Beelaha codka laga rabbo maxaa la gudboon (WQ: Haldoor Ismaaciil Maxamed Aaden-Dhicir)

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland waxaa ka socda u diyaar garowga doorashdaa la filayo inay dhacdo November 2017, doorasho kastaa waxay leedahay xamaasadeeda hawsheeda qaran iyo dhamaan waxkasta oo ku lamaan ,tanina waa doorashadii abdi soomarta Somaliland ee ugu xamaasada badnayd.  waxaa aad muhiim u ah marka lagalayo doorashadan oo kale in loo galo si maskaxeed xeeldheer oo la dhiso lana wacyi geliyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan si looga gaashaanto dhamaan wixii ka iman karra doorashadaasi.

Haddaba, saamaynta ay yeelanayso bulshadu ayaa waxaa ugu horaysa dhanka codka oo ay dhiibanayaan shacabku.

Sida aan ognahayna waxay bulshadu u qaybsan tahay qayb sharaxan iyo qayb cod laga doonayo marka loo dhigo qaabka qabiiliga ee loo kala ablo-ablaysan yahay.

Wakhti xaadirkan beesha ugu balaadhan ee dadka laga doonayo codka ee bulshada kamida ah ee an yaga dhexdooda ka sharaxnayn waa beesha saamaynta iyo baaxada weyn ee Habar Toljeclo ( Habarjeclo).

Beeshani waxay dagtaa 5 gobol doorasho oo kamid ah 6 da gobol doorasho ee jamhuuriyada somaliland.

Waxaana ay kala yihiin 5 taa gobol doorasho:

Maroodi Jeex

Saaxil

Togdheer

Sanaag  Iyo

Sool

Haddba Bulsho  sidan u balaadhan una baaxad weyn maxaa la gudbnoon.

MIDAYN GUUD

Ugu horayn inay mideeyaan dhamaan bulshada guud kana aayo tashadaan mabaadiidooda qaran iyo qoys ba iyaga oo ka duulaya siyaasada guud ee somaliland kuna salaynaya si bilaa turxaan ah iyaga oo looga baahan yahay wakhtigan inay noqdaan bulsho ka dhex muuqata 3 da xisbi qaranba waayo dhamaantood waa hanti qarran haba lagu kala badnaadee maaha in laysa soo koobo, loona cadhoodo ninka mabdaisu geeyo xisbi kale.

HADAF

Markasta oo la helo hadaf yoolna meesha yimaado waxaa qasab ah in horumarna uu daba yaalo ama uu daba socdo, sidaa oo ay tahay waxaa muhiim ah in la yeesho hadafyo kala duwan layskuna raaco hadafyo aan lagu qasaaroobayn sidookale u qaybsan 3 da xisbi intooda cududa roon si aan codku meel ugu wada dhicin hadhawna aanu ukeenin qasaare baahsan, balse waa in lahays baahiyaa.

HESHIISYO CADAAN AH

Nolosha iyo wakhtiga aan joognaa waa dunidii wax kala qorashada iyo cadaymaha lakala reeban jirray laakiinse maaha wakhtigii dhuuni la dhaafsan lahaa xurmada qofeed iyo qarranba.

Sidoo kale wakhtigani maaha wakhtigii dhuuniga laysugu guul wadayn jirray ee waa wakhti siyaasi ah siyaasaduna sideedana waxay leedahay dan joogta ah uun ee malaha saaxiibtinimo iyo wax wada lahaansho keliya wixii xeer iyo waraaq aad ku qorratay uunbaad ku xisaabtami kartaa.

Waxaan aad ugu boorinayaa cid kasta oo laga rabbo xiligan inay balanqaadka afka ah dhaafaan una bedelaan cadaymo iyo wax tixraacooda la heli karro oo aan lumayn.

AMAANKA OO LA ILAALIYO

Cidkasta oo maanta reer somaliland ah Bulshada ama Xisbiyada waxaa looga fadhiyaa inay si buuxda oo kalsooni leh u sugaan una ilaaliyaan amaanka deegaanada Doorashada iyo guud ahaan dalka oo dhan.

 

……Wabilaahi Tawfiiq……

WQ: Haldoor Ismaaciil Maxamed Aaden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan

Abwaan Dareen Cabirre Ah

Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha

Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan

Kafaalooda Arimaha bulshada

Siyaasada Somalida Iyo Caalamka

Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah

Dhexdhexaad Xeer-beegti ah

Xil Guudna Sidda.

 

Email: Ismail1234921@gmail.com

Mob: +25263 409 48 55