War degdeg ah: Dubai World iyo Somaliland oo kala saxeexday heshiishka Dekedda Berbera

 

War-saxaafadeed goor dambe oo xalay ah ka soo baxay madaxtooyada Somaliland uuna ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Cilmi Faahiye “Shamax” ayaa lagu sheegay in Madaxweyne-xigeenka Imaaraadka Carabta, ahna Ra’iisal-Wasaaraha dalkaas iyo Xaakimka Imaaradda Dubai Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum uu qaabilay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waa hoggaamiyihii ugu sarreeyey ee qaabila madaxweyne Siilaanyo safarro dhawr ah oo uu dalkaas ku tagay. Munaasibad uu goob-joog ka yahay waxa lagu saxeexay heshiis gorgortankiisu muddo dheer qaatay kaas oo dhabaha u xaadhaya in shirkada Dubai World ay la wareegto maamulka iyo horumarinta Dekedda Berbera. Heshiiska dhinaca Somaliland waxa u saxeexay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire.

War-saxaafadeedka madaxtooyada oo dhammaystirani waxa uu u dhigan yahay sidan:

Madaxweyne ku xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ahna Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, isla markaana ah xaakimka Imaaradda Dubai, Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum ayaa maanta qaabiley Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane.  Axmed Maxamed  Silaanyo qasrigiisa.

Madaxweynaha oo la dejiyey hotelka Al-qasar, ee ku yaalla madiinatu Jubayra ee Dubai ayaa wuxuu gudoonsiiyey madaxweynuhu Ra’iisal wasaaradaha Dalkaasi hadyad ah, astaanta qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo UAE3 Madaxweyne siilaanyo UAE2

Weftiga uu horkacayo madaxweynuhu ee ku sugan Dubai ayaa heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexday masuuliyiinta shirkada Dubai World oo ah shirkadda u qaabilsan Isu-tagga Imaaraadka dhinaca dekedaha, gaar ahaan waxa heshiiskaasi saxeexay gudoomiyaha shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ka wakiil ah dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo dhinaca Somaliland oo uu u saxeexay Wasiirka Arrimaha dibeda Dr. Sacad Cali Shire.

Ujeedada heshiiskan ayaa ah dhismaha, dayactirka iyo ballaadhinta dekeda caalamiga ah ee Berbera. Waxa kale oo heshiiska la kala saxeexday ka mida dhismaha waddada loo yaqaan Berbera Corridor oo ah waddada ganacsi ee isku xidhidhaysa Berbera iyo Itoobiya.

Waxa kale oo ka mid ah heshiiskaa horumarin lagu samayn doono dhinaca beeraha, tamarta, Korontada, dalxiiska, mid ka mid ah Hoteelada casriga ah ee loo yaqaano (Five Star Hotel) oo laga hirgelindoono Magaalada Berbera iyo guud ahaanba tababarada shaqaalaha iyo horumarintooda oo looga golleeyahay in lagu gaadho maamul wanaag.

Heshiiskan ayaa noqon doona, iyadoo lagu rajo weyn yahay in uu degdeg u fulo, mid faa’iido balaadhan u leh dalka iyo dadka Somaliland gaar ahaan iyo gobolka ay ku taallo Somaliland guud ahaanba.

Weftigii wasiirada iyo maareeyaha dekeda ka kobnaa ee ka horeeyey madaxweynaha, kuna sugnaa Dubai ayaa iyagu dalka ku soo laaban doona maalinta berrito ah, iyagoo faah-faahina ka bixindoona  nuxurka heshiiskaasi iyo midhaha ka dhashay hawlgalkaa xukuumada ee ku aaddan xidhiidhka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo UAE5

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.