Afar Qodob oo laga dhaxli karo Xadhigga Xildhibaan Dhakool (WQ: Calimahdi Jibriil Xasan)

Marka koobaad Xadhig Xal ma aha, Xildhibaankana Beeshiisa oo dhan baa wax tabanaysa, wayse kala dhawyihiin sidaan qabo nin Gudaha Dalka ku gorgor-tamaya iyo nin Banaanka ka istaagay codka diidmada qayaxan kala Horyimi Somaliland.

Qofka Dalka Gudihiisa ku gorgortamaya waa in la qanciyaa, waa in lala doodaa waa in tabashadiisa lala eegaa, se Xadhigu dadka uunbuu sii kala fogeeyaa, Afartan Qodob ayaa Dhakool iyo Somalilandba ka dhaxli karaan Xadhigaas:-

1. Bulshada uu Xildhibaanku ka soo jeedo iyagoo markii horeba wax tirsanayay waxa ay u arki karaan in ay Somaliland Marti ku yihiin awood iyo xoriyadda Hadalkuna aanay uga furnayn lagagana awood badanyahay, kuwa Dhulbahnte ee xilka ka hayaana ay ku dulmanyihiin.

2. Xadhigga Xildhibaanku waxa ay Mugdi iyo Hadal-hayn-badan sii gelin kartaa in dadku isweydiiyaan 18 may ma beel baa leh mise ma leh, waxay abuuraysaa doodo qaarkood hadaba facebooga ka socdaan oo mugdi galinaya maalintan qaran, oo ilaa xalayba Faceboogyada waxaan ku arkayay qaar soo qoraya waa maalin qabiil iyo kuwo leh waa maalin qarin, sida aan qabo maba ahayn in laga doodo maanta maalintaas oo mugdi la geliyo, xadhig xildhibaana saamayn ku yeesho.

3. Xildhibaan Dhakool oo aan Saamayn badan ku lahayn Gobolada Barriga ee uu ka soo jeedo iyo Beeshiisaba waxa uu xadhigani u keenayaa Sumcad badan iyo Samaayn balaadhan oo uu ka helo beeshiisa tusaale ahaan, anigu bulshada barriga aad ayaan ugu xidhanahay gaar ahaanna beeshan xildhibaanka si weyn baan u kala aqaan way i dhaleen waanna ku dhex korayoo xadhigan kama xumaanayaan, badhooda diidan somaliland na daliil ayay ka dhiganayaan ay kula doodaan kuwa somaliland taabacsan weliba kaga adkaadaan oo dhahaan meesha ka juuq dhahaba la xidhayo, dhalinyarada deegaankuna waxay soo qorayeen hal-ku dhigyo isku mid ah sida “Darwiishku Dilka waa gayaa, se Gunimo ma Qaato” iyo Hambalyooyin ay u dirayeen Xildhibaanka.

4. Xadhigani waxa uu niyad jebinayaa Siysasiyiinta Beesha ee Hargeisa jooga oo uu ka dhigayaa in ay habradaan kalsoonidii horena aanay ku qabin dalka, iyo kuwo kale oo niyada u sii dayn lahaa Somaliland nimada ayuu iyagana dib u celinauaa, waxaaba dhici karta qaar somaliland aaminsanaana in uu xadhigani sabab u noqdo in ay ka noqdaan Mabda’ooda.

Laba talo ayaan soo jeedinayaa, mid dhalinyarada ku socota iyo mid dowladda ku socota.

โ–ชintiina soo qoraysa Waa sax Xadhigga Dhakool waxa aad niyadda ka dilaysaan dhiggiina reer Sool, Buuhoodle iyo Sanaag Barri ood u muujinaysaan in aad dalka ka leedihiin, waxaad meesha ka saaraysaan in qof wax tabanaya loo garaabo oo wixiiba waxaad ka dhigaysaan in Xoog lagu yahay Somaliland, ka daaya qoraaladiinu Dad badan ayuu fogaynayaa Qaranimadana wuu dhaawacayaaye.

โ–ชDowladdu way dadaalaysaaye Talaabo ay isleesahay Qaranimada ku ilaali hadii ay Sii wiiqdoba qaranimadii sow Guul-darro inooma aha,waa in ay ka fiirsataa cawaaqibka laga dhaxlayo Go’aamada ay qaadanayso.

Ugu danbayn Somaliland ilaalinteedu Tab iyo Xeelad ayay u baahntahay, Xodxodasho iyo Xal bay u baahantahay lkn Xadhig iyo Xoog uma baahna.