Bollore iyo Dubai Wold teebaa dan u ah Somaliland? (WQ: Maxamed Cabdi)

Ugu horayn horumar iyo farxad ayay inoo tahay in aynu maalgalin caalami ah u helno dakaddeheena iyo dhammaan khayraadkeena oo idil, Dekedda Berbera waxa ay ka mid tahay meelah muhiimka ah ee aynu in muddo ah u raadinaynay in aynu u helno maalgashi Caalami ah oo u qalma.

In muddo ah waxa jirtay tartan adag oo xaga maalgashiga Dekedda Berbera kaas oo u dhexeeyay labada shirkaddood ee Dubai wold oo Imaaraadka (Emirates) laga leeyahay iyo Bollore oo dalka Faransiiska (France) laga leeyahay, labadan shirkaddood ayaa labadduba ka shaqeeya maalgalinta Dekeddaha iyo shaqooyin kaleba.

Labada dawladdeed ee laga leeyahay labadan shirkadood waxay awood xoogan galiyeen in ay shirkadoodu ku guulaysato maaligalinta Dekadda Berbera. Bishii Koowaad (January) 2014-kii waxay Dawladda Faransiisku u soo dirtay Madaxwayne Siilaanyo martiqaad rasmi ah in uu ku yimaaddo waddanka Faransiiska, markii ay weftiga Madaxwayne Siilaanyo ay ka dageen Paris waxa loo soo dhaweeyay si wanaagsan oo ay ka muuqato in ay dawlada Faransiisku si wayn u danaynayso ku wareejinta dekedda Berbera, marar badan oo danbena waxa magaalada Hargeysa ku soo noqnoqday dibloomaasiyiin Faransiis ah si ay u xoojiyaan ollolaha ay ugu jiraan in ay gacanta ku dhigaan Dekedda Berbera.

Sidoo kale Shirkadda Dubai Wold iyo Dawladda Imaaraadka ayaa iyana dhankooga dadaal xooggan ugu jiray la wareegida dekedda, tiroba dhawr goor ay martiqaad rasmi ah u soo direen Madaxwayne Siilaanyo iyagoo si wayna u soo dhaweeyay waftiga Madaxwaynaha una soo bandhigay rabitaankooda.

Haddaynu u soo noqono waydiinta maqaalkeena ee ah  Bollore iyo Dubai Wold teebaa dan u ah Somaliland?. Sida ay aniga iila muuqato Somaliland waxay dani ugu jirtay Bollore sababahan awgeed:

1) Shirkada Bollore waa shirkad laga leeyay waddanka Faransiiska oo ah waddan Super Power ah, haddii uu xidhiidh dhaqaale ina dhex maro waxuu wax badan ka tari karaa xidhiidhka aynu la leenahay Yurub iyo ololaha ictiraaf raadineed ee aynu ku jirno.

2) Dalka Faransiiska ee laga leeyay shirkadan wuxuu ka mid yahay Midawga Yurub (European Union) oo ah kuwa maalgalinaya mashruuca Berbera Corridor.

3) Dalka Itoobiya oo ah macmiilka ugu wayn ee la rajaynayo in uu Dekedda isticmaasho waxay kalsooni buuxda u muujisay shirkada Bollore, iyadoo shaki ka qabta xidhiidhka Carabnimo ee ka dhexeeya Masar iyo Imaaraadka.

4) Dubai Wold waa Shirkada gacanta ku haysa Dekedda Jabuuti, suurta galna maaha in uu tartan dhex maro Dekedaha Jabuuti iyo Berbera.

5) Diplomacy ahaan way kala qiimo badan yihiin in aynu xidhiidh la yeelano Imaaraadka iyo in aynu xidhiidh la yeelano Faransiiska.

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ee ay tahay in ay xukuumaddeenu inaga qanciso waxay tahay sababta ay Bollore uga door bideen Dubai Wold, sida ku cad qodobadaas shanta ah ee aynu xaga sare ku soo sheegnay waxa  muuqata in qaran ahaan inoo faa’iido badantay Bollore dhan siyaasadeed iyo dhan dhaqaaleba ee waa in sukuumaddeenu inaga qancisaa sababta aynu u kala dooranay Imaaraadka (Emirates) iyo Faransiiska, sababta aynu u kala dooranay Midawga Yurub (European Union) iyo Jaamacadda carabta (Arab League).

Haddaynu nahay shicibka reer Somaliland waxay aynu xukuumaddeena uga fadhinaa in ay inooga jawaabto su’aalahan si aynu ugu qanacno ama ugu diidno.

Waxa Qoray: Maxamed Cabdi

Hargeysa