Siyaabaha loola dhaqmo carruurta madaxa adag (WQ: Cabdi Caawiye)

Bismillaahial Raxmaani Raxiim, Alle ayaa mahadi iyo maamuus dhammaanteed iskalle sharaf iyo wanaagna Nabi Maxamed SCWS ayaa iskalle intaa kadib.

Canaadka iyo madax adaygu maaha wax ilmuhu ku dhasho, sida ay hooyooyinka qaarkood u qaataan, laakiin isbedel nafsiyadeed ee ilmaha lagu arko, kadib dhaqamo khaldan oo barbaarineed ee lagula kacay ilmaha.

Ilmaha madax adayga lagu arko waa kuwa caqliga badan isla markaasna leh shakhsiyada fiican.

Sababaha keena madax adayga:

  • Wuxuu rabaa ilmuhu inuu sugo shakhsiyadiisa, wuxuuna bixinayaa amaradiisa.
  • Waalidka oo soo dhexgala waxkasta oo nolosha ilmaha khuseeya, oo aan siin xoriyadiisa hoose.
  • In lala dhaqmo ilmaha habdhaqan qallafsan, iyo amar siin badan.
  • In uu ku dayanayo waalidkiis, oo laftoodu amaro adag bixiya, isaguna wuxuu rabaa inuu iyaga matalo.

Waxyaalaha keena waxa  ka mid ah in ilmaha xoriyada loo diido, oo la xidho ama aad loo ciqaabo isagoo yar, ama in uu dareemo in la dulmiyey oo la dhibaateeyey iyo in aan la dareensiin jacayl iyo xanaano, marka intii mashaakil nafsi ah ku dhici lahaayeen, ayuu sidaan noqdaa.

Waxyaalaha lagu arko:

  • Kaftan la’aan joogto ah
  • Muran iyo hor istaag dadka waaweyn
  • Amardiido joogto ah
  • Wax kasta oo dadka waaweyn dhiba ayuu samaynayaa
  • Ma ilaawayo waxa lagu sameeyo oo dhib ah
  • Aargoosi jacayl, ma ku cafinayo
  • Jacaylkiisa oo aad u hooseeya

Waa in waalidku ogaadaan in isbedelkan yahay mid dhinacna ka fiican, dhinacna dhibkiisa leh, markaa waa in aad ku sabirtaan, oo aad ka joojisaan dagaalka iyo rabshada.

 

Ilmaha canaadka iyo madaxa adag, waxay waalidka faa’iido u tahay xilliga uu gaadho kureynimada ma raaco saaxiibo noocay doonaan ha noqdeene, wuxuuna caan ku yahay intuu nool yahay in uusan saaxiibadu saamayn, waa nooc dadka lagu arko.

Waxaan soo jeedinayaa in qaabkaan lagula dhaqmo:-

  • Marna waa inaan arintaan la sheegsheegin, oo aan la dareensiin, sidaas ayuu noqday, hadii uu sameeyo amar diido, waa in la iska jaahil siiyo, oo inaan wax dhicin laga soo qaado.
  • In si fiican oo degan loola doodo, oo waxa aad rabto inaad ku riixdo inuu isagu go’aankaas gaaro, oo la siiyo wax uu kala dooran karo.
  • Amarka oo dhan waa in laga daayo, waxay keentaa madax adayg badan.
  • Qeylada halaga daayo iyo wax kasta oo kulayl ah
  • Haddii uu isbedel yar ku aragtaan, abaalmarin siiya.
  • Kula dhaqma hab degan oo aan toos ahayn, (flexible)
  • In wax lagu mashquuliyo, oo loo daaro nashiidooyin
  • In la amaano marka uu san madax adayg samayn.
  • Hurdada waa in la siiyo cuntooyin protein leh, sida hilib jilicsan, ukun, iyo caano.
  • In la dareensiiyo nabad iyo wada shaqeyn.
  • In lagu daweeyo ciyaaro oo uu ka helo, sida dhuumaalaysi, alaabaha lagu ciyaaro, iyo in qof weyn uu la ciyaaro, hadii uu jecel yahay kaligiis inuu ciyaarana waa in la siiyo fursad.
  • marka aad ku aragto inuu galay madax adayg, waa inaan soo dunto, oo laabta ku qabato.
  • Dareensii jacayl aan shuruud ku xirnayn.
  • ciyaar badan geli, ama ha la kaxeeyo, ilaa uu ka daalo, ama uu gaajoodo, cunto fiicana ha la siiyo, kadibna wuu seexanayaa.
  • Ware yso oo dhagayso, oo dareensii muhiimadi siin badan, koolkooli.

Waxa muhiim ah in aadan garaacin, ciqaab iyo hanjabaad waa ka reeban tahay, waxa  xataa dhici karta in uu xanuunsan yahay, waa in la hubiyaa Caafimaadkiisa guud.

Qalinkii Cabdi Cawiye