itoobiya ee Biyaha Somaliland: Heshiisyada istiraatijiyadeed ee dhinaca badda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ayaa saamayn laxaad leh ku leh dhaqdhaqaaqyada mandaqadda, kuwaas oo saamayntoodu dhaafsiisan tahay Geeska Afrika, gaar ahaanna saamaynaya colaadda Yemen. Marinka Bab-el-Mandeb, oo ku dheggan dhul-badeedka Somaliland, waa marin-badeed muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah iyo ganacsiga caalamiga ah. Dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan ama xiisado ka aloosma aaggan ayaa si weyn u saameyn kara isu socodka badda cas iyo gacanka cadmeed.
Aasaasidda hanti Milateri oo Itoobiya yeelato ama saldhigyada ciidamada shisheeye ee biyaha Somaliland ayaa laga yaabaa inay ka cadhaysiiso jilayaasha gobolka oo ay ku jiraan xoogaga Xuutiyiinta Yemen. Xuuthiyiinta, ayaa gacanta ku haya goobaha muhiimka ah ee xeebaha Yemen, iyagoo taariikh ahaanna lagu yaqaan inay beegsadaan maraakiibta caalamiga ah iyo maraakiibta badda ee isaga kala goosha marin biyoodka Bab-el-Mandeb. Joogitaanka ciidan ee Somaliland ama isbahaysigeedu waxay keeni kartaa xiisado xoog leh, kuwaas oo keeni kara falal aargoosi ah oo kaga yimaada Xuutiyiinta ama kooxaha kale ee gobolka ka dagaalama. Tani waxay isu bedeli kartaa xaalad colaadeed oo baahsan.
Intaa waxaa dheer, carqalad kasta oo ku timaada taraafikada badda ee marinka Bab-el-Mandeb waxay saameyn dhaqaale oo fog ku yeelan kartaa ganacsiga caalamiga ah, saameynaysaana saadka tamareed iyo hawlaha maraakiibta caalamiga ah. Awoodda colaadeed ee sii huraysaa waxay muujinaysaa sida ay lagama maarmaanka u tahay xasilloonida gobolka iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo xiisadaha loogana hortagayo fiditaanka colaadda gobolka Badda Cas.
lLasoco Qaybta 6aad
Gulaid Idaan
Bandhige@gmail.com