Richard Sorge: Sheekada basaaskii ugu weynaa taariikhda

“Waxa uu ka mid ahaa basaasiintii ugu weyneyd qarniga. Iyada oo ay sidaa tahay haddana maamulayaashiisu ma aysan rumaysan ama isticmaalin hibadiisii gaarka ahayd. maxaa yeelay, waxay ilaa xad ku mashquulsanaayeen fowdada waalan ee istaaliiniyadda iyo in ay naftooda ilaaliyaan ama badhkood badh kale wanjalo”. Owen Matthews, qoraaga dhiganaha {An Impeccable SPY; Richard Sorge Stalin’s Master Agent}.

Bishii October 1941, booliiska Jabbaan waxa ay xireen farshaxanlaha Miyagi Yotoku, oo xubin muhiima ka ah shabakad basaasnimo oo u shaqeysa Sirdoonka Soofiyeedka. Saldhig booliis oo uu ku xidhnaa, Yotoku waxa uu isku dayey in uu is dilo isaga oo ka booday daaqad dabaqa sare ah, laakiin geedo yaryar ayaa fashiliyey dhicitaankiisii (oo uu ku dul-dhacay).
Jirdil badan ka dib, wax walbaa waa lumiyey. wuxuuna bixiyay magaca hoggaamiyaha ama xiriiriyaha shabakadda: Richard Sorge, wariyeha Jarmalka, ee shabeel-naagoodka ah, laangare ah una dhutiya dhaawac ka soo gaaray dagaalkii 2aad ee dunida awgii, muuq dheer, indho buluug ah iyo muuqaal wanaagsan leh. sida uu ku tilmaamay Owen Matthews; laga helo goobaha khamaarka, cibaadada, iyo baararka qoob-ka-ciyaarka ee Shanghai iyo Tokyo.

Dabin u dhiga.
Sorge waxaa la geliyay nidaam kor-ilaalin adag ah, waxaana lagu soo jiitay xiriirka jacayl ee Kiyomi, oo u shaqaysa sirdoonka Jabbaan. Habeen ayey wada joogeen maqaayadaha, waxa ay aragtay kaabayeeriga oo warqad yar ku ridaya miiska ay wadaagaan. Sorge, waxa uu qaaday waraaqddii; farriintuna waxa ay ahayd digniin ah in uu halis ugu jiro qabashadiisa kuna boorinaysay in uu si dhakhso ah u cararo.
Markii ay gaadhiga ku jireen, Sorge waxa uu isku dayey in uu warqadda dab qabadsiiyo, markii uu ku guuldarraystayna waxa uu Kiyomi weydiiyey laytar(qaraxad), laakiin waxa ay u muujisay in aysan siin karin. Xanaaqii, waxa uu ka tuuray warqaddii daaqadda gaariga wuuna iska tegey, taasina waxa ay ahayd gef weyn. Isla jidka dhexdiisa, Kiyomi waxa ay weydiisatay Sorge in uu joojiyo gaariga si ay waalidkeed ugu sheegto in ay caawa guriga ka dhaxayso, wuuna ka oggolaaday. halkii se ay waalidkeed ka wici lahayd waxa ay wacday booliska sirta ah una sheegtay isla kobtii uu Sorge warqadda ku tuuray; waa la helay warqaddii, Sorge na waa la qabtay ka hor inta uusan baxsan.
Sorge waxa uu ku guuleystey in uu qof kasta ka qariyo shaqadiisa sirta ahayd. Xitaa markii warka lagu dhawaaqay qofna ma aaminin in uu basaas yahay.
Basaaskii ugu weynaa ee ay qabato Jabbaan.
Markii Sorge la qabtay, Jabbaan iyo Midowgii Soofiyeed colaad uma dhaxayn. Jabbaan waxay u soo jeedisay safaaradda Soofiyeedka ee Tokyo in Sorge kaga beddeshaan maxbuus reer Jabbaan ah, Moscow waxa ay ku warcelisay: Ninka la yiraahdo Richard Sorge mid aan garanayno ma aha!
Saddex jeer ayey jabbaan soo bandhigtay soo jeedinteedaas, markastana Moscow waxa ay iska fogayneysay basaaskaas. Waxa ay u muuqatay in hoggaamiyaha Soofiyeedka Joseph Stalin uusan hal xiddig u quudhin Sorge, Stalin oo keliyana uu ahaado kan ugu weyn taariikhda ummada, oo ayna cid kale la wadaagin wargays-yada iyo barnaamijyada TV-ga. Nasiib darrose; Waddamada qaar ayaa wali lagu maamulaa maanka noocan ah. Waxaa laga yaabaa in Stalin doonayey in uu tirtiro marqaatiga qaladkiisii weynaa ee Dagaalkii Labaad ee dunida, kolkii uu iska indho tiray macluumaadka uu soo dirayey Sorge kuwaas oo daarnaa duullaanka Jarmalka ee Soofiyeed.

Farshaxan-yaqaankii reer Jabbaan ee Miyagi, oo aan weligiis laga daawayn cudur ku dhacay tan markii uu yaraa (xanuun la’aantiisa darteed), ayaa ku dhintay Xabsiga Sugamo ee Tokyo bartamihii maxkamadayntiisa sanadkii 1943, isaga oo da’diisuna ahayd afartan sano.
Markii ay ahayd November 7, 1944, gacmaha iyo cagaha sorge way xidhnaayeen; xadhiga daldaaaduna qoorta ayuu u sudhnaa. Oraahyadiisii u danbeeyeyna waxa ay ahaayeen:
Ciidanka Cas;
Xisbiga Shuuciga ee caalamiga ah;
Xisbiga Shuuciga ee Soofiyeedka.
Jabbaaniyiinta ayaa dilay Richard Sorge. Kaas oo sooyaal-baadhaha rasmiga ah ee sirdoonka ingiriiska (MI5) Christopher Andrew uu ku sheegay “in uu ka mid yahay basaasiintii ugu weyneed qarniga”. Ian Fleming na uu ku sheegay “in uu yahay basaaska ugu weyn sooyaalka”.
November 5, 1964, oo ka dhigan 20 sano dhimashadiisii ka dib, dawladda Soofiyeedku waxa ay Sorge siisay naanaysta ah “Halyeyga Midowga Soofiyeed”. Mid ka mid ah hablihii uu jeclaa, oo weli nooleydna, lacag hawlgab ah ayey ka heshay dowladda, xukuumadihii dambena way sii wadeen in ay bixiyaan [lacagta hawlgabka] ilaa ay ka dhimato July 2000.
Maqaalkan waxaan kaga hadlaynaa waxqabadyadii ugu fiicnaa ee nolosha basaaskii ugu weynaa sooyaalka.

Jarmalka, Ruushka, Shiinaha iyo Jabbaan.
Bishii November 1929, Moscow waxa ay fartay Richard Sorge in uu ku biiro xisbiga Nazi-ga uuna jaro xidhiidhka jaalleyaashiisa bidixda. Sorge waxa uu shaqo ka helay wargayska Getreide Zeitung isaga oo xirfadda wariyennimada ugu danaysanaya go’ uu ku daboolo shaqadiisa basaasnimo.
Sanadkii 1930, wuxuu u guuray magaalada Shanghai, China. Oo ah magaalo ay la wareegeen gumeystayaasha, ayna ku nool yihiin shisheeye badan oo laga shaki qabay, sidaasna ay ku ahayd xarunta basaasiinta. Waxa uu Dhisay shabakad basaasnimo, oo soo uruurisay xogo sirdoon oo muhiim ah, kuna saabsan Dagaalkii Sokeeye ee Shiinaha iyo mowduucyo kale.
Sanadkii 1933, waxaa looga yeeray Moscow, halkaasna waxaa lagu faray in uu aado Jabbaan. Waxa uu soo gaadhay bishii September 1933,. Tokyo-na waxa ay ahayd goob gebi ahaanba ka duwan Shanghai, waxaana ku yaraa shisheeyaha, dawladduna shaki ayey qabtay, sidaa darteed basaasnimadu waxay u baahanayd awood sare, oo waxaa looga digay in uu la xiriiro xisbiga qarsoon ee shuuciyiinta jabbaan ama safaaradda Soofiyedka ee Tokyo.
Jabbaan gudaheeda, Sorge waxa uu isku darsaday xubinnimada Xisbiga Shuuciga Soofiyeedka iyo Xisbiga Naasiyiinta ee Jarmalka. Sidoo kale booska lataliyaha gaarka ah ee safiirka Jarmalka iyo gacaliyeha xaaska [safiirka].
Surge waxa uu abuuray shabakad basaasnimo oo ka kooban:
Ozaki Hotsumi oo ah wariye sare oo reer Jabbaan ah kuna sugan Shiinaha.
Max Clausen: Wuxuu uga shaqeeyey Tokyo sidii ganacsade hodan ah, oo dhanka dhoofinta iyo soo dejinta alaabaha ah; si uu ugu daboolo dhaqdhaqaaqiisa hawlgallada raadiyaha ee lagula xiidhiidhayo raashiya
• Branko Vukelic: Wariye caan ah oo ka tirsan wakaaladda wararka Faransiiska ee Havas, isla markaana ah isha ugu weyn ee xogaha shabakadda, kuwaas oo ku saabsan isbeddelada xiriirka caalamiga ah.
Miyagi Yotoku: fannaan iyo Farshaxaniiste reer Okinawa ah, oo Jabbaan ugu noolaan jiray si halis ah, isla markaana ka caawinayey Sorge in dukumentiyada jabbaaniiska ah loo turjumo af ingiriis.
Dhammaantood waxa ay ahaayeen shuuciyiin, mid walbana ujeeddooyin shaqsiyeed ayaa ku riixayey basaasnimada. Ujeeddooyinkaas oo badankood isla jaanqaadayeen siyaasadaha rasmiga ah ee Midowgii Soofiyeed.
Basaaskii Fannaanka ahaa.
Miyagi Yotoku waxuu u shaqeeyey sidii fannaan iyo farshaxaniiste, taas oo siisay hu’ dabacsan oo uu ku qariyo basaasnimada. Waxa uuna sameeyey shabakad basaasnimo oo ka tarantay tan Sorge, taas oo ay ka mid yihiin: dhakhtar kala soo baxa xogaha bukaannadiisa caanka ah, xubin hore uga tirsanaan jiray xisbiga shuuciga, saraakiil ciidanka boqortooyada ah iyo kuwa kale.
Shabakadda Miyagi waxa ay ahayd mid wax ku ool ah, heer ay helaysay dalabka iyo naqshadda dharka loo qoondeeyey milatariga Jabbaan, taas oo waxtar u leh in la cayimo haddii ciidanka loo dirayo waqooyiga qabow ama koonfurta.
Bishii May iyo June 1939, meel u dhow magaalada Nomonhan ee ku taal soohdinta Manchuria-Mongolian, ayey ciidamada Jabbaan waxa ay ka bilaabeen weerar aad u yar. Sorge iyo basaasiintiisuba waxa ay ku guuldarraysteen in ay digniin hore u diraan Moscow. Ase isla goortii colaaduhu bilaabmeen, ayay u jeesteen oo daneeyeen. Hadafkooda ugu weyni waxa uu ahaa in la go’aamiyo in weerarku hordhac u yahay gulufyo danbe, ama keliya in uu yahay dhacdo lama filaan ah oo ku meel gaadh ah.
Isaga oo la shaqeynaya mid ka mid ah shaqaalihiisii cusbaa, oo ah sarkaal hoose oo ka tirsan ciidanka boqortooyada lana yiraahdo Kushiro Yoshinobu, Miyagi waxa uu ka ogaaday in Jabbaan aysan u dirin ciidan badan gulufkaas, sida oo kale wax xoojin ah in aan loo dirin. Sidaas awgeed, waxaa laga soo dhiraandhiriyey in tani aysan ahayn bilawga hawlgal isku-dubbaridan.
Waan idiin digeyaa;Naasiyiintu soohdinta ayey joogaan!
Markii ay ahayd December 18, 1940, Adolf Hitler waxa uu saxeexay Digreetada Lambar 21, ee loo yaqaan “Hawlgalka Barbarossa”; hawlgal ahaa in ciidanka Jarmalku ku duulaan xuduudaha Soofiyeedka. Bishii April 1941, Sorge waxa uu siiyay Moscow xog qiimo leh oo ku saabsan howlgalka Barbarossa. wuxuu u soo diray diyaar garowga cusub ee Jarmalka[waxa uu daaran yahay], wuxuuna u diray qorshaha guud ee howlgalkaas militari oo ay ku jiraan bartilmaameedyada la duqaynayo iyo tirada ciidamada. Bishii May 12, 1941, Sorge wuxuu uga digey Moscow in 150 qeybood oo milateriga Jarmalka ah lagu soo rogayo xadka.
Saddex maalmood ka dib, Sorge waxa uu xaqiijiyay in June 21-keeda ay noqon doonto maalinta duullaanka Soofiyeedka. Laakiin Stalin waxa uu iska indhotirey farriimaha Sorge. Maaddaama ay aamminsan yihiin in uu yahay laba-wajiile wakiil u ah Britain, isla markaana ay raadineysay[waa Britian’e] in ay dagaal ka dhex abuurto midowga Soofiyeed iyo Jarmalka.
Horraantii bishii June 1941, danjiraha Jarmalku waxa uu kulan kula yeeshay Moscow safiirka Soofiyeedka ee magaalada Berlin, waxa uuna uga digey in Hitler uu qorsheynayo soo saarista amarro uu ku duulayo Midowgii Soofiyeed. Isla markiiba se waxaa looga shakiyay in ay tahay dagitaan. Markii Stalin lagu wargeliyay arrintan, wuxuu u sheegay Golahiisii Dhexe ee (politburo) in jahwareerintu ay hadda gaartay heerka Safiirrada!
Ma dhegaysanayno Mucaaradka.
Way iska caddahay in Joseph Stalin aanu waligii aaminin sorge, una arkayey Trotsky, oo ah taageereyaasha ninka mucaaradka ah ee la masaafuriyey Leon Trotsky, iyo kooxdiisii loo yaqaanay ‘Great Illegals’, oo macnaheedu yahay “jilba-culusta sharci darroda ah.” Stalin waxa uu ku qanacsanaa In ay shirqool u dhigayaan isaga. Qaar baa looga yeeray Midowgii Soofiyeed oo la diley, qaarkii diidey soo noqoshadana dibedda ayaa lagu khaarijiyey.
Peter Wrigh, qoraaga dhiganaha“Spycatcher”, ayaa ku tilmaamay:
Trotsky-yiintu waxa ay ahaayeen Shuuciyiin aaminsanaa wadajirka caalamiga iyo Comintern (i.e. the Communist International/Shuucinimada Caalamiga ah). Si qarsoodi ah ayey u shaqeynayeen, naftoodana ugu hureen halis weyn oo shaqsiyeed. Waxa ayna u safreen adduunka oo dhan si ay u raadiyaan ciidamayn cusub oo suurtagal ah, sidoo kale waxa ay ahaayeen kuwa ugu wanaagsan ee ciidamaynta iyo kormeerka sirdoonka Ruushka, way is-wada yaqaaneen, waxa ay qorteen wakiilo cusub, waxa ayna sameeyeen shabakado leh tayo sare oo basaasnimo.
Halkaan waxaa laga dareemayaa saameynta baratanka siyaasadeedka basaasnimada iyo danaha saree dalka.
Si kastaba ha noqotee, xubno sare oo ka tirsan booliiska shuuciyadda ee qarsoon (NKVD) ayaa Stalin ka dhaadhiciyay in Sorge illaa xad yahay wakiil qiimo badan; ayna tahay in loo oggolaado in uu joogo booskiisa. Waxa ayna hubsadeen in Sorge aan la beddeli karin, aakhirkiina waxay u daayeen Tokyo. Laakiin waxaa weli looga shakisnaa in uu yahay labawajiile, sidaa darteed ayeey farriimihiisa iyo waraaqihiisa maldahan aan toddobaadyo loo akhrin jirin.
Ian Berzin, madaxa Qaybta Afaraad ee Ciidanka Cas, waxaa dil ku xukumay Joseph Stalin, intii lagu gudo jiray halwgalkii dhiig-maydhka ahaa ee sanadkii 1938. Markaa dhamaan shaqaalihii hoos imanayey Birzen, oo uu ku jiray Sorge, ayaa la tuhmay.
Sidii uu Sorge sheegay.
June 21, 1941, sarkaal reer Jarmal ah ayaa u baxsaday dhanka Soofiyeedka isaga oo ku wargeliyay in ciidamada Jarmalku ay soo weerari doonaan waaberiga maalinta tan xigta; taas oo ka dhigan, maalin uun ka dib taariikhdii lagu cayimay waraaqahii maldahnaa ee Sorge (ilo-wareedyada qaarna waa isla maalintii ayeey leeyihiin).
Bishii June 22, 1941, 150 qeybood oo militeriga Jarmalka ah ayaa soo galay xadka Soofiyeedka. Soofiyeedkuna waxa ay galeen mid ka mid ah qaladaadkii militeri ee ugu xumaa abid markii ay dhegaysan waayeen oo aysan falanqeeynin warbixinnadii basaasiintooda.
Helitaanka dhammaan xogahaas sirdoon ee ku saabsan Howlgalka Barbarossa wuxuu ahaa mid ka mid ah guulaha ugu waaweynaa ee Sorge, isaga oo ah suxufi Jarmal ah oo xaruntiisu tahay Tokyo; aadna uga fog Jarmalka. Wuxuuna ka dhex qabtay[xogahaas] jaallayaashiisii iyo la xiriiritaankiisa safaaradda Jarmalka.
Joseph Stalin wuxuu la fajacay oo ka xishooday in uu dadka u sheego in Jarmalku ku soo duulay dalka. Sidaa darteed ayuu Vyacheslav Molotov uga dalbaday in uu ka soo muuqdo raadiyaha oo dhaho: “Afartii subaxnimo ee maanta, ciidamada Jarmalku waxa ay ku soo duuleen dalkeena iyaga oo aan wax dalab ah hor dhigin Midowga Soofiyeed ama iyaga oo aan ku dhawaaqin dagaal. Qadiyadeenu waa caddaalad. Cadowga waa la jabin doonaa. Waana guuleysan doonaa”.

Xogtii sirdoonka ee ugu weynayd taariikhda.
Waxaa jiray walaac ay Moscow ka qabtay in Jabbaan ay ku biiri doonto dagaalka uu Naasigu ku qaaday Midowgii Soofiyeed. Iyada oo ay jirto guuldarrooyin is daba-joog ah oo ciidanka cas (Soofiyeed) ka soo gaarayey kuwa Jarmalka; haddana Stalin waxa uu dhigay qeyb ciidamadiisa ka mid ah xadka ay la wadaagaan Jabbaan, iyadoo laga cabsi qabo suurtagalnimada weerar dhanka jabbaan ka yimaada.
Miyagi iyo wariye Ozaki-oo xilligaas si aan caadi aheyn labo sano uga shaqeynayay lataliyaha Ra’iisul Wasaare Konoe Fumimaro (oo mar danbe is casilay), waxa ay filayeen in natiijada laga saluugo ee dhacdadii Nomonan ay ka horjoogsaneyso Jabbaan in ay la faro-ciyaarto Soofiyeedka.
Deyrtii 1941, Sorge iyo hawl-wadeenadiisu waxa ay Moscow siiyeen xog ah: “Jabbaaniyiinta ayaa isu diyaarinaya in ay dagaal ku qaadaan badda Baasifiga, ciidankooduna uu xoogga saarayo gobolkaas, iyagoo rumeysan in Jarmalku ka adkaan doono ciidanka cas ee soofiyeedka.

Laba bilood ka hor inta aysan jabbaan weerar ku qaadin dekada maraykanka ee Pearl Harbor, Sorge wuxuu u diray Moscow: “Jabbaanku waxa ay isu diyaarinayaan dagaal ka dhaca Baasifigga mana weerari doonaan bariga fog ee Soofiyeed-ka [sidii ay ruushku ka baqayeen].
Dhammaan macluumaadkan la isku halleyn karo ee shabakadda sorge ku harqiyeen Moscow waxa ay horseeday dammaanad qaad ah in Jabbaan aysan weerari doonin Soofiyeed-ka.
Taariikhyahannada qaarkood waxa ay soo jeediyeen in tani tahay mid ka mid ah xogihii sirdoon ee ugu muhiimsanaa Dagaalkii Labaad ee dunida (laga yaabee taariikhda ba). Maxaa yeelay, waxa ay u oggolaatay Soofiyeedka in ay ciidamadooda ka soo wareejiyaan xadka bariga (Jabbaan) ilaa kan galbeed, goortaas oo ciidankii Jarmalka ay ku sugnaayeen meel ku dhow Moscow. wareejinta ciidammada marka lagu daro Qabowga daran ee jiray, waxa ay ugu dambeyntii horseedeen jabka ciidamadii Jarmalka, iyada oo ciidamada Ruushku sii wadeen baacsiga ciidanka Jarmalka ilaa caasimadda Saddexaad ee Reich, Berlin.

Jabbaan waxay ilaashatay dhex-dhexaadnimadeedii ku aadanaa midowga Soofiyeed ilaa iyo bilahii ugu dambeeyey dagaalka labaad ee adduunka.
Owen Matthews waxa uu yidhi:

Maanta, laba dal oo keliya ayaa xusuusta Sorge. Raashiya; halka jidadka, jardiinooyinka, iyo maraakiibta loogu magacdaray. Iyo Jabbaan;iyada oo dugsiga safaaradda ruushka ee Tokyo ay wadato magaciisa. Sidoo kale Waxaa jira boqolaal dhiganeyaal aqooneed oo qiraya sheekadiisa … Stalin mudnaan ma siinin Sorge.
W/Q: Zaynu diin.
W/T: Madasha tarjumaadda HOOBAAN.