Beekhaaminta Taqwada iyo bisha Ramadaan (WQ: Khadar Faarax Siciid)

Soon-qaadyo badan ayaa ina soo maray. Mid walba waxaynu ku noollonaynay in aynu sahay wax-ku-ool ah ka samaysanno. Sahaydaas oo xaqiijin karta ujeedkii Alle u waajibiyay         Soonta ee ahaa Taqwo-ka-taransi.

البقرة , أية 183  (يا أيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون)

Taqwadu waa bu’da cibaadooyinka aynu Alle ugu dhowaano; Qeexitaan ahaan waa in Alle amaradiisa loo qaato si aan walwalaac lahayn, oo laga feejignaado ciqaabkiisa loona hiloobo Jannadiisa.

Cumar Binu Cabdicasis wuxu yidhi: “Taqwadu maaha maalinkii oo la soomo, habeenkii oo la tukado, iyo labadaa dhexdooda oo wax laysku badhxo, lakin Taqwadu waa in qofku ka tago wixii Ilaah yidhi ka tag, uuna sameeyo wixii Ilaah ka doonay ee yidhi samee”

Mar kale, Ramadaan iyada oo galladeheedii u gaarka ahaa wadata ayay inoo timi. Naxariis, xasilooni iyo cafis Eebbe iyada oo la gooshaysa ayay inoo timi. Rabbi deeqsi weeye waa kaa inoo furay fursad kale oo aynu si dhib yar uga faa’iidaysan karno. Ugu dhowaan karro isaga, kuna tabcan karro aayatiin wanaagsan oo Janno ah.

Waa maalmo tirasan oo aad u kooban balse aad beeran karto dalag aan la qiyaasi karin badnaatiisa iyo barakadiisa. Nebigu Scw, axaadiis mid iyo laba ba ka badan waxa uu inoogu sheegay in arrinka Soonka iyo abaalka Alle ka bixinayaaba yahay mid ka duwan sida loo xisaabiyo cibaadooyinka kale ajarakooda. Alle si gaar ah ayuu u maamuusayaa uguna abaal gudayaa adoomihiisa isaga awgii u sooma.

 

حديث قدسي. (كلُّ عملِ ابنِ آدمَ لهُ إلا الصيامَ ، فإنَّه لي وأنا أُجْزي بهِ)

Bishu isla marka ay bilato, ugaasyada shayaadiinta xabsiga ayaa loo taxaabaa, irridaha jannadana way furan yihiin, habeen kastana dad ayuu Raabbi naarta ka xoreeyaa. Waxa uu koriyaa oo naaxiyaa camalada san ee addoomihiisu isaga u la qasdiyaan, isla markaana waafajiyaan sunnadii Suubbanah Scw.

Sidee ayaynu bisha u maamuusnaa?

Laabta waynu nadiifin, ciddii ay wax ka tabanayso cafis baynu u diri. Waa run, dad badan oo (godob kaa galay) ayaad qaniinsan tahaye, basle xasuuso adigu ba inaad cafis doon tahay oo aad Allaha wayn cafintiisa quud-darraynayso. Cafi, Isaguna ha ku cafiyo e.

Haddii aad diido in aad cafiso walaalahaa, ogow oo waxay taasi waxay horseedi kartaa in aan Alle waxba kaa aqbalin, cibaadooyinkaaga oo dhamina noqdaan hal barcuud lagu lisay.

Quraanka wehesho oo wardi ka dhigo. Uurbaadh oo xogaha xiisaha leh iyo xikmadda ku dahsoon dhexdiisa ka kaluumayso. Akhrinta dudubinta ah waxa ka raadayn badan ta rasiinka ah ee fiirsigu iyo u-dhug yeelashadu ku dheehan tahay.

Maalmulu way kooban yihiin sida Alle ba uu sheegay (أياما معدودات), haddaba, ha ka soomin oo qudha cuntada iyo cabbista e, waaxa aad ka soomaysaa afxumada, xanta, dacaayadda, beenta iyo eray kasta oo xun iyo fal kasta oo aan shareecada ku bannanayn, sida boobka, xatooyada, gacan-ka-hadalka iwm.

Bisha waxa inoogu dhex jira habeen yaableh. Waa habeen kab looga dhigaya cimrigeenna kooban ee dhowr iyo lixdanka u badan. Maadaama oo umadihii hore inaga cimri dheeraayeen, taasna macneheedu noqonayo in kuwooda saalixiinta ahi ay inaga cibaada badnaayeen, Allah deeqsiga ahi habeenka (ليلة القدر) ayuu kab ahaan inoo siiyay, oo habeenka qofka Alle dartii u cibaadaysta –iimaan iyo mushqaayad-raadis arrinku ka yahay- waxa uu la abaal yahay qof 83 sano iyo dhawr bilood cibaadaysanayay. Habeenkaa oo loo badaniyo inuu tobanka dambe ku jiro, qofka muslimka ah waa inuu sameeyaa dedaalka ay beretamayaashu sameeyaa daqiiqadaha ugu dambeeya tartanka. Fardaha la beretansiinayo marka ay xariiqda libtu u soo muuqato waxay kordhiyaan karaarka, oo mid waliba xawaarihiisa waxa uu gaadhsiiyaa halka ugu dambaysa ee uu awoodo inuu gaadhsiiyo.

 

Khadar Faarax Siciid