Baadhitaanka bulsho bukaan ah iyo baadhitaanka qof bukaan ah (WQ: Saleebaan Faarax Guuleed)

Si la mid ah sida daraasaadka cimi u aqbalaan xaddi la oggol yahay oo qalad ah ( margin of error) ayay qalabka caafimaad ee loo isticmaalo baadhitaanada caafimaad ee maalinlaha ahi u oggol yihiin xaddi qalad ah oo la aqbali karo. Natiijada qalabka caafimaad ka soo baxi kartaa waxa ay noqon kartaa afar midkood;

1. True positive : in uu qof cudurka qaba ku sheego in uu cudurka qabo taas oo ah sax
2. True negative: in uu qof aan cudurka qabin uu ku sheego in aanu qabin taas oo ah sax
3. False positive: in uu qof aan cudurka qabin uu ku sheego in uu cudurka qabo taas oo ah qalad
4. False negative: in uu qof cudurka qaba uu ku sheego mid aan cudurka qabin taas oo ah qalad.

Dhakhtarka baadhitaanka korjoogtaynayaa waxa uu baadhitaanka qalabka u isticmaalay in uu ku xaqiijiyo astaamo uu bukaanka ku arkay midka uu yahay dhawr cudur oo uu uga shakiyay balse marka hore ba dhakhtarku 100% kuma saleeyo daaweyntiisa natiijada qalabka.
Laba astaamood baa go’aamiya in qalabkaa lagu kalsoonaan karo iyo in kale, kuwaa oo ah:
Sensitivity: saamiga cidda xanuunka qabta ee uu xanuunka ku sheegay ( proportion of true positives)
Specificity: saamiga dadka aan cudurka qabin ee uu sheegay in aanay cudurka qabin ( proportion of true negatives).
Sidoo kale, waxa la saadaalin karaa natiijada tognaanta iyo tabnaanta ee uu qalabku soo saari karo:

1. Positive predictive value: tognaanta la saadaalin karo in qalabku u soo saari karo tognaan run ah.
2. Negative predictive value: tabnaanta la saadaalin karo in qalabku u soo saari karo tabnaan run ah.

Si natiijada qalabka iyo saadaasha natiijada ee heer bulsho loo hubiyo waa in dalku yeeshaa aqoonyahan culuumta caafimaadka bulshada si xeel dheer u taqaan oo si la mid ah sida dhakhtarku aanu qalabka ugu salayn dawayntiisa’e uu ugu dheelli-tiro astaamaha bukaanka iyaguna heerka cudur ee bulshada ugu dheelli-tira natiijada qalabka baadhitaan iyagoo samaynaya baadhitaan bulsho ( community diagnosis).

F.g: qalabka caafimaad ee suuqa la geliyaa waxa uu leeyahay heer-tayeed natiijadiisa la ansixiyay oo la og yahay heerkooda halbeegyada kor ku xusan.

WQ: Saleebaan Faarax Guuleed