Covid19: bar-bilowga kacdoon lagu abuurayo nidaamka casriga ah ee Tiknoolajiyadda waxbarashada (WQ: Aadam Ducaale)

Inkasta oo ay dalalku ku kala geddisan yihiin, tirada dadyowga sadhada Covid19 ay soo ridatay, hadana in ka badan 1.2 billion ubad ah oo ku kala nool 186 waddan oo dunida ka mid ah, ayaa goobihii waxbarashada laga xidhay, sababo la xidhiidha xanuunkan sida ba’an dunida ugu habsaday.

 

Musiibadan kadiska ah ayaa sabab u noqotay in laga haajiro fasaladii camirnaan jiray, isbeddelkan deg-degga ah ayaa keensaday in dunida laga waayo arday buug iyo qalin sita. Dad badan ayaa iswaydiinaya; tolow miyaa la qabatimi doonaa waxbarashada ku baxaysa habka fogaan dhigashada, se ma sii waari doonaa habkan “E-learning” sadhada Covid19 kadib? Isbeddelka ku dhacay nidaamkii waxbarashadu, saamayn noocee ah ayuu ku yeelan doonaa suuqii waxbarashada ee dunida (worldwide Education Market).

 

Xanuunka Covid19 hortii, bani-aadamku waxa uu horumar baaxad leh uu ka samaynayey, laqabsiga nidaamka waxbarasho ee ay hagayso tiknoolajiyaddu (Educational Technology).

Sanadkii inna soo dhaafay ee 2019ka, waxa lagu maal-galiyey suuqa waxbarashada online- ka ah lacag gaadhaysa US$18.66 billion, waxa la saadaalinayaa in suuqa waxbrashada ay Tiknoolajiyaddu hagayso lagu maal-galiyo $350 billion sanadka 2025ka. Koboca baaxadda leh ee laga sameeyey dhinaca Tiknoolajiyadda ayaa hormuud ka ah kor-u-kaca suuqan.

Maraykanka, China, Japan iyo India ayaa ah hormuudka iyo hoggaamiyayaasha suuqa waxbarashada ee ay hagayso tiknoolajiyaddu.

 

Si looga jawaabo baahida waxbarasho ee jirta, sharakado farabadan ayaa bixiyey adeeg waxbarasho oo bilaash ah iyaga oo adeegsanaya Tiknoolajiyadda, sida BYJU’S, Bangalore-based educational technology oo la aasaasay sanadkii 2011kii, kuwaas oo ah hadda shirkadaha ugu tayada fiican ee bixiya adeegga waxbarashada ee habka fogaan dhigashada (Edtech companies).

 

Laga soo bilaabo bishii February 2020, waxa loo guuray adeegsiga habka fogaan dhigashada, iyada oo ay fududaynayaan mareego iyo Apps si gaar ah loo farsameeyey. Waa kacdoonkii ugu waynaa ee ka dhaca taariikhda waxbarashada in loo guuro nidaamka online-ka ah, kadib markii dawladda shiinuhu ay waxbarashada ka joojiyeen rubuc bilyan arday ah, iyada oo loogu beddelayo habka online-ka ah. Shirkado badan ayaa daah-furay madallo waxbarasho oo online ah, sida shirkadda Lark, waxa ay bilowday in ay hirgaliso adeeg ay u bixisay ByteDance, kaas oo fursad u siinaya macalimiinta iyo ardayduba in ay ku kulmi karaan hab maqal iyo muuqaal ah.

Dadka qaar ayaa ku doodaya, qorshahan habqanka ah, iyo isbeddelkan ka dhashay xanuunkan lama filaanka ah, ee aan ku dhisnayn khibradda basharka iyo diyaargarow la’aanta jirtaa, in ay sabab u noqon karto dib u dhac ku yimaada nidaamkii waxbarashada ee tooska ahaa, kuwa kale ayaa iyagu rumaysan in waa cusub uu u baryey nidaamkii waxbaraahada oo ay dadku la jaanqaadi doonaan tiknoolajiyadaynta waxbarashada.

 

Jaamacado badan ayaa guul ka gaadhay laqabsashada geeddiga cusub ee waxbarshada. Jaamacadda Zhejiang ee dalka shiinahu, waxa ay ku guulaystay in ay 5,000 oo course ay ku bixiso laba usbuuc gudahood iyada oo adeegsanaysa mareegta “Ding Talk ZJU”. Mac’hadka Imperial College London isna waxa uu hab online ah ku bixiyey courses la xidhiidha xanuunka coronavirus, isaga oo adeegsanaya mareegta Coursera, kuwaas oo noqday fasalladii ugu badna ee hab online ah la isu diwaangaliyo sanadkan 2020ka. Barayaal badan ayaa ammaanay habka fogaan dhigashada, iyaga oo tilmaamay in habkani uu isbeddel wayn ku keenay nidaamkii wax-dhigista iyo wax-dhigashadaba.

 

Nidaamka fogaan dhigashada, caqabado halistooda leh, ayaa ku gadaaman, oo u baahan in si deg-deg ah xal looga gaadho, si loo ilaaliyo sinaanta iyo cadaaladda ardayda.  Ardayda qaarkood ayaan haysan adeegga internet-ka ama qalabka u fududaynaya in ay kaga qayb-qaataan waxbarashada ay tiknoolajiyaddu hagayso. Caqabaddan baaxadeedu waa mid ay ku kala duwan yihiin ardayda caalamku, tusaale ahaan 95% ardayda Switzerland, Norway iyo Austria waxa ay haystaan computers ay u adeegsadaan wax-dhigashadooda, halka 34%  oo kaliya ardayda Indonesia ay haystaan computers.

Wadamo badan oo dunida ku yaalla, waxa ay caqabaddani dabar ku tahay qoysaska jeebkoodu uu hooseeyo. (Disadvantaged Background Families).

 

Geeddigga cusub ee nidaamka waxbarashadu, miyuu inoo jeexi doonaa hab casri ah oo ay dheef badani ugu jirto ardayda? Mise waxa wer-wer laga qabaa in uu noqon doono kud ka guur oo qanjo u guur?.

 

WQ: Adam Ducaale

Bangladesh, Dhaka