Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa amartay in dhammaan boodhadhka meheradaha lagu qoro afka Soomaaliga

Xukuumadda Deegaanka Somalida ayaa amartay in dhammaan boodhadhka meherada lagu qoro afka Soomaaliga

Xafiiska Warfaafinta iyo xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska oo qoraal ay si wada jir ah usoo saareen ku sheegay in dhammaan boodhaadhka meheradaha ku yaala deegaanka Somalida lagu qoro afka Soomaaliga.

Dadkii hore ugu qortay luuqadaha qalaad ayaa waxa lasiiyay muddo 45 cisho ah oo ay ku badalaan kuna qoraan luuqadda Soomaaliga.

Dhanka kale xukuumaddu waxay sheegtay in meheraduhu ay ku qoran karaan boodhadhka luuqaddaha qalaad, laakiin ay horraysiiyaan luuqada Somaaliga oo ah tan koowaad.

Tallaabadan ayaa ah mid xukuumaddu u qaaday si loo tayeeyo korna loogu qaado Afka Soomaaliga.

Bandhige@gmail.com