Xildhibaan Aadan Cabdi Ibraahim oo ka mida golayaasha degaanka ee dalka Fiiland, ayaa kulan booqasho iyo isbarasho ku yimid xarunta golaha guurtida Somaliland.

Xildhibaan Aadan Cabdi Ibraahim oo ka mida golayaasha degaanka ee dalka Fiiland, ayaa kulan booqasho iyo isbarasho ku yimid xarunta golaha guurtida Somaliland.

Xildhibaan Ibraahim waxa fadhiga golaha guurtida ku soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo xoghayaha guud ee golahaasi Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi iyo xildhibaanada golaha.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, ayaa warbixin la xidhiidha taariikhda golaha, aasaaskiisi iyo hawsha uu qaranka masuulka uga yahay ka siiyay.

Intaas kadib waxa warbaahinta siwada jira ula hadlay xildhibaan Ibraahin, xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi Diirqadhaadh iyo Dr. Xamse.