Koonfurta Suudaan: 19 carruur ah oo Itoobiyaan ah oo la soo daayay

19 carruur ah oo laga afduubay guddaha Itoobiya bishii hore, kadibna lala galay dalka Koonfurta Suudaan ayaa la soo daayay.

Carruurtan ayaa waxa  afduubay kooxaha dagaalyahano ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Murle, kuwaas oo la galay guddaha Koonfurta Suudaan markaas oo ay ciidamada milateriga Itoobiya oo raad-goobaya carruurtani ay guddaha waddankaasi.

Kooxdan ayaa Waxay dileen in kabadan labo boqol oo ruux waxayna afduubteen in kabadan boqol caruur ah.

Dawladda Koonfurta Suudaan ayaa waxa wadahadalo la gashay odayaasha deegaankan carruurta lagu haystay  si loo soo daayo carruurtan, kuwaas oo lagu guulaystay in la soo daayo 19 carruur ah kuwaas oo haatan lagu celiyey Itoobiya.

Dawladda Koonfurta Suudaan ayaa waxay dadaalo badan u gashay sidii ay u caawin lahayd ciidamada dawladda Itoobiya iyo soo daynta carruurtan.

bandhige@gmail.com