Noloshu waa geedi .. .W/Q:(Abdikarim Osman)

mid aan marwalba wax-ka baranayno. Geedina, waxaa ugu xiiso iyo cibro-qaadasho badan ka aad u qastido in aad u fiirsatid waxyaabaha hareerahaaga ka dhacaya iyo sida dhacdooyinkaasi kuu saamaynayaan adiga. Inkasta oo aanan dalka, ka qoob-qaadin laga soo bilaabo 2010-kii, waxaan laakiinse si rasmiya u soo wareegay Hargeisa bishii 3aad, 2022-kii.

Si dib ugu soo laabashadan dadkayga iyo dalkaygu ay iigu fududaato, waxaan soo qoray buugga XILKAS. Waxaanu noqday buug aad loo soo dhaweeyey. Xilkas wuxuu sharaxayaa in kamida qofkaan ahay iyo in aan idinkana idinla socdo oo aan xaaladiina iyo baahiyaadkiina ogahay. Markii dadku qoraalkayga fahmeen oo aad u soo dhaweeyeen, taa macnaheedu waa: weynu islahaysanaa oo qurbihii aad iima bedelin.

Waxaan kale oo go’aansaday in aan sameeyo platform (shirkad: Core Equation) si aan bulshadayda uga taageero kobcinta hoggaaminta tayada leh. Alhamdulillah, sannadkaa ay Core Equation jirtay, waxaan leadership development iyo executive coaching siiyay in kabadan 100 hoggaamiye. Warcelinta (feedback-ga) aan hoggaamiyeyaashii aan coach-gareeyay ka helayaana waa mid aad u togan oo aad ii dhiiri-gelisa – qaar badan oo kamid ahna wey soo laabteen oo programs kale ila bilaabeen.

12-kaa bilood oo aan kobcinta hoggaaminta waday wax badan ayaan ogaaday. Waxayaabaha aan ogaaday waxaa kamid ah: dadkeenu xaqiiqdii waa dad qiimo badan oo niyad wanaagsan oo qalbi furan. Waxaanan si dhab ah u aaminsanahay haddii aynu helno hoggaamiyeyaal fiican, waxaynu noqon-karnaa dad adduunka u noqda iftiin baxaya – marka laga eegayo dhaqanka, diinta, deeqsinimada, calool xaadhnaanta, geesinimada iyo cafiska badan… kaftanka iyo cuqdad la’aanta.

Core Equation dadaalka wey wadaysaa, Insha Allaah – Allaahna waanu ka rajaynaynaa in uu noo suurto-geliyo in adeegayagu gaadho in-badan oo bulshada kamid ah – khaasatan waxaan niyada ku hayaa dhalinyarada.

Waxaan qoraalkayga ku soo xidhayaa: in badan oo bulshada kamid ahi wey ku baraarugsan-yihiin in aynu isku-doon saaranahay – iyo in doontaa wanaajinteedu tahay masuuliyad ina-wada saaran – oo ay kujirto danteena adduun iyo teena aakhiroba – innaga, caruurteena iyo caruurtoodaba. Taana waxaynu ku suurtogelin karnaa in aynu dhamaanteen XILKAS noqono.

Waad ku mahadsan-tihiin soo dhaweynta aad nagu soo dhaweyseen dalka hooyo, waanan ku faraxsanahay in aynu isu-soo noqonay 33-sannadood kadib, oo aanu la soo guryo noqonay annagoo soo fahamnay in aynu kamid nahay bulshooyinka adduubka ugu qiimaha badan!

 

W/Q:Abdikarim Osman

Bandhige@gmail.com