Marka laga hadlayo wada hadalada Somaliland iyo Somalia, aynu dhowr qodob oo sal dhig u ah isla fahano. Horta, asal ahaanba waa mawduuc xasaasi ah inuu muran iyo kala qayb sanaan iyo kala aragti duwanaan dhaliyaana way dhacaysaa. Sidaa darteed cid tuhun ka nasahani ma jirto, waxa keli ah ee la isku aamini karaa waa wada tashi, daah furnaan iyo bulshada oo la war geliyo.
Madaxwaynaha mudo xileedkiisii dastuuriga ahaa wuu dhamaaday, laba sano oo aan la isku ogolayn balse marmarsiinyo sharci loo helay ayaa loo kordhiyay, waxa u mandate ka ugu wayn u haystaa inuu doorasho qabto. Haddii uu wada hadalka sii wadayo waa inuu aragti loo midaysan yahay abuuro inta aanu madasha tegin. Cida hawshaa la gelaysa iyo talada lagu tegayoba waa in la balaadhiyo oo lala yeesho. Dawladnimo iyo hufnaan midna maaha inuu intuu shan qof oo shaqaalihiisa ah kaxaysto, si kedis ah u baxo, hadana filo in shaqada uu soo qabtay lagu kalsoonaado. Xataa haddii niyadiisu wanaagsan tahay, dariiqa uu maray ayaan kalsooni abuurayn. Waxaad kusii dartaa xaalada kala firidhka iyo tafaraaruqa ah ee bulshadu ku jirtay mudadii uu xilka hayay.
Midda labaad, yaa go’aan ka gaadhi kara qadiyad masiiri ah oo jaan goyn doonta mustaqbalka wadanka? Madaxwaynu waxa uu dalka ku xukumaa waa ogolaanshaha bulshada, heshiis kasta oo uu soo galo waxa uu noqon doonaa uun laba midkood. Heshii qarsoodi ah, dan gaar ah fulinaya, bulshada laga qariyo oo xiliga saamayntiisu soo baxdo ee la ogaado, qarax bulsho oo xoogan abuura. Qaraxaasi waxa uu noqon karaa mid dawladnimadu aanay kasoo waaqsan.
Heshiis laga gadi karo bulshada, laguna qancin karo. Su’aashu waxa weeye, haddii sida heshiisku ku yimid aan lagula ogayn, sababta aad u qaadatay lagugu wehelin yaa bulshada ka iibinaya? Heshiis aanu Barlamanku qaybka ahayn gorfayntiisa, culimada, ganacsatada, aqoonyahanka, Jaamacadaha, dumarka iyo da’yartu yaa laga iibinayaa. Heshiis aan bulshada la dhergin waxa uu inoo goynayo sidee loo meel marin karaa haddii ujeedadu aanay ahayn in dalka iyo dadkana dabin la geliyo oo iyagoo sandulaysan la jujuubin.
Mudadii wada hadalkaasi socday, mar walba koox yar ayaa kolba meel ula kacaayay. Marnaba inta Somaaliland la hor yimi wada tashi bulsho “public consultatio” laguma baaqin, si daah furn looma sharaxin halka loo socdo. Waxa la caadaystay in la dala’sado oo la xaqiro garaadka bulshada. Mar kastana guul daro siyaasadeed iyo mid istiraatijiyadeed ayay natiijadu ahayd.
Taas ayaa bulshada ku abuurtay tuhun culus ay ka qaadeen madaxdii ay dirteen, waana ta keentay in marwalba lagu eedeeyo inay sandareerto kooban dhaafsadeen dantii qaranka. Nin hulaab xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaaye, waa ta keentay in marwalba dimadoodda la eedeeyo. Nasiib daro, dariiqii ayaa wali la hayaa, suuro gal maaha in natiijo tii hore ka duwan la gaadho.
Kama hadlin qodobada heshiiska ku jiraa ma saxbaa mise waa qalad, ma haboon yihiin, mase fulayaan sida aynu ka baranay wareegyadii hore oo wada hdalka. Waxaan ka hadlayaa sax ma yahay hanaanka Somaliland ay wada hadalka u waajahaysaa. Waxa muuqata in wali dariiq qaldan aynu ku socono. Haddii aan approach ka la sixin, natiijo la isla ogol yahay soo bixi mayso.
Oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraaye, hawsha ugu wayn ee maanta Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa looga fadhiyaa waa doorasho xor ah oo xalaal ah, wixii kaleba waa gacma daalis. Xukuumaduna ma haysato kalsooni, karti, iyo talo wadaareed loo dhan yahay oo ay heshiis masiiri ah ku soo geli karto. Sidaa darteed, go’aamo degdeg ah oo wada hadal qarsoodi ah kasoo baxaa waxay halis gelin karaan dalka oo dhan.
W/Q:(Dr-Abdikarim D Hassan
Bandhige@gmail.com