Cajiib baad u go’aysaa.
Saw maanta gaadhigii la igama qabsan. Qolada maaliyadda ee Waaxda Kastamada ayaa iga xareysay aniga oo agmaraya. Waa dhinaca koonfureed ee beerta Xorriyadda. Gaadhiga qoladii maaliyadda ee qabsatay baanu isku afgaranay inaan cashuuro gaadhigana la baxo. Haye iyo hawraarsan baanu is nidhi.
Cajiibka dhacay baa ahaa, markii gaadhiga aan albaabka laga baxayo marinayo in ay koox igu soo kacdo, iyaga oo sita warqad yar oo juwan ah. Laye: “Juwankanna waad bixinaysaa Xaaji oo waa intaad baakinka (Barking) taanayd.” Yaabay! “Waar muxuu ahaa baarkinku, ilayn waa la isoo leexiyaye? Midda kale sharcigan dhigaya in lacagtan laga qaado gawaadhida la soo xareeyo, ee waaxdan kastamada ka baxsani muxuu ahaa?” Waa dhawr nin oo midna aanu mid hadalka ka sugayn, mid walba wuxu rabaa inuu kugu qanciyo qasab iyo jujuub. Markaan intaas waydiiyey baa ay igu yidhaahdeen, “Waa sharci waxaanu kugula hadlaynaa ee iska bixi wuxu waxba maahee.” Waan yaabay oo waxaan ku idhi, “Xeerka iyo qodobka igu waajibinaya ma ii sheegi kartaan?” Intay mid u yeedheen baa ay i yidhaahdeen, “Waa kan agaasimuhu ee isagaa kuu sheegi.” Isagoo afka taagaya oo si isla weyni ah u soo tallaabsanaya ayuu i yidhi, “Muxuu leeyahay ma lacagta baarkinkuu diiddan yahay? Iska bixi waa qasab oo la iskama baryayee.” Intaan xanaaqay baan idhi, “Bixin maayo waanan baxayaa, qasabna la iskuma haysto waddanka.” Hadal dheer iyo yooyootan aan garawsho lahayn ka dib, waxa ay innamadii lacagta i waydiinayey ii sheegeen inay saaka ku waabaristeen kolkay shaqada soo galeen, qaada juwankan oo dadka u jara!! Balse ay walle iyo bille ka tahay wax faahfaahin sharci ama qodob ah oo uu juwankani ku soo baxay. Iyaba waa yaab!!
Waxyaabaha la yaabka leh baa ah in cashuur aan la jidayn, ganaax aan shir iyo sharci ku soo bixin ummadda hadba dusha lagaga soo tuuro. Dawladda hoosena waa mid iminka beryahan danbe aan caqliyad suubban iyo fikir macquul ah waxba ku salayn.
Cashuurta iyo qanaaxuba baahi ayay ku yimaaddaan. Maaha wax qofkii doona iyo ciddii doontaa ay iska jidayso ama soo rogto. Haddii baarkin lacag laga qaadayo waxa xeerarku ay dhigayaan (Mid aynu leenahay ma arag e) in la ganaaxo, qofka meel waddo ah, kadin xarun laga galo, meelaha lugta loogu talogalay iyo meheradaha hortooda iska dhigta ama kaga taga. Balse meel lagugu leexiyay oo lagugu qasbay maaha in haddana lacag lagaa waydiiyo. Taasi dhibba maaha, halkii gaadhi waxa u xisaabsan in loo jaro juwan 3000 shilling ah, haddana aniga waxa la ii jaray 6000 shilling oo aan jid iyo daw toona la ii marin. Iyaba waa ammuur kale.
Markaan ka soo baxay baan iskay waydiimahan isu waydiiyey:
1. Juwankani ma sharci baa, waayo maleh wax shaambad ah, wax saxeex ama wax muujinaya inuu xarunta Dawladda Hoose Hargeysa ka soo baxay!!
2. Billee, (Malaha badhkii waa xaaraane) ay raggani yihiin mooryaan iyaguba warqado iska daabacday? Oo sawtan ay wada shaqaynayaan waaxdii cashuuraha berrriga!!
3. Midda kale, ninku intuu qorqorayay juwanka, xataa bisha uu ku qorayay ma ahayn mid saxsane, taloow ma wax iyaga uun ku kooban baa oo ay ku quudraadsanayaan?
4. Dawladda Hoose Hargeysa ma ogtahay arrinkan? Oo haddaanay ogayn maxaa keenay inay igu yidhaahdaan orod oo Xoghaye Juxa ii sharrax dheh juwankana ula tag?!
Haddii arrimuhu sidan ku socdaan, qaranka xafiis kastaa isagaa iskii u jidaysan shuruuc iyo xeer wuxu u baahdo. Xatooyadu waa xoolo aan la ogayne, badheedhka aan xeerka lahayn baan diiday.
Maxaynu ka yeelnaa?
W.Q. Cabdicasiis Ibraahin Ciise “Daacad”