Sanadkan waxa uu ku bilowday war farxad leh oo curtay dhegaha reer Somaliland. Daqiiqado gudahood ayaa dareenka shacabka reer Somalilanduu ku yimid isbedel weyn oo farxad geliyay intooda badan.

“Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta JSL Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)”

Sanadka 2024 waxa uu ku bishay war Farxad ALLE oo ka yimid Hogaamiyaha Somaliland.Sanadkan waxa uu ku bilowday war farxad leh oo curtay dhegaha reer Somaliland.Daqiiqado gudahood ayaa dareenka shacabka reer Somalilanduu ku yimid isbedel weyn oo farxad geliyay intooda badan.Rayalcaamka dadka reer Somaliland ayaa soo dhaweeyay guusha taariikhiga ah ee uu soo hooyay madaxweyne Musse Biixi Cabdi oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo si toos ah goob fagaare ah shir jaraa’id oo uu kula qabtay hogaamiye dal weyn oo Ethiopia ah.Ummadda reer Somaliland qalbiyadooda saaqay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu  si toos ah uga sheegay shirkaa jaraa’id in Ictiraafkii Somaliland ee aynu 32ka sanadood baahida u qabnay lagu bedelan daano 20km oo ka mid ah badeena oo ay dawlada Ethiopia u baahnayd qarniyo, taasi oo haddana isla goobta ka sheegay in ay tahay ” Liis”, micnaha kiro muddo soconaysa.Faaqidayaasha arrinka ayaa intooda badan EEBE uga mahadcelinayaa guusha taariikhiga ah ee ay maanta Somaliland soo hoysay.Dhinaca kale waxa jira in qayb aan badnayn oo reer Somaliland ah ay shido u arkaan arrinkan, kuwaasi oo iyagu ay isaga qaldan tahay wixii gudaheena ah iyo guusha qarankan uu mar walba gaadho.Si kastaba xaalku ha noqdee maanta reer Somaliland waxa u soo hoyday guul loo baahan yahay in loo dabaal dego.

 

Xigasgo:Telefishanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Bandhige@gmail.com