Qaab-dhismeedkii & Hogaamintii Hawlgalkii Guda-galka Hargeysa 31 May 1988 (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Dad badan baa ku muransan cida hogaaminaysau hawlgalkii Guda-galka Hargeysa ee SNM 32 sanno ka hore. Inta badan waxaa muuqata in muranku ka imanayo fahan la’aan qaab-dhismeedkii guud ahaan SNM gaar ahaan hawlgalkii Gudagalka Hargeysa ah. Kala-saraynta hogaamineed ee min heer Aag/talis ilaa heer urur ayaad moodaa iyaddana in aanay ย dad badani ka boggan. ย Halkan waxaan jeclaa inaan idinkula wadaago xoogaa aan isku geeyay oo khuseeya sida qaabdhismeedka, Kaalmaha hogaamineed iyo Kala-sarayntu ahayd habeenkaas. Wixii aan qaldo iyadana waad ila sixi kartaan oo anigu ciidana ma ahi mana ahayn goobjoog. ย Waxaad maanka ku haysaa in guud ahaan ahaan labba AAG ay SNM u qaybisay hawlgalladeeddii kuwaas oo la kala odhan jiray Aagga Makka iyo Aaga maddina.

 

Sidaan taariikhda ku hayno hawlgalkani waxaa SNM isku agaasintay sidda tan:

 

B. Qaab-dhismeedka hawlgalka

…………

 

1.TALISKA AAGA MAKKA

1. 1Guutadda Sayid Cumar (3 urur)

1.2 Guutadda 20aad (3 urur)

1.3 Guutadda Sancaani (4 urur)

 

J. ย Hogaamintii hawlgalka

……………………

2. Hogaaminta AAGA: Aaga Maka wuxuu lahaa:

– Taliyaha Aagga (1)

-Abaanduulaha Aaga (1)

Hawlgalinta Aaga(1)

3. Hogaaminta Guutooyinka: saddexda Guuto mid walba hogaankeedu sidan buu u dhisnaa:

– Taliye Guuto (3)

-Abaanduule (3)

-4 Taliye urur (10)

Guud ahaan 16 hogaamiye o kala sareeya ayaa saddexda guuto iyo ururada ย hogaaminayey. Waxaa ka sii sareeyay hogaanka Taliska Aaga Maka oo 3 ka kooban. Waddarta hogaanku wuxuu ahaa 19 hogaamiye. Guud ahaan ciidaanku wuxuu ahaa qiyaastii 1400 oo askari. Saddexda Guuto middiiba 400 oo nin way ahayd. Waxaanay u sii kala jabaysay saddex urur oo ย #celcelis ahaan urur waliba ahaa 100 ilaa 120 nin.

 

Waxaa xusid mudan in ay jirta wax la yidhaa “Guddi Dagaal/War Committee” taas oo ay xubnaheeda ka mid ahaayeen Muj. Maxamed Kaahin Axmed & Muj. Xasan Yoonis Habbane. Guddidaasi waxay kor-joogtaynaysay diyaargarowga, kaartadda iyo fulinta hawlgalka guda galka.

*************************

FG: Magacyadda Hogaamiyeyaashii AAGA, GUUTOOYINKA & URURADDA hawlgalka

 

Hogaanka Taliska Aaga Maka

Muj: Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Taliyaha Aagga

Muj: Maxamed Axm ย ed Ibraahim (Dayib-gurey), Abaanduulaha Aagga

Muj: Cabdillaahi Askar, Taliyaha Hawlgelinta Aagg

 

Guutada Sayid Cumar waxaa hoggaaminayay mujaahidiinta kala ah:

1. Muj: Maxamed Cilmi Samatar, Taliye

2. Muj: Maxamed Xasan (Gacma-dheere), Abaanduule

3. Muj: Falastiini, Taliyaha Ururka 1aad

4. Muj: Cabdiraxiim Maxamed (Bidhiidh), Taliyaha Ururka 2aad

5. Muj: Cabdilaahi Shiine, Taliyaha Ururka 3aad

 

Guutada 20aad waxaa hoggaaminayay mujaahidiinta kala ah:

1. Muj: Axmed Dhagax, Taliye

2. Muj: C/kariim Xaashi Cilmi, Taliye-xigeen

3. Muj: Yoonis Cali Aadan, Abaanduule

Taliye ururo iyo taliye unugyo waxaa ka ahaa mujaahidiinta ay ka midka ahaayeen: Muj: Axmed-aakhiro, Muj: Cumar Iska-yimid, Muj: C/risaaq Daahir Dhidar (Beelo-guba), Muj: Maxamed-Dhako, Muj: Xuseen Cabdi Weerar, Muj: Rashiid-burur iyo Muj: Axmed Shire Guud-cadde.

 

Guutada Sancaani oo ay hoggaaminayeen mujaahidiinta kala ah:

1. Muj: Weerar/ Muj: Aadan Cadde, Taliye (Muj: Weerar wuxuu dhintay habeenkii ugu horeeyay waxaana kala wareegay Muj: Aadan Cadde)

2. Muj: Maxamuud Haybe, Abaanduule

3. Muj: Maxamed Ibrahim (Ina Qayliya) Taliyaha Ururka 1aad

4. Muj: Maxamed Gahayr, Taliyaha Ururka 2aad

5. Muj: Maxamed Koosaar, Taliyaha Ururka 3aad

6. Muj: Axmed Garow, Taliyaha Ururka 4aad