Axkaamta Ramadaanta: Q.22aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Fadliga ducada

 

Duco waa baryo ama tuugis Alle uu baryayo addoonkiisu, cidda kaliya ee la baryi karaa waa Alle SWT, sokadii cidna lama baryi karo. Alle SWT xadiis-qudsi wuxu ku yidhi, โ€œAnigu waxa aan ugu deeqsanahay cidda wax layla wadaajiyo, waan uga tagaa anuu.โ€ Baryadu Alle SWT xaqa u lahaa haddaad cid kale la doonato adiga uun baa wax is yeellay. Ducadu is dhul dhigid aad Alle SWT isku basaasinayso, una muujinayso in aad gargaarkiisa u baahan tahay, laโ€™aantiina aanad waxba helayn.

 

Cibaadadu waa in aad muujiso in aad tahay addoon baari ah, adiga oo la imanaya wax kasta oo Alle ku faray in aad samayso, kana joogsanaya wixii lagaa reebay in aad fasho. Markaasad tahay addoon dhab ah, oo baryaya Allihii, baryaduna waa cibaado.

 

Rasuulku CSW wuxu yidhi, โ€œDucadu waa cibaado.โ€ Mar kasta oo aad Alle SWT barido agtaada ayuu joogaa, wuu ku jawaabi siduu Alle SWT sheegay, โ€œI barya aan idinka aqbalee.โ€ ย Soomaalidu waxa ay tidhaa, โ€œBaryo badan iyo bukaan badan waa laysku naca,โ€ halka Alle SWT uu ka leeyahay โ€œI baryaa aan idinka aqbalee.โ€ Alle SWT mar kasta oo aad gacmaha hoos dhigato wuu kugu farxayaa waxaad wayddiisatana wuu ku samaynnayaa.

 

Mar haddii aynnu nidhi baryadu waa cibaado bal ka warran kuwa iskala deeqtoonaada inay Alle baryaan amase aan danayn in ay Allahood baryaan. Alle SWT wuxu yidhi, โ€œKuwa iska waynneeya baryadayda, waxay galayaan jahannama iyagoo dullaysan.โ€

 

Qofka ka maaga in uu Alle SWT baryaa in uu yahay qof quustay. Alle SWT wuxuu ina leeyahay, โ€œAddoomahayga u sheeg, oo ku dheh haka quusanina naxariista Alle,โ€ taas oo muujinaysa damiir iyo iimaan xumo. Qofka ka quusanayaa ma wuxuu moodayaa in uu Alle ka dheer yahay, โ€œHaddii ay ii kaa wayddiiyaan addoomahaygu u sheeg in aan u dhawahay, ka i baryayaa marka uu i baryayo, hay addeecaan oo hay rumeeyaan si ay u hanuunaan.โ€ ย Alle SWT ayaa sidaa leh, adna waad iska quusanaysaa micno daro, subxanallah.