Afar daran oo ka dhasha dal ka bixii, Diin laáan, Damiir la’aan, Dal la’aan iyo Dad la’aan (WQ: Maxamed Cumar Jibriil “Moj”)

 

Tan iyo intii ay burburtay dowladii dhexe ee Somalia sannadkii 1991-kii waxa wadamada dibada u hayaamay mujtamacii ugu badnaa ee Soomaaliyeed oo ka dareeray guud ahaan dhulka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa aanay dowladu ka burburin sida Keyna, Djibouti iyo Soomaalida Ethiopia.

Hayaankan ay bulshada Soomaaliyeed gashay waxa aad looga soo dhaweeyay wadamada yurubta galbeed iyo Ameerika, waxana xiligaa qaxootigii Soomaaliyeed albaabada u furay dhamaan dowladaha reer galbeedka oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Maraykanku.

Intii aanay burburin dowladii dhexe ee Somaaliya bulshada Soomaaliyeed

way dhoofi jirtay oo awalba may ahayn bulsho ka xidhxidhan aduunyada inteeda kale waxayna dhoofi jireen iyaga oo ah bulsho sharaf leh.

dalalka mujtamaca soomaaliyeed ee ugu badani tagi jireen waxa ka mid ah Sucuudiga iyo guud ahaan wadamada khaliijka iyo tiro kooban oo tagi jirtay wadama yurub oo Ingiriisku ugu horeeyo.

Hasayeeshee  burburkii ayaa bulshada ka dhigay lagu dhuftay  dab oo waxa mar kaliya la arkay bulshadii soomaaliyeed oo ku kala firidhay daafaha caalamaka iyo dalal aanay hore u maqal magacooda  in ay marti u noqdaan.

Sidoo kale waxana mar qudha isbadashay jihadii hayaanka oo bulshadii Soomaaliyeed waxay miciin biday bulshada  reer galbeedka halkii hore ay u tagi jireen wadamada aynu diinta wadaagno ee carbeed.

Hayaankan bulsho ee dhacay waxa uu keensaday dhibaatooyin culculus oo badhkood aanay wali bulshadu dareensadnayn laakiin dhamaantood salka ku haya ujeedooyinkii gumaystuhu ka lahaa wadamada uu gamaysto.

Dhibaatooyinka ka dhashay dowlad la’aanta hadii aynu wax ka xusno  waxa ka mid ah

1.     Diin laáan

2.     Damiir la’aan

3.     Dal la’aan

4.     Iyo dad la’aan

Afartan dhibaato ee aynu kor ku xusnay oo ka mid ah najiida ka dhalatay hayaankii yurub iyo Ameerika oo dhamaantood ahaa damaciii uu dadka muslimiinta ah ka laha gumaystuhu.

  1. DIIN LA’AAN:

Dhibta ninka jooga ayuunbaa dareemaya qiyaastii wiil yar ama gabadh yar oo Soomaaliyeed oo ku dhalatay yurub oo barbaarintii ugu horeysay iyo dugsiii ugu horeeyay ee la geeyay uu noqday mid ay macalimad ka tagay baadariyad faafisa diinta Kiristanka, isla markaana manhajka ay raacaysaa uu yahay midka foolxumo darteed sharci u yaqaan quumo-luudka ama raga oo raga wax ka daya.

Si kasta oo waalid fiicani guriga u joogo hadana ilmaha maalintii labadeeda galin lagu soo shubo culuum dhaqan gaal salka ku haysaa sidey suurtogal u tahay in saacadaha kooban ee habeenimo ee uu waalidka la joogaa ay noqon karaan kuwo diintiisa uu ku ilaashada.

2. DAMIIR LA’’AAN:

waxad arkaaysaa qof muuqiisa aad moodo mas’uul isla markaana sheeganaya in uu ka soo baxay Jaamacadaha reer galbeed kuwooda ugu fiican hadana ku hafanaya marka aad waydiiso  su’aal kooban oo ku aadan ma’uuliyadaha laga doonayo qofka caadiga ah sida xaqa waalidka ka jaarka iyo ka wadanka ku leeyahay oo hadii aad waydiin lahayd wiilka geeljiraha ah uu sarajooga ka jawaabi  lahaa.

Damiir xumada ka muuqata da’yarta qurbaha ku hana qaaday waxa ka mid ah waalid caasinimo foolxun oo marka aad aragto ilmuhu sida uu ula dhaqmayo waalidkiisa markiiba aad ka garan karto in aanu waxani dhaqan Islaam ahayn ee ay tahay caado uu ka soo waariday dadka dalalkii uu la joogay.

3. DAL LA’AAN:

Qofka qurbaha ku dhashay ama caruurta ku kacaantay wadamada reer

galbeedku marka ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo waxa soo ifbaxda ceebaha gaarka ah ee ay leeyihiin.

Waxad arkaaysaa sodon jir soomaali ah oo aan Af-Soomaali tukaanka kaga soo adeegan karayn kas oo marka uu ugu fiicanyahay jacbur isku jira Somaali iyo afkii uu ku soo barbaaray wax ku dalbanaya.

Hadii qofkan aad waydiiso dalkiisa waxa uu kuu sheegayaa in uu dhashay dalka uu ka yimid, waxana xaqiiqo ah qofkaasi in aanu dalxiis kooban wax ka badan ku joogi Karin dalka hooyo.

Qorbejoogu xaqiiqda ayuu ka fogaadaa waxana u ku dhacaa laba dhexdood dalkii u ku dhashay lama jaanqaadi karo noloshiisa sababta oo ah diin ahaan iyo dhaqaqan ahaan ayay u kala duwan yihiin, kii uu dhashayna lama jaanqaadi karo oo fursad u ku noolaado umuu helin markaa meeshaa waxa ka soo baxaya ruux aan la garan Karin cid lagu tiriyo, qof muuqa iyo magaca Soomaali ka ah mabda’ana reer galbeedka ah. Jirjiroore aan cilinkiisa la saari Karin cala dadkii iyo dalkiisa ka jecel dukhumentiga uu ka haysto wadanka uu martida ku yahay

4.DAD LA’AAN:

Qofkani waxa uu isku haystaa waxa aanu ahayn oo waxa maankiisa degay dadkii iyo dalkii uu nolosha la soo qaatay, waxa uu u hadlayaa sidooda waxa uu u socdaa sidooda waxa uu wax u qiimaynayaa sida ay iyagu waxa u qiimeeyaan, waxa uu aaminsanyahay mabaadii badankoodu salka ku hayaan gaalnimo iyo diin la’aan.

Runtii qurba jooga oo dhami kuma sifaysan arintan laakiin waxa jira qaybo badan oo ka mid ah oo uu si fiican uga gadmay mabdi’ii  gumaystaha ee ahaa dhalan roga iyo in ay dadka quluubta kala baxaan oo sidii oo kale ka yeelaan.

Gebogebo: hadii aan la helin hogaamiyeyaal Soomaali ah oo shacabka Soomaaliyeed tubta toosan ku sooceliya isala markaana khasab kaga dhiga in in muwaadiniinta Somaaliyeed ku soo guryo noqdaan dalalkooda hooyo meel ay ka tageenba sida Keyna, Somalia, Djibouti, Somaliland iyo Ethiopia inta Soomaalidu ka degto waxa la waayi doonaa jiilal badan oo Soomaali ah oo aan fialyno in ay inoo maqan yihiin laakiin inaga maqan.

Maxamed Cumar Jibriil (Moj)