Sheekadii Tahriibkii iyo tah-lukadii aan galay, Q7aad (WQ: Qareen Khadar Aar)

khristayaal intiinii sheekada qaybaheedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo wiilkii dhallinyarada ahaa uu ku sugan yahay Tiripoli, halkaas oo uu ka shaqaysto.

Akhristayaal intiinii sheekada qaybahedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Wiilkii dhalinyarada ahaa uu ku sugan yahay Wadanka Libiya gaar ahan Magalada Tiripoli halkaasna uu ka shaqaysto .

Isaga oo sheekada halkeedii inooga sii wadaana waa kan:

Asxaabey waxa aan dagan ahay muddo dhawr bilood ah Tripolie, waagii baryaba waxa aan u kalahaa shaqo tag, lacagta aan soo shaqaysto ciyaar igagama baxdo, waayo waxa aan oga ahay lacag la’aani wixii ay isoo marisay. Salaada Illaahay inagu faral yeelayna midkasta wakhtigeeda ayaan tukadaa. Waxa aad mooda in arrimuhu ay isugu kay yar toosan yihiin.

Asxaabey waxa aan qoondaystay in aan Liibiya ka baxo isla markaana aan gallo tahriibka badda, inkasta oo ay tahay bilihii qabawga oo aanay baddu fiicnayn, haddana waxa aan naftayda kula shawray in aan Liibiya ka dhaqaajiyo, si aan u xaqiijiyo hadafkii iyo ujeedadii aan usoo safray.

Waxa aan u tagay nin ka mida Mukhalasiinta dadka laashashka saara, waxaan u sheegay in aan doonayo in aan badda ku safro.runtii ninkaasi oo ah nin aanu Liibiya isku baranay, waxa uu ii sheegay in dhawaan ay diyaarin doon laash ka samaysan cinjir wayn oo la neefeeyo iyo sagxad hoose oo loox ah.

Ninkaasi Mukhalaska ahi waxa kale oo uu igula taliyay in laashkaasi dhawaan la diyaarinaayo aan ka noqdo Nakhuude (wade) isaga oo ii balan qaaday in uu tababar hal maalin ah isiinaayo sidii aan laash kaasi u kaxayn lahaa ugana talaabin lahaa isaga iyo dadka saaranba badwaynta wayn ee u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Waxa kale oo iyana uu iigu bushaareeyey madaama aan laashkaasi anigu Naakhuude ka noqonaayo in aan aniga la iga qaadayn wax lacag ah, balse aniga la-isiin doono lacag kale oo dheeraad ah, madaama dadka laashka raacayaa oo dhan aan anigu masuuliyadooda kaxaynta aan qaadayo.

Waan fahmi karaa arrimaha uu igala hadlayaa dhib iyo dheef waxa ay leeyihin, balse waa aan ka ogolaaday, kadib markii uu hunguri iga galay lacagta dheeraadka ah ee la isiinaayo iyo iyada oo aan wax lacaga aan la iga qaadi doonin safarkayga badda.

Fiiro gaar ah :- Saaxibayaal aniga oo ah ninka qoraalkan ama fariimahan idiin soo gudbinaaya, waxa aan waydiiyay dhibanaha dhallinyarada ah, marka aad ninka Mukhalaska ah aad kula heshiisay in aad adigu laashka kaxayso, adigu waligaa doon ama laash badda ma kaxaysay, balse dabaasha ma taqaanaa?

Waxa uu iigu jawaabay:

“Horta anigu waligay bad kumaan dabaalan, balse tan Liibiya ayaan dabaasha ku bartay, waxa kale oo aad ogaataa mar haddii aad hawada tahriibka aad gasho naftaada iyo nafkale toona dan kama lihid, waxkasta oo maskaxdaada kusoo dhacana horay ayaad ka samaynaysaa.waana sababta keentay in ay Mukhalasiinto ay noqdaan kuwo manaxaano ah.”

Isaga oo sheekadii halkii inooga bilaaba waxa uu yidhi :-

Asxaabey waxaa la i siiyay tababar ku saabsan kaxaynta laashka, waxa la i baray qaabka loo wado iyo sida loo jaheeyo loona ilaaliyo in aanu ka lumin dariiqa badda ee laguu tilmaamay. Waxa kale oo la i baray farsamo iyo hagaajin kooban oo ku saabsan mishiinka laashka lagu xidhaayo, waxaas oo dhami waa koorso hal maalin ah, ha moodin in Jaamacado loo galaayo.

Akhristayaal maalin maalmaha ka mid ah, aniga oo ku jira hawl maalmeedkaygii caadiga ahaa ayaa waxa talafoon ii soo diray nin aanu saaxiib nahay. waxanu ii sheegay in ay si aad ah ii doonayso gabadh ku jirta dhakhtar ku yaala Tiripoli.

Markii shaqadii aan hayay dhameeyay, ayaa waxa aan tagay dhakhtarkii la iigu sheegay, waxa aan ugu tagay iyada oo jiifta gabadhii aanu tahriibka inta badan kusoo wada jiray iskuna soo baranay, markii iigu danbaysayna aan kaga imi xaruntii Magafaha.

Waxa ay ii sheegtay in ay dhakhtarkan ku jirtay muddo hal bil ah, isla markaana ay hadda aad u fiican tahay, waxa kale oo ay ii sheegtay in ay dhakhtarkan keeneen niman wadaado ah oo Liibiyaan ah kadib markii ay kasoo heleen iyada oo ku darxumaysan meel Tiripoli duleedkeeda ah.

Runtii akhristayaal arrinta gabadhaasi waxa ay noqotay mid culays ku noqota dhammaan arrimahaygii iyo qorshayaashaydii aan isku hagaajistay, waxa lagama maarmaan noqotay in aan gabadhaasi markasta aan kaga warhayo dhakhtarka, waxa raganimo ila noqon wayday in gabadhaasi oo dhakhtarka ku jirta aan cidlada haddana kaga tago.

Saaxibayaal markii ay dhakhtarka ku jirtay muddo ku dhaw saddex bilood, isla markaana ay noqotay qof caafimaad qaba, ayaan kasoo saaray dhakhtarka, kadibna waxa aan u geeyay gabdho Soomaaliyeed aniga oo u sheegay in aan masuul buuxa ka ahay wixii dhaqaale dhankeeda looga baahdo.

Madaama aan waddanka Liibiya muddo joogay kuna ilbaxay waxa aan gabadhii u raadiyay meel ay ka shaqayso, waxa aan usoo helay qoys Masaari ah oo ay guriga uga shaqayso, nasiib wanaag waxa ay noqotay gabadh taqaana kuna hadli karta si faseexa luqada Carabiga kuna soo baratay waddanka Yemen, kana gaadhay ilaa heer Jaamacadeed, iyada oo kasoo qalin jabisay Kuliyada Luqada.

Asxaabey kulankii iyo is-aragayagii gabadha waxa uu igu soo kordhiyay in aan safarkaygii tahriibka ee badda aan baajiyo, aniga oo ku sababaynaya in anan gabadhan walaashay ah aanan marnaba cidlo kaga tagin, isla markaana wakhtiga ay doonta ha qaadatee aan mar uun annaga oo wada jir ah aanu laashka tahriibka cagaha wada saarno.

Muddo hal bil ah markii ay gabadhii gurigii aan geeyay ka shaqaynaysay isla markaana ay noqotayna gabadh sii fican ula qabsatay waddankii, ayaa maalin maalmaha ka mid ah, waxa ay fariin iigu soo dirtay falafoonkayga sida tahay, iyada oo iga codsanaysa in aan dhakhso ugu imaado, waxa kale oo fariinta ku qornaa, madaama ay tahay wakhtigii qadada in aanan meel kale ka soo qadaynin balse aan si toosa iyada ugu imaado, halkaas oo ay ii sheegtay in ay casuumad iigu diyaarisay.

Markii aan gurigii ay joogtay aan soo galay waxa ay igu qaabishay farxad iyo soo dhawayn ka badan midii aan hore uga bartay, waxa ay muujisay shacnigii iyo quruxdii ay lahayd, iyada oo aan ka tagayn akhlaaqda Islaamka, kadibna waxa ay soo dhigtay cunto iyo cabitaan aad u layaab badan, naftaydana xusuus badan ku reebtay.

Asxaabey markii aan casuumadii ka faraxashay ayaa waxay guda gashay in ay ii sheegto sababta ay iigu yeedhay, iyada oo aad dareemayso in indhaheeda ilmo ku soo joogsanayso, ayaa waxa ay ka bilawday hadal keekii :-

“Runtii aad ayaan kaga mahad celinayaa wanaagii iyo naxariistii aad ii samaysay intii aan dhibta tahriibka ku silcayay, waxa aad ahayd ninkii kaliya ee ii fidiya gacan naxariisle, waxa aad tahay nin aanan waligay ilaabayn, ma gudi karo abaalka aad ii gashay, waxa ad ii qabatay waxkasta oo aad kari karayso, waxa aad ila wadaagtay dhibta iyo darxumadii aan soo maray, waxa aad gooni ka noqotay rag badan oo Soomaaliyeed oo mid qudha oo ii arxama aan ka waayay.”

Intaasi markii ay i tidhi waxaa is badalay shucuurteedii, waxa dhabanadeeda qooyey ilmadii ka qubanaysay, kadibna iyada oo cod aad u gaaban igula hadlaysa ayaa waxa ay hadalkedii kusoo gaba-gabaysay:

“Waxa aan doonayaa madaama aanan gudi karayn abaalkii aad ii gashay, in aan kuu hibeeyo naftayda, side ayey kula ahay in aynu is guursano?.”

Runtii hadalkaasi u danbeeyay ee gabadhaasi walaashay ah afkeeda kasoo yeedhay waxa uu ila noqday mid aan si dhakhso ah jawaab ugu waayo, waxaa markaliya maskaxdaydii kusoo xaadiray arrimo badan oo iska wada hor-imanaya, kuwaasi oo ay kow ka tahay, wakhtiga iyo waayaha adag ee aanu ku jirno aniga iyo iyaduba.

Arrinta Guurka ee ay walaashay ka dhawaajisay maahan wax la diidi karo sidoo kalana maaha wax si fudud haye loo odhan karo, waxa aanu joogna oo aanu ku sugan nahay cir kaa dheeri dhul kaa dheeri, waxa aniga iyo iyadaba na sugaaya safarkii badda oo aanu u qalab urur sanayno, Alla tahriib jacayl kugu galay dhib badanaa.

Saaxibayaal intii aanu wax haddalii dibnahayga kasoo bixin, ayaa iyada oo garashada iyo caqliga Illaahay siiyay wax ku qiimaynaysa waxa ay igu tidhi:

“Waxba haysku adkayn arrintan aan kusoo bandhigay, waxa aad yeeshaa aniga way iga go’an tahay waana sidaa aan kuugu sheegay, adigana waxa aan ku siinayaa in ilaa barri ee kasoo fikir.”

Markii aan imi gurigii aanu ku jirnay, ayaa sidii nin xanuusanaya waxa aan markiiba jiifsaday furaashkii yaraa ee dhulka ii yaalay, tasoo aan uga jeedo in aanay i mashquulin dhallinyarada aanu guriga wada joognaa, si aan ka fikiro wixii aan ka yeeli lahaa codsigaasi gabadha iiga yimi.

Kadib markii aan falan qeeyay codsigii nanta walaashay, waxa uu igu noqday laf dhuun gashay, way igu adkaatay in si sahlan aan go’aan uga gaadho, dhinac marka aan ka eego, waa gabadh boqol kala bax, sharaf iyo akhlaaq Illaahay u dhameeyay, quruxna daa hadalkeed, balse haddana layskama indha tiri karo duruufta nagu xeeran, kadibna aniga oo an go’aan gaadhin ayaan sidii ku seexday.

Asxaabeey waxa inta badan ii caado ah in marka aan seexanaayo aan talafoonkay iska xidho, balse markii aan aroortii soo toosay ayaa waxa aan furay talafoonkaygii, waxa aan ku arkay fariin qoraal ah oo iga timi gabadhii codsiga jacaylka ii soo gudbisay, fartiinta ay ii soo dirtayna waxa ay u qorayd sidan, iyada oo ku hal-qabsanaysa hees Soomaaliyeed:-

Hadaan anigu go’ayoo cudurkaad i galisay

Intuu halistaa ii galay Aan gabay talabada

Geeri iyo god mooyee Ifka gogolii ii ool.

Waxa sidatan ii galay Garaad xumme jacaylka

Heeryo igu ganbiyayoo Goobtaa i joojee.

Gu’i-waaye haydhigin Gagi laga hayaamee

Kaalay gacanta iga qaabo .

Runtii markii aan erayadaasi damqashada leh akhriyay waxa kacay shucuurkaygii iyo dareen kaygii, jawaabta kaliya ee aan bixin karana waxa ay tahay, in aan shuruud la’aan aqbalo codsigii gabadhaasi, iyada oo aanan wax shuruuda ku xidhnayn waxaanan ugu jawaabay:-

Sida haro gingimanoo Biyo galac kaleeyihiin

Geestana doogiyoo Ubaxii isgadheen

Laga guurin waligeed Waxa tahay gadeedii.

Sida galab cadceedoo Fadka lagu ganbiyay

Gabban maayo aniguye Waan is-guursanaynaa

Adna gacaladayday Aynu guri yagleelne geestada ila-qabo.

Markii aan fariimahaasi aanu iswaydaarsanay kadib waxa aanu qabsanay balan aanu ku gor-faynayno hawlaha iyo caqabadaha faraha badan ee na horyaala sidii aanu isula eegi lahayn, haddaba markii aanu isu nimi aniga ayaa waxa aan waydiiyay hal su’aal oo igu mudnayd taasi oo ahayd:

“Waxa aan ogaa in aad tahriibka soo gashay adiga oo uur lagugu soo qalay sida aad ii sheegtay, ma ii sheegi kartaa xaaladaha uu ku yimi uurkaasi?.”

Kadibna waxa ay iiga sheekaysay qisadan xanuunka leh, iyada oo ku bilawday:

“Anigu waxa aan ahay gabadh si fiican wax usoo baratay, waxa aan ka qalin jabiyay Jaamacadaha waddanka Yemen mid ka mida, kadibna markii aan waddanka kusoo noqday, ayaa waalid-kay waxa ay i siiyeen nin aanu Ilmaabti nahay, inkastoo aan in badan diiday haddana markii danbe aniga oo ixtiraamaya talada waalidkay waa aan iska ogolaaday.”

Iyadoo hadalkeedii sii wadatana waxay tidhi:

“Nasiib darro Ninkii isaga ahaa waa aanu heshiin waynay, waxaanu igu noqday nin dhib mooyaane aanan markaliya dheef kala kulmin, waxa uu noqday Nin hankaygii iyo aqoontii aan soo bartay oo dhan iga hami jabiyay, waxa uu iga dheereeyay naxariis oo dhan, waxa uu in nacsiiyay nolosha guurka, waxa uu mugdi galiyay farxadii iyo noloshii cusbayd ee ii iftiimaysay.”

Waxa kale oo ay intaa ku dartay:

“Waalidka labada dhinacba waxa ay in badan ku tala’galeen in mushkiladayada xal u helaan, balse dhinaciisa ayaa waxba ka hagaagi waayeen, waxa uu igu noqday xadhig lama sitaan, waxa uu diiday in uu si fiican oo Islaanimo ku jirto iila dhaqmo ama ii siidaayo oo warqadayda ii siiyo.”

Iyadoo sheekadii sii wadana waxay tidhi:

“Markii arimahasi foosha xumu ay ilasoo kulmeen, waxa aan go’aansaday in aan tahriib miciin moodo, waxa aan habeen madaw kasoo guureeyay aniga oo aan cidna u sheegin gurigii aan daganaa, waxaaan safar ku imi Adis-ababa. Madaama aan uurlahaa, waxaa maalin maalmaha ka mida igu soo booday Nabar anan filayn, kadibna dad aanu asxaab nahay ayaa waxa ay iila carareen dhakhtarka, kaasi oo ii sheegay in ilmahii calooshayda ku jiray uu yahay mid bakhti ah una baahan in lagaa soo saaro, kadibna waa la i qalay waana la iga soo saaray.”

Waxay sheekadii ku soo gabagabeysay:

“Markii aan dhakhtarka kasoo baxay ayaa waxa aan la xidhiidhay Magafahii (ninkii) aan uurkan u lahaa waxanan u sheegay in Ilmihii calooshayda ku jiray uu dhintay, waxa kale oo aan ka dalbaday in uu si walaaltinimo Warqadaydii furiinka iigu soo diro, ina soo furo, Illaahay mahadii waa uu yeelay, haddana waxa aan ku hayaa warqadii furiinka oo sharciyaysan.”

Akhristaw waxa aad moodaa in sheekadii ay isu badashay jacayl balse haddana dhibta soo socota waa mid laga Acuudu bilaysto!!

la soco qaybta 8 aad.

Qofkasta oo sheekadan qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconayaa barahayga hoos ku qoran:-

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar