Berbera iyo qudbiga Sh. Yuusuf Maama (WQ: Axmed Ibrahim Cawaale)
Qaabdhismeedkii Berbera, waaxdii dambe ee qarnigii 19aad, iyo weliba Qudbiga Sheekh Yuusuf Maama, ee caanka ah:
Frank Lindsy James, oo ahaa sahamiye Ingiriis ah oo soo maray Berbera 1884kii, isaga oo faahfaahin ka bixinayay Berbera ayaa sidan ku qoray buuggiisa (the Unknown Horn of Africa: An Exploration from Berbera to the Leopold River):
[โฆ.Berbera waxa ay ka kooban tahay laba qaybood, oo fogaan ahaan ย isu jira hilaaddii hal mayl iyo badh. ย Qaybta Shacabku waxa ay ahayd magaalo yar oo casri ah oo Masaaridi dhistay, oo leh dhismeyaal la taagay 12 guโ ka hor; qaybta kale ee magaalada ee ay Soomaalidu degganayd waxa ay ka samaysnayd dhismeyaal qoryo iyo caw ah, iyo aqallo Soomaaliyo aad u tira badan โ kuwaas oo dadka degaanku ay la guuraan marka cimiladu isdooriso ย bilaha Abril iyo May. ย Magaalada qaybta ay Masaaridu dhistay aad ayay u habaysnayd una nadiifsanayd. Dhismeyaasha qaarkood, sida ka uu degi jiray Badhasaabkii maamulkii Masar u fadhiyay Berbera, aad ayuu u qurux badnaa, waxana dhismahaas lagu xidhiidhiyay qabriga sida haybadda leh loo dhisay, ee Shiikh Soomaali ย ah (Shiikh Yuusuf Maama). Waxa kale oo goobta lagu qurxiyay beer laga waraabiyo biyo burqiso (fountain) si farshaxannimo leh loo dhisay. ย Qabriga waxa dhisme ka dul taagay Badhasaabkii hore ee Masaarida. ย Si dhaqaale joogto ah loogu helo dayac-tirkiisa, canshuur ayaa la saaraa awr kasta oo raran oo soo gala magaaladaโฆ}
dhammaad
F.G. Waxa xusid mudan in Masaaridu intii ay joogeen (14 guโ) ay hirgeliyeen nidaam cashuur-ururineed, dakhligii ka soo geli jirnayna qayb ka mid ah wax ay ku dhiseen dhismeyaal iyo kaabeyaal kala duwan sida; noobiyado, marsooyin (dekado), biyogelin, masaajiddo, guryo gaashaaman (blockhouses) oo magaalooyinka laga ilaaliyo, iqk sida cisbitaal, xafiis booseed iyo xabsi. ย Qudbiga Sh. Yuusuf Maama waxa uu ka mid ahaa goobihii ay Masaaridu dayac tireen.
Hal-tebinta qoraalka ku qoran irridda Qudbiga Sh. Yuusuf Maama oo Af Soomaali iyo Af Ingiriisi ahi waa sidan:
“Weynani ha u sugnaato Weynaha Sharafta leh. Waxa dibu-cusboonaysiin lagu sameeyay xilligii dawladdii Khudawi Muxammad Tawfiiq ee Masar (1301 hijri)”
“Allah, His glory is great. Renovated during the Reign of the Khedive Muhammad Tawfiq of Egypt ย (1301 h) ”
Xogtan iyo qaar kale waxa aad ugu tegi doontaa ย buuggayga “Maqaddinkii Xeebaha Berri-Soomaal”
Fadlan na la wadaag wixii aad ka haysaa taariikhda Qudbigaas iyo Sh. Yuusuf Maama?