Shirkii joogtada ah ee Gudiga Sare ee ka Hortaga Caabuqa Carona Viruska oo ay ka soo qayb galeen guud ahaan xubnaha gudigani ayaa ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada DDS.
Kulankan oo uu shir gudoominayay Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar waxaana lagaga wada hadlayay Qaabkii loo sii xoojin lahaa ka hortaga iyo xakamaynta caabuqan.
Kulankani oo uu madaxwaynaha ku weheliyay Madaxwayne Ku Xigeenka Mudane Aadan Faarax Ibraahim ayaana ugu horeyn wasiirka Xafiiska Caafimaadka lagaga dhagaystay warbixinadii u danbeeyay ee caabuqa COVID19 ee guud ahaan caalamka, dalka, iyo deegaankaba halka Gudiyada kalana ay si lamida u soo bandhigayeen kaalimahooda ku aadan ka hortaga cudurkani, soo jeedin kadib waxaa la isla gorfaynayay qaabkii loo sii badin lahaa taxadarka iyo ka hortaga lagula jiro viruskni oo saamayn ba,an kuhaya caalamka halka dalka ethiopiana uu maalinba maalinka kadanbaysa uu kusii kordhayo.
Waxaana kulankani qasab lagaga dhigay guud ahaanba bulshada deegaanka ee isugu imanaya goobaha kala duwan inay xidhaan maskiga afka, amaba af daboolka, cidii sharcigaasi la soo rogay jabisana ay la kulmi doonto ciqaab isugu jirta ganaax iyo xadhig.
Ugu danbayn caabuqani ayay guud ahaan dalka la tacaalayaan 831qof oo 87 kamida ay kuxaraysanyihiin Goobaha karantiilka ee degaanka Soomaalida.
Bandhige@gmail.com