Khubarada dhaqaalaha adduunka oo keenaya daliillo macquul ah waxa ay dirayaan digniinno baaxad leh oo ah sannadka 2020ka in ay iman doonto dhaqaale burbur baahsan. Iyada oo aan hore loo maqal saamayta taban ee uu ganacsigu keligii ku keenayo dhaqaalaha oo xumaada, haddana waxa hadda la saadaalinayaa in ganacsigu saamayn weyn ku yeelan doono burburka dhaqaale ee soo fool leh.
Waxyaallaha sababi doona dhaqaale burburkaas waxa ka mid ah: Dagaalka dhaqaale ee uu Madaxweyne Trump ku qaaday waddamo dhowr ah, isaga oo cashuuro dheerri ah ku kordhiyay. Hubaal la’aanta ka bixitaanka Biritan ee Midowga Yurub. Khilaafaadka ganacsiga caalamiga ah. Dheellitir la’aan maaliyadeed. Daymaha dulsaarka wata ee ciidda ka batay ee lagu leeyahay macaamiisha iyo isticmaalkooda faraha badan ee kharashaadka oo ay maaro u la’ yihiin.
Dhaqaalaha reer Galbeedku waa dhaqaalaha adduunka, isbeddelladooda dhaqaale saamayn ayey ku yeelanaysaa adduunka. Qarnigii tagay soddomeeyadiisii waxa dunida ka dhacay burbur dhaqaale kii ugu weynaa ee soo mara oo loogu magacdaray Busaaraddii Weynayd—The Great Depression. Kaas oo cidhibtiray warshadlaydii, bangiyo badanna albaabada isugu laabay.
2008dii waxa isna dunida ka dhacay burbur dhaqaale. Neoliberalism-ka aragtidiisii ahayd in aan dawladdu faragelin suuqa ayaa keentay in bangiyadii waaweynaa daymo u xambaariyaan shicibka; mid dayntaa soo celinkara iyo mid aan qaadi karayn. Lacagaha ay baananku ku shaqaysanayeenna waxa ay ahayd lacag bulshadu dhigatay. Dadyowgii lacagaha la daymiyey kolkii ay soo celinkari waayeen bangiyadii ayaa albaabbada la isugu dhuftay.
Maanta waxa aqoonyahanka dhaqaaluhu saadaalinayaan mushkilad dhaqaale oo hor leh. Haddii loo eego burburkii dhaqaale ee dhacay 2008, waxa ay xeeldheerayaashani leeyihiin mushkiladdan ayaa ka darnaan doonta.
Jariiradda reer Ingiriis ee The Independent dhawaan dwaxa ay sheegtay,”In xiisadda dhaqaale ee soo socotaa waxay adduunka ku dhufan doontaa sannadka 2020.”
Jariiradda kale ee caanka ee reer Maraykan ee Forbes ayaa iyana tibaaxday, “2020ka waxa dhici doonaa taariikhda Maraykanka khalkhalkii ugu xumaa oo ay sabab u tahay daynta adduunku.”
James Beeland Rogers waa ganacsade Maraykan ah, aasaasaha ‘Quantum Fund’ iyo maareeyaha Soros. Jim Rogers waxa uu saadaliyey 2020 in uu noqon doono burburkii dhaqaale ee ugu xumaa ee uu u soo joogo noloshiisa.
Walaaca Maraynkanka
Dhaqaalaha adduunka, $20 Trilion oo u dhiganta 25% Maraykan ayaa gacanta ku haya, daynta lagu leeyahay ayaa se ka badan dhaqaalaha uu gacanta ku hayo oo ah $21.6 oo u dhiganta 107% oo ah waxsoosaarka maxalliga ah ee Maraykan.
Masiibadan dhaqaale xumo ee adduunka ku soo fool leh ayaa la mala’awaalayaa in ay ka xoog badnaan doonto tii dhacday 2008kii. Maraykanka ayaana la saadaalinayaa in ay ka bilaabmi doonto. Waddamada reer Galbeedka ayey saadaashu sheegaysa in ay qarka u saarnaan doonaan in ay kacaan. Haddii aad maqli jiray bangi iyo shirkad kacday waxa ay xeeldheerayaashaasii leeyihiin dawlado ayaa kici doonaa.
Fed-sida oo kale loo yaqaan Federal Reserve, guddoomiyaheeda Jerome Powell, waxa uu ka walwalqabaa saadaasha walaaca leh 2020ka sida dunidu noqon doonto gaar ahaan Maraykan caafimaadkiisa dhaqaale.
Ray Dalio, aasaasaha shirkadda Water Associates, waxa uu sheegay in Maraykanku ku socdo waddadii uu ku lumin lahaa meeqaamka uu taagan yahay. Wuxuu toos u carrabaabay in uu luminayo kaydka lacagta adduunka. Waxa taas la qaba Larry Fink madaxa shirkadda BlackRock.
Saraakiisha kaydka Federaalka Maraykan kulankoodii ugu dambeeyey Octoobar 2019, waxa ay muujyeen welwel joogto ah oo ku saabsan in halista ugu darani ay ahaato gudaha Maraykanka. Qiimaynta shirkaasi wuxu ahaa horumarka dhaqaale ee shisheeye in ay yihiin kuwo curyaaminaya koboca dhaqaalaha Maraykan. Waxa kale oo ka soo baxay kulankaas maalgashiga iyo waxsoosaarka 2019 in u hoos-u-dhacweyn ka muuqdo dhaqaalaha Maraykanka.
Duufaannada dhaqaale burbur ee Maraykanka
Aragti caafimaadqabta maaha in la yidhaa 2.5% GDP ayuu kobcay dhaqaalaha Maraykan 2019. Sidaa oo kale, maaha tilmaan soo kabasho dhaqaale muujinaysa. Sicir-bararka Maraykan ayaa la filayaa in uu sii kordho, sababta la la xidhiidhinayaana waa shaqo la’aanta baahsan. Federal Reserve waxa lagu qasbay in ay kor u qaadaan saamiyada dulsaarka doollarka Maraykanka, taas oo sii adkayn doonta xaaladda.
Isbeddelka Maraykanka ee daynta dadweyne waa midda ugu badan ee warbixinuhu ka hadlayaan wakhtigan. Saamiga adeegga daynta dulsaarka ee GDP waxa uu ku dhow yahay 10% Maraykanka, wuxuuna aad uga sarreeyaa saamiga dalalka adduunka. Saadaashu waxay muujinaysaa in dulsaarku gaadhi doono 20%.
Werwerku waa in 40% daynta dadweynaha Maraykan lagu leeyahay iska leeyihiin maalgashadayaal shisheeye. Werwerka kaa ka sii weyna waa in Shiinuhu yahay ka daynta ugu badan ku leh.
Mac’hadka McKinsey, dhibta oo idil wuxuu u aanaynayaa daymaha qoysaska ee bangiyadu bixiyaan in uu yahay ka dhabarjabinaya dhaqaalaha Maraykan. McKinsey wuxu sidoo kale werwer ka qabaa shirkadaha waxsoosaarku in 40% ay halis ugu jiraan xaalad aan caadi ahayn. Sicirka dulsaarka ee kor u kacay waxa uu ruxay suuqa dhaqaalaha adduunka, waana mid ka mid ah waxyaallaha waaweyn ee dhaqaalaha xumaynaya. Tobankii sannadood ee la soo dhaafay wadarta daynta qoysku BIS waxa ay korodhay 25%. Daynta guryaha Maraykan waxa ay korodhay ugu yaraan 5%, halka dalalka horumarsan lagu qiyaasayo 1.1%.
Professor Nouriel Roubini waxa uu ka mid ahaa dhaqaalayahanno dhowr ah oo sameeyey sannadkii 2005tii saadaalin ku saabsanayd burburkii guryaha Maraykan, waxyaallaha uu ka digayey waxa ka mid ahayd in qiimaha guryuhu ay fuushan yihiin mowjad sabbaynaysa oo dhakhso u baabiinaysa dhaqaalaha Maraykan.
Roubini iyo Rosa 2018kii waxa ay saadaaliyeen in 2020ka uu bilaabmi doono xiisad dhaqaale oo sababi doona hoos-u-dhac dunida wada gaadha. Waxa ay u aaneeyeen soo noqod la’aanta daynta maqan iyo dulsaarka dheeriga ah.
McKinsey Globan waxa uu leeyahay, “Maraykanka 40% dadka waaweyn waxa ay la halgamayaan inay bixiyaan kharashaadka lama filaanka ah. Rubuc-meelood ka mid ah dadka waaweyn ee aan diiwaangashanayn ma helaan lacagta hawlgabka. Dhibkaas oo dhami wuxuu sababayaa soo degdegga burbur dhaqaale.”
JP Morgan Chase, bangiga ugu weyn Maraykan saadaashiisu waa in 2020 in uu bilow u yahay qalalaase dhaqaale iyo hoos-u-dhac Maraykanka iyo adduunka ah. Saadaasha JP Morgan waxa ay leedahay, “20% hoos-u-dhac ku yimaadda qiimaha saamiyada Maraynka iyo 14% hoos-u-dhaca lacagaha doollarka Maraykan ayaa sababi doona bilowga qalalaasaha Maraykan oo adduunkuna la dhadhamin doono.”
Koboca dhaqaale ee Shiinaha Iyo Caqabadaha Maraykanka
Shiinaha dhaqaalihiisu wuxuu u dhigmaa kala badh dhaqaalaha Maraykan, haddana marka la eego kartidiisa iibku (PPP) wuxu ka dhigayaa dhaqaalaha adduunka ugu weyn. Nepoleon waxa laga hayey; adduunka waa loo yaabaa kolka Shiinuhu madaxa la soo kaco.
Shirkadda cilmibaadhista Rhodium Group waxa ay sheegtay March, 2019, in maalgashiga tooska ah ee Shiinuhu uu ku leeyahay Maraykanka uu yahay $46 Bilyan. Beijing waxa ay u sheegtay maalgashadayaasha Shiinaha ee Maraykan in yareeyeen heerka daynta, iyaga oo ka werwer qaba soo noqodka dayntaa. Rhodium Group waxa kale oo ay leeyihiin Koongareeska Maraykan ayaa isna werwer ka muujiyey saamaynta maalgashi ee shirkadaha Shiinaha.
Madaxweyne Trump, May, 2019kii wuxu ku soo rogay cashuuro dheraad ah alaabaha ka imanaya Shiinaha oo u dhexeeya 10% ilaa 25%. Khubaro badan ayaa arrintaas walaac ka muujiyey iyaga oo ku sababeeyey in GDP-ga Maraykan hoos-u-dhigi doonto oo lacago cashuur ahaa meesha ka bixi doonaan. Midda werwerka leh ayey ku tilmaameen haddii Shiinuhu go’aansado in uu joojiyo alaabaha uu Maraykan u dhoofiyo sida ay noqon doonaan sayladaha iibka ee Maraykan.
madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, waxa uu maraykanka ugu gooddiyey in iskaashigu u adeegi doono labadooda dhinac, khilaafkuna uu waxyeeli doono danaha labadooda dhinac ee aan dal gooni ah dhibtu kaligii qabsan doonin.
Ururka Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization) ayey soo gaadhay 21 October, 2019 cabasho ka timid Shiinaha oo ku aaddan ganax lacageed oo ay ka dalbanayaan Maraykanka. Xaddiga lacagta ayaa ahayd $2.4 Bilyan. DSP-hay’adda xallinta khilafaadka ayaa kiiskaas dib u eegis ku samaynaysa.
Briexit iyo Saamaynta dhaqaalaha Maraykan
Waxaa aad looga dayriyey saamaynta ka bixidda Ingiriisku ku yeelan doonto dhaqaalaha waddamada ku midoobay Yurub iyo ka caalamka kaleba. Cilmi baadhis kasta oo la sameeyey ilaa hadda waxay sadaalinaysaa in uu hoos-u-dhac wayni ku iman doona dhaqaalaha Ingiriiska.
Xafiiska Wakiilka Ganagcisga Maraynka ayaa sheegay in 2018 qiimaha alaabta uu Maraykan u dhoofiyay Biritan ay tahay $141 bilyan, halka uu Biritan ka soo dhoofsaday $121 bilyan.Taas oo ah in $20 bilyan oo dheeri ah uu faa’ido ka helo Maraynkan u dhoofinta Biritan.
Celcelis ahaan xidhiidhka dhaqaale ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Midowga Yurub waxaa uu soo geliyaa lacag dhan £520 billion sanadkii waddanka Ingiriiska. Haddii cashuur sare lagu soo rogo alaabaha u dhex gooshaaysa suuqyada Yurub iyo Ingiriiska, waxa ay keenaysaa in waxsoosaarka Igiriisku noqdo qaali marka uu gaadho suuqyadda Yurub, taas oo keenaysa in la goyn kari waayo oo la iibsan waayo.
Dhanka kale, Maraykanku cadowgiisaa koowaad waxa uu u arkaa Shiinaha. Arrinta murugada ku haysa Maraykan ayaa ah in Ruushka iyo Shiinuhu jaanta iskula heleen sidii ay Maraykan awoodda hubka, dhaqaalaha iyo Tiknoolajiyadda ugala wareegi lahayeen. Tusaale ahaan; Ruushka waxa aad moodda in Shiinuhu faraha uga qaaday samaynta hub casri ah, halka Shiinuhu uu tafaxaytay curinta Tiknoolajiyadda iyo waxsoosarka.
Maraykan wuu ku kaliyeystay dagaalka qabow. Xeeldheerayaashu waxa ay leeyihiin ka bixitaanka Ingiriisku Yurub ka baxayo Maraykanka waxa ay u noqonaysaa fursad, Sababta oo ah iska caabbintooda wuxu u helaya cid kula bahowda, waxa kale oo ay leeyihiin Ingiriisku waa cidda qudha ee Maraykan uu ku aamini karo khayraadka adduunka.
Saamaynta guud ee dhaqaalaha adduunka
$80 Trilion ayaa lagu qiyaasaa waxsoosaarka adduunka maanta, haddii la barbar dhigo daynta guud ee adduunka lagu leeyahayna waa $300 Trilion. Marna maaha arrin caafimaad dhaqaale ka muuqdo oo waa adduun gebigiisuba rahman.
Xiisadda dhaqaale xumo ee soo socota waxa ay sababi doontaa deyn caalami ah oo lagu tusaalayn karo tii ku dhacday Lehman Brothers 2008dii. Xeeldheerayaasha dhaqaaluhu waxa ay leeyihiin dagaallada ganacsigu hadday qayb ka noqdaan carqaladaynta xaaladda siyaasadeed waxa abuurmi doona xiisad dhaqaale oo caalamka saamaysa.
Burburkii Lehman Brothers October 2008, amaahdu waxa ay gaadhay $64 Trilion dhammaadkii 2018. Sannadkii 2019 saadaasha IMF waxa ay muujisay tiro korodh dayn dadweyne ah. Tusaale ahaan Japan 237%. Giriigga 138%. Talyaaniga 132%. Boortaqiiska 121%. Singabuur 108%. Maraykan 106%. Belgium 101%. Boqortooyada Ingiriis iyaduna waa 86%. IMF saadaalinteeda daynta dadweynaha GDP per capital waa 103%.
Warbixintani waxa ay gooni uga saartay Japan iyo Singapore oo ay leedahay dayntooda guud ayaa ku jirta lacagta qaranka, si gaar ahna ay u leeyihin maalgashadayaasha guduhu, isla markaana aad uga ilaaliya hoos-u-dhaca amaahda ee maalgashadayaasha shisheeye.
Waddamada soo koraya ayey saadaashu sheegaysaa in ay fursad u tahay dhibtani oo ay ka faa’idaysan doonaan burburka dhaqaale ee waddamada reer Galbeedka ku soo socda. Tusaale ahaan Shiinaha iyo Hindiya ayaa aad loo loogu hanweyn yahay in ay fursad u noqon doonto.
Gunaanad
Dhibaatooyinka bulshada ka dhex aloosan ee caalami, gobol iyo heer deegaan waa dhacdooyin soo noqnoqda. Waxa aynu ka baranaynaa dhibaatooyinkaas si aynu u horumarinno, dib-u-habaynno xeerarka suuq cusub, laguna yaraynayo dhacdooyin soo noqnoqda.
Waddamada Afrika iyo Muslimiinta waxa aad mooddaa in aan doorweyn oo ay ka ciyaaraan saaxaddan aanu u bannaanayn, laak iin hadday ku guulaystaan in aanay qayb ka noqon darafyada loollanka balaadhani dhexmarayo waxa suuragal ah in ay dhibaatadaa ka samatabaxaan.
tixraac
https://worldfinancialreview.com/the-predicted-2020-global-recession
http://tag.global/crisis_booklet_2020_ar.pdf
https://www.theguardian.com/business/2019/jan/05/global-economic-crash-2020-understand-why