Somaliya goormaa garowsho laga heli? (WQ: Barkhad Maxamed Cumar)

Somaliya marka aanu ku heshiinno taariikhda ayaanu isfahmi karnaa, inta wax waliba koonfuri leedahay waa aan ku gumaysto, taasna cadaankii baa laga diiday waaba Somaliya.

 

Somaliya waxa si weyn loogu dabaaldega waa taariikhdii Koonfurta oo qudha, wax walba iyada isku koobtay, hadana midnimo iyo walaaltinimo ayey doonaysa, ficilkeeda iyo hadalkeeduna isma laha.

 

Maalinta dhalinyarada Somaliya waa 15 May, waa taariikh Koonfur u gaar ah,  ururkii gobonimo u doonka ah ee SYL waa ururkii Talyaaniya ka soo dhicinayey gobonimadda waa taariikh koonfur u gaar ah, haweenayda halganka ku xusan waa Xaawo Taago waa koonfur, maalintii Talyaaniga ka xorowday waa kowda july waxa laga mudnaysiiyey 26 june oo ka horeeyey  Soomaali oo dhana ku faanto, madaxweynihii, Raysal wasaarihii, gudoomiyihii Baarlamaanka, wasiirkii arrimaha gudaha, wasiirkii arrimaha dibada, talihii ciidanka Militeriga kii  Booliska iyo caasimadiina waa koonfur, eesh cala cadaalad.

 

Magacii lagu heshiiyey wuxuu ahaa jamhuuriyada Soomaaliyeed, waxana laga dhigay dalka Somalia waa magacii talyaanigu ula baxay kii lagu midownay waa la iska daayey.

 

Waxa shacabka waqooyi la duudsiyey taariikhdoodii iyo halgankoodi oo lagu koobay tii koonfurta oo qudha.

 

Bal ila eeg taariikhda la baabi’iyey ee waqooyi oo hadii run la sheegayo ka taaariikh qurux badan oo afrika ku faani karto waxa ka mid ah.

 

1.Somaliland waa dalkii ugu horeeyey ee gumaystihii reer Yurub badda kaga saxeexday waraaqda in aanu ilmo ugu dhallan, ka dhintana lagu aasin, Somaliland may ahayn dal la gumaysto ee maxkamiyad bay ahayd.

2. Waxa laga furey idaacadii ugu horeeyey ee af soomaali ku hadashay, waa taariikh u gaar ah Somaliland.

3. saddexdii xisbi ee doorasho ku tartama, gobinimana soo dhacsadda, afrikana dimuqraadiyad u horseeda waxay ahaayeen Somaliland (USP,SNL iyo NUF).

3. ragii loo sadqeeyey ee gobonimo in la helo waa Sheekh Bashiir, Faarax Oomaar iyo Sayid Cabdille xasan.

4. dhul diyaarado lagu  duqeeyey afrika oo dagaal toos ahi ka dhacay waa dhulka Somaliland oo diidana gumaystihii reer Yurub, ma jirto cid kale oo taariikhdaasi ku faani kartaa.

5. shantii oday ee boqortooyada ka soo saxeexa madax banaani waxay ahaayeen Somaliland meelna laguma xuso waxa ka awood batay SYl iyo 13 qof ee ku jira.

6. calankii ugu horeeyey ee SOomaali yeelato ama dhul soomaaliyeed lagu taaga waxa lagu taagay Hargeysa waa taariikh qof kasta oo soomaali ku faani karo hadana waxa laga horeysiiyaa kowda july.

7. Heesiihi iyo suugaantii lagu kiciyey gumaystaha ama dawladnimo u heesay waxay ka soo jeedaan waqooyi, meesha kaliya ee dhul soomaaliyeed ee iyadoo gumaystihii arkaya Kanna siib kanna saar laga yidhi waa Hargeysa.

Sidee u ogolaadaa taariikhdayda aan wayneeyo kaagana ha siqiirto walaalana aynu noqono halka ay ka dhici karto ha la ii sheego.

 

By : Barkhad-ladiif M. Cumar