Laascaanood: dablay weerartay guriga Guddoomiyaha iyo mudaharaad lagaga soo horjeedo sicir-barara oo ka dhacay

Mudaaharaad looga cabanayay sicir-barar magaalada ka jira iyo ganacsato diiday 500 ee Shilin Soomaaliga ah, ayaa maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyadoo xalayna la weeraray guriga Guddoomiyaha Gobolka Sool, Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”.

Dibadbaxan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ganasatada Magaaladda qaarkood, ayaa xayiray inta badan suuqyada magaalada. Sidoo kale, Waddooyinka magaalada Laascaanood ayaa lagu arkayay maanta dad u socda koox-koox  oo ku qaylinaya hadallo ay ku dhaliilayaan ganacsatada waa-weyn ee diiday lacagta 500 ee shilling Somaalig ah.

Haweenay cadhaysan oo ka mid ahay dadkii dibadbaxa dhigayey ayaa waxay tidhi:

Waxaa Mas’uuliyada sicir-bararkan iska leh maamulka, iyadoo kaantaroollada ay joogaan ay soo maraan lacagaha la sheego inay sicir-bararka keenaan.”

Banaan-baxayaasha oo kusoo ururay xarunta Dawlada Hoose ee Laascaanood, ayaa waxa si weyn dusha ugala socday ciidanka booliska oo cabsi ka qabay in uu mudaaharaadku isku beddelo mid rabshado wata.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool, Cabdirashiid Dalmar oo ka hadlay ayaa sheegay in uu sicir-baraka taagan sababay lacag Gobolka kasoo gala dhinaca deegaannada Puntland.

Dhinaca kale, weerar ayaa habeenimadii xalay ahayd waxay kooxo aan la garanaynin ku qaadeen guriga Guddoomiyaha Gobolka Sool, iyadoo Cabdirashiid Dalmar uu sheegay in ay wadaan baadhitaanno la xiriira weerarkaas.

Weerarkan, ayuu Guddoomiye-ku-xigeenku sheegay in ay soo qaadeen 12 ruux, mana jiro wax khasaare ah oo ka dhashay, dhanka kalena illaa hadana cid sheegatay in ay mas’uul ka tahay ma jirto.

Ugu dambeyntii, Laascaanood ee Gobolka Sool oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnayd xaalad deggenaasho iyo amni.

Halkan hoose ka daawo muqaalka warkan weerarka guriga Guddoomiyaha:

bandhige@gmail.com