Dagaalka beelaha sidee loo joojin karaa? (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Sanadihii 1911  ayaa dawladdii Ingiriisku ka baxday dhulka Somaliland marka lagga reebo xeebaha oo ay ku reebtay waxyar , waxaanay siisay beelaha waxoogay hub ah si ay isaga difaacaan Daraawiishta , ka dibna beelihii baa hubkii iskula wada jeestay oo is madhiyay .

1914 ayaa dawladdii ingiriisku soo noqotay , waxaanay soo go;aan ku sheegtay in dagaaladii beelaha la joojiyay , beeshii dhibaato soo gaadhaana ay soo ashkatooto , dawladduna beesha gardaroota ay gacan birra ku qabanayso .

Maadaama dadku wada ogaa in dawladdu fulinayso go;aankeedda waxaa si degdega ah beelihii oo dhami u joojiyeen dagaaladii , dawladduna waxay dhex dhigtay heshiisyo laggu soo afjaray dagaaladii socday oo loo bixiyey Xaaraame-cune .

Dawladii ingiriisku iyadoo u diyaar garoobaysa sidii ay talaabo uga qaadi lahayd beelaha heshiiska jebiya waxay samaysay Ciidan boolisa oo u gaara wax ka qabashadda shaqaaqooyinka beelaha oo la odhan jirey , Somaliland Field Force  , dadkuna waxay u yaqaaneen ciidanka Field Force , waxaanu ahaa boolis u tababaran sidda Milaterigga .

Sanadkii 1914  , waxaa heshiiskii jebiyay labadda Ardaa ee la kala yidhaahdo , Reer biniin , Ahmed farax Habar jeclo iyo Qaasin , Isaxaaq , Habar yoonis , kuwaasoo beesha qaasin xoolo ka qaaday Beesha makaahiil ee sacad muuse Beesha Reer biniina Ciise muuse , sidii balantu ahayd , beelihii la dhacay waxay u ashtakoodeen dawladii , dawladuna waxay qaaday talaabooyinkan .

1- Waxaa sahan buuxa laggu sameeyey guud ahaan deegankii labadan ardaa yaaleen .

2- markii la sugay sahankii labadan beelood , waxaa beel walba laggu qaaday weerar sadex goosood ah oo ciidankii Field Force ku qaadeen .

3- waxaa gacanta laggu dhaqay guud ahaan wixii adhi iyo geel ay beelahani lahaayeen , waxoogay aad u yar oo baxsaday mooyaane ,

 

4- Markii lagga jaray xoolihii ay horre u qaadeen oo la qoray , baaqigii waxaa lagga dhigay ganaax , sidaas ayaanay ku caydhoobeen biilihii dawladdu dhacday .

Boqol sanno ka dib iyadoo ay nasiib darro wayn tahay in dhacdooyinkii waayadaas taagnaa ay weli arladeena ka taagan yihiin , waxaan soo jeedin lahaa in dawladdu iyadoo tixraacaysa qoraaladdii waagaas dawladii ingiriisku qortay , gaar ahaan , British Somaliland government executive summery in ay samayso ciidan u gaara la dagaalanka shaqaaqooyinka beelaha , beelahana ula dhaqanto sidii dawladii ingiriisku ula dhaqmi jirtay , beel kasta oo heshiiska jebisana talaabo adag oo xanuun badan lagga qaado .