๐—š๐—ข๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—ช๐—”๐—ž๐—œ๐—œ๐—Ÿ๐—”๐——๐—” ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐—” ๐—Ÿ๐—” ๐—š๐—จ๐——๐—•๐—ข๐—ข๐—ก, ๐—š๐—”๐—•๐—œ๐—Ÿ๐—˜๐—ฌ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐—” ๐—Ÿ๐—” ๐—š๐—จ๐——๐—•๐—ข๐—ข๐—ก, ๐—š๐—ข๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—ซ๐—จ๐—ž๐—จ๐—จ๐— ๐—”๐——๐—” ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐—” ๐—Ÿ๐—” ๐—š๐—จ๐——๐—•๐—ข๐—ข๐—ก.W/Q:(Mohamed Abdi Jama)

GOLAHA WAKIILADA

Ugu horeyn golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland waa mudaneyaal laga soo doortay lixda gobol ee dalka jamhuuriyada Somaliland loona doortay inay wakiil ka yihiin deegaanadii laga soo doortay iyo danaha qaranka oo ay ugu horeeyaan xeerarka qaranku ku shaqeynayo.

Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland waxa aan leeyahay xeerka idin horyaal ee qiimeynta gobolnimada Gabiley yaan la siyaasadeyn, yaan la beelaynin , yaan la galin dano olole iyo xisbi ee Gabiley waxay mudan tahay mariya idinka oo ka madhan caadifad iyo cid ku xumee.

GABILEY MAXAA LA GUDBOON?

Gabiley waxaa la gudboon inay ogaadaan inay xaq u leeyihiin gobolnimada oo taariikh dheer soo socotay , gobolnimada Gabiley waxa lagu dhawaaqay isla markaana gobolka Gabiley buuxiyey shuruudaha ku cad xeer lr.23 2019 qodobkiisa 7aad faqradiisa 1aad,2aad,3aad & 4aad .

Qodobka 109aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradihiisa 1aad ,2aad iyo 3aad waxay qeexayaan sida gobol & degmo cusub lagu magacaabayo , cidda awoodaa leh iyo wadada sharci ee hawshaasi marayso.

Markaa Gabiley waxaa la gudboon inay dadka reer Somaliland iyo golaha wakiilada iyo xukuumadaba cadaadis ku saaraan in aan laga lumin xuquuqda sharci ee Gobolka Gabiley, lagana ilaaliyo siyaasad iyo olole doorasho.

GOLAHA XUKUUMADA MAXAA LA GUDBOON?

Golaha xukuumada oo uu gadhwadeen ka yahay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland waxaa la gudboon inaanay halganka gobolnimada Gabiley ee taariikhda dheer soo socday siyaasadaynin oo aanu noqon qadiyad olole hadii ay reer Gabiley wax la jecel yihiin.

Waa marka labaad e waa inay ogaadaan inay tahay shaqaday qabteen waajibaad iyo xuquuq sharci oo la hagelraday mudo dheer sidoo kale meel cidhiidhi ah iyo wakhti olole kaga beegantay markii hore iyo haddaba taasi oo loo qaadan karo in wax lagaga doonayo dadka reer Gabiley.

Isku soo wada xoori dalka jamhuuriyada Somaliland waxaa hadda inta ogaalkay ah magacaaban 104 degmo iyo 14 gobol , waxaa hore dalku ugu shaqeynayey lix gobol iyo 23 degmo oo waaweyn oo Gabiley curad u ahayd, dhamaan toddobada kale ee gobol iyo degmooyinka 81 ahiba in la qiimeeyo oo golaha la horgeeyo waa waajibaadka xukuumada iyo wasaarada Arimaha Gudaha jamhuuriyada Somaliland saaran oo xaq loogu leeyahay.

Dhimbiil Mohamed

Mohamed Abdi Jama