๐‘ซ๐’๐’’๐’• ๐’ƒ๐’† ๐’‚ ๐‘ณ๐’†๐’Ž๐’Ž๐’Š๐’๐’ˆ! W/X: (Dr Abdikarim D Hassan )

๐‘ซ๐’๐’’๐’• ๐’ƒ๐’† ๐’‚ ๐‘ณ๐’†๐’Ž๐’Ž๐’Š๐’๐’ˆ!

Lemming waa xayawaan caa’ilada jiirka iyo walo-sandheerta ka tirsan oo aad u tarma. Waxa uu ku nool yahay wadamada qabow ee Iskandaneefiyanka; waana xayawaan aad u dabeecad xun, cadho badan oo si fudud looga xanaajin karo. Haddii uu xanaaqo ilaa uu dhiig uriyo ma nefiso. Raqdooda oo badan darteed, waxa la malo- awaali jiray in marka ay xanaaqaan haddii cid ay la dagaalamaan waayaan ay cadho darteed qarxaan. Waxa taas kasii daran oo iyana la odhan jiray afar ilaa shantii sano ba, xayawaanka Lemming haddii uu bato, colaadna waayo, si wadar ah ayuu gebi dheer isaga tuuraa oo isagaa is gumaado. Beryo danbe ayaa la ogaaday in arimahaasi sheeko baralay ahaayeen. Xayawaanka ๐˜“๐˜ฆ๐˜ฎ๐˜ฎ๐˜ช๐˜ฏ๐˜จ ku isma xasuuqo, balse cadho badnaantiisa iyo cirwaynaantiisa ayaa keenta inuu marar badan mahlakooyinka arki waayo oo isagoo macaash raadis ah jar ka duulo. Magacii Lemming sumcad xumadii kama hadhin oo wali waxa loo adeegsadaa macne fool xum. Taas waxa sii xoojiyay Holywood oo dhawr filim oo xasuusta dhowr fac saameeyay ka samaysay Lemming ka.

Afka ingiriiska, qofka aan fikir iyo garasho madax banaan lahayn ee dameeri dhaan raacdayga ah ayaa “๐˜“๐˜ฆ๐˜ฎ๐˜ฎ๐˜ช๐˜ฏ๐˜จ” loogu yeedhaa. Haadii qof lagu yidhaa “don’t be a lemming” waxa weeye dameeri dhaan raacday ha noqon ee maskaxdaada isticmaal. Sida saykoolajigu tilmaamayo, Baraha bulshada ayaa iyaguna abuura xaalad loo bixiyay ๐˜“๐˜ฆ๐˜ฎ๐˜ฎ๐˜ช๐˜ฏ๐˜จ ๐˜ฆ๐˜ง๐˜ง๐˜ฆ๐˜ค๐˜ต- taasi oo ah dad badan oo waxa la hadal hayo uun dhinaca ka raaciya si ay u tusaan in aragtidoodu qiimo leedahay, ama ay hugunka ula jaan qaadaan, balse aan dhab u dareensanayn miisaanka ay leeyihiin dhacdooyinka socdaa. Ma u malaynaysaa in aad ka mid tahay inta “๐˜“๐˜ฆ๐˜ฎ๐˜ฎ๐˜ช๐˜ฏ๐˜จ ๐˜ฆ๐˜ง๐˜ง๐˜ฆ๐˜ค๐˜ต” ku shaqeeya? Ma la odhan karaa Soomaalidu xawayaankaa Lemming astaamo ayay la wadaagtaa?